Isu Duwidda Deeq Bixinta

Qooraansi:

UNSOM, oo kaashanaya hay’aadka QM ee dalku, waxay sare u qaadayaan qorshe lagu taageerayo sidii si wax ku ool ah degaanka wax looga qaban lahaa dhanka kaalmada caalamiga ah iyadoo la garab istaagayo DF Somalia iyadoo ay beesha caalamku bixinayso taageero farsamo iyo mid maaliyadeed si gacan looga gaysto soo kabashada siyaasadeed iyo midda dhaqan-dhaqaale ee dalka.  

Waxaannu diiradda saaraynaa dhanka isku xirka kaalmada taasoo noo saamaxaysa in aannu dalka ka dhaqaajinno booska kala guurka ah oo aannu gayno meel ay ka suurtageli karto nabad waarta iyo horumar muddo dheer jiri kara. Sidaa darteed, si gacan looga gaysto taas, waxaannu samaynay barnaamij ay si dhow uga wada shaqaynayaan hay’aadka, sanduuqyada khayriga ah iyo mashaariicdu, si loo helo wajhad isku mid ah. 

Wajahaad isku xiran:

Si guud, howsha QM ee Somalia waxaa hagaya 4 xayndaab oo waawayn: NDP9, Jaalnimada Cusub ee Somalia, Shabakadda Xayndaabka Horumarinta Taagnaan ee QM (UNSDCF) iyo Qorshaha Jawaabta Aadminnimo (HRP). Xayndaabyadani waa kuwa aannu ku taageerno muhiimadaha Somalia. Waxaannu adeegsannaa habka isku xirka deeqa si aannu u sameeyno barnaamijyo ay isla wadaan PWG iyo Xayndaabka Dib u Dhiska iyo Horumarinta Somalia (SDRF).  

Hindisaha gargaarka Somalia waa mid isu keenaya hay’aadka dowliga ah iyo kuwa aan ahayn si ay uga tashadaan si joogto ah heer siyaasadeed iyo mid farsamo eek u saabsan qorshayaasha horumarineed iyo kuwa dib u dhiska ah ee si wadajir ah la isula guddoonsado in wax laga qabto oo mhuumad la siiyo. Waxaa sidoo kale ka mid ah hab lagu maalgelinayo oo ay isla maamulayaa DF Somalia iyo QM, Bankiga Adduunka iyo Bankiga Horumarinta Afrika, taasoo dhimaysa kharashkii maamul, gacanna ka gaysanaya in la adeegsado hannaanka dowaldda si wax kasta loo waafajiyo muhiimadaha qaranka.  In hubaal laga dhigo isku xirkaasi waxaannu raacnaa hannaan gargaar oo ay hoggaaminayso DF Somalia kaasoo loo marayo Madasha Jaalnimada ee SPF.

Madashii ugu dambaysey ee SPF waxaa la qabtay 7dii Diseembar 2020 waxaana la iskugu keenay DF Somalia iyo shan Maamul-goboleed (FMS) oo lagu daray gobolka Banaadir iyo saaxiibbada caalamka si dib loogu eego waajibaadyada sar sare. Waxay dadkii ka qayb galay ka wada arrinsadeen Xayndaabka Xisaabtanka loo Dhan yahay ee MAF iyo waajibaadyada sanadka 2020, iyo guulaha ilaa haatan dhankaa laga gaarey. Waxay sidoo kale isku waafeqeen dhowr howlood oo muhiimad la siinayo 2021 kuwaasoo ay araadooda ka dhiibteen, sidoo kale istaraatijiyadaha iyo qaabka loo wajahyo arrimahaas ayaa la isla eegay. 

Mabaadi'da Iskaashiga ayaa qeexaya shuruudaha xiriirka ee DF Somalia iyo beesha caalamka; waxaa ka mid ah bartilmaameedyo cad iyo tilmaamayaal waxayna ujeedadoodu tahay hagaajinta waxtarka gargaarka. Mabaadi’da sida hoggaaminta qaranka iyo lahaanshaha, ka mid ahaanshaha, diirad saarista natiijooyinka, waafajinta kaalmada dibadda dhanka mudnaanta qaranka, xoojinta hay’adaha, adeegsiga nidaamyada dalka, daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka ayaa sii ahaan doona kuwo muhiim u ah hirgelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka. 

Go’aanka ah in la qaato Hiigsiga Cusub oo laga hirgeliyo Somalia dhowr sanadood kahor wuxuu ahaa go’aan siyaasadeed oo calaamad u noqday isbeddelkii beesha caalamka ee ku aaddanaa dalka. Waxaa loo arkay inay tahay qaab dhismeedkii saxda ahaa ee wajahaadda dhismaha dawladeed taasoo sharciyadda dawladda meesha ugu horraysa ka dhigtay kaalmada la siiyay DF, kaddib tobannaan sano oo uu jirey ka qaybgal xaddidan iyo, marka wax laga eego dhinaca aragtida barnaamijka, waxaa si gaar ah diiradda loo saarayey gargaar bani’aadamnimo oo ka baxsanaa hilinnada dawladda.