Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee La-dagaallanka Musuq-maasuqa awgeed, ayaa Ergeyga QM wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo sarreynta sharciga ee Soomaaliya

9 Dec 2018

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee La-dagaallanka Musuq-maasuqa awgeed, ayaa Ergeyga QM wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo sarreynta sharciga ee Soomaaliya

Iyadoo la xusayo Maalinta Caalamiga ah ee La-dagaallanka Musuq-maasuqa, ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya wuxuu maanta hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay talinta sharciga iyo dhisidda hay’ado daah-furan oo lala xisaabtami karo.
 
“Musuq-maasuqa iyo daah-furnaan la’aanta waaxyada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay waxay si weyn u cuuryaamiyaan horumarka iyo xasiloonida – sida ka jirta dal kale ee kasta, Soomaaliya kama bed-ilaalsano hab-dhaqannadaas,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah, Nicholas Haysom. “Qof kasta wuxuu qaadi karaa tallaab, si weyn ama si yar, oo uu ku xakamaynayo musuq-maasuqa kuna xoojinayo dhaqanka hufnaanta. Waxaan rabaa inaan si gaar ah ugu hambalyeeyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha sida uu horseedka ugu noqday dadaallada wax looga qabanayo musuq-maasuqa.”
 
Hab muhiim ah oo lagu joogteeyo, lagu maareeyo laguna raad-raaco dagaalka ay wadaan dalalka ee lagula dagaallamo musuq-maasuqa ayaa ah Heshiiska Qaramada Midoobay ee La-dagaallanka Musuq-maasuqa, heshiiskaas oo sanadkaan loo dabaal-degayo sanad-guuradiisii 15aad lagasoo billaabo markii uu ka dhaqan galay dhaman dunida.
 
Inkastoo Soomaaliya ay kamid tahay dhowr dal oo aan weli saxiixin qalinkana ku duugin Heshiiska, oo isagu ah awoodda sharci ee kaliya ee caalamiga ah ee la-dagaallanka musuq-maasuqa, ayaa Qaramada Midoobay waxaa dhiiri-geliyay in tallaabooyin loo qaadayo xaqiijinta yoolkaas.
 
Dunida daafeheeda, 9ka Disembar ayaa laga xusaa Maalinta Caalamiga ah ee La-dagaallanka Musuq-maasuqa iyadoo ujeedadu tahay in wacyi-gelin laga sameeyo musuq-maasuqa iyo kaalinta uu Heshiisku ka qaato la-dagaallanka iyo ka-hortagga Musuq-maasuqa.