Caasha Maxamed Warsame: Shakhsi ku dhiiran dhiiriggelinta tababarka farsamada gacanta

16 Jul 2018

Caasha Maxamed Warsame: Shakhsi ku dhiiran dhiiriggelinta tababarka farsamada gacanta

Waxbarashada Caasha Maxamed Warsame ma aysan ahayn mid sahlan. Waxbarashada 23 sano jirtaan ayaa ku soo beegmay xili ay Soomaaliya sagaashameeyadi ka qarxeen colaado hubeysan.

Sanadi 1995-tii, iyadoo waalidka Caasha ay ubadkooda la doonaayeen mustaqbal wanaagsan ayay ka soo guureen gurigooda ku meel gaarka ah ee ku yaal Balcad, gobolka Shabelaha Dhexe iyaga oo imaaday Muqdisho si caruurtooda ay u helaan fursado waxbarasho oo wanaagsan.

Hasa ahaatee, waxay mar dambe ogaadeen in ay u wareegista caasimadda ay khatar galisay waxbarashada caruurtooda maadama ay dalka ka dilaaceen dagaalo culus. Dhawaaqa xabbadaha iyo bam gacmeedka ayaa ku dhawaad maalin kasta cirku isku shareeri jiray xaafadaha, iyada oo taasi ay adkeysay in caruurta ay xoogga saaraan leyliyada guriga, marka laga soo gudbo khatarta ka jirtay magaalada.

Waxaa taasi ka sii darneyd, Caasha iyo saxibbadeeda ay isku fasalka ahayeen ayaa inta badan carari jiray oona gabban jiray mar waliba u dagaal xooggan ee u dhaxeeya kooxaha hubeysan u soo gaaro iskoolkooda.

“Waxaan xilliga aan iskoolka u soconno iyo xilliga aan iskoolka joogna labaduba ka gabban jirnay xabbadaha. Israsaaseynta ayaa ka bilaaban jirtay bannaanka iskoolka taasi oo ardeyda iyo macalimiinta ku qasbi jirtay in ay ka gabbadaan xabbadaha ka hor inta ay xiisadahooda ku noqon. Waxa ay noo ahayd nolol adag,” ayay tiri Caasha.

Balse taasi ma aysan ahayn caqabadda kaliya ee soo wajahday. Caqabadaha kale ayaa waxa sababey eex la xiriira dhaqanka, sida mid liddi ku ah waxbarashada gabdhaha. 

“Waxaan inta badan fowdo kala kulmi jiray ragga xiliga aan iskoolka u socdo aniga oo sito bugaagtayda. Si xun ayaa la ii eegi jiray. Iyaga oo I ximanaya ayaan maqli jiray, “Maxay iskoolka u aadeysaa?”” ayay tiri.

Si kastaba ha ahaatee, Caasha ayaa aaminsanayd in waxbarashada heer jaamacadeed ay u horseedi doonto nolol fiican, dhawaaqa xabadaha iyo jesjeeska ma aysan ka hor istaagin Caasha in ay hadafkeeda gaarto.

Kaddib marki ay 2016-ki jaamacadda ka qalin jabisay iyada oo qaadatay shahaddada heerka koobaad ee jamacadda ee kuliyadda Maamulka Ganacsiga, waxa ay haysatay rajo ah in ay shirkad wanaagsan ka heli doonto shaqo mushaar fiican leh, taasi oo u suurta gelin doonto in ay ka qayb qaadato horumarka dalkeeda.

Balse waxaa la yaab la noqday in dadaalladeeda ay ku doonaysay in ay shaqo ku hesho waa ay ku guul darraysatay, taasi oo niyad jabisay. Waxa ay mar waliba ka wallaacsaneyd in lacagta la geliyay waxbarashadeeda ay khasaartay.

Xili ay rajo dhigtay ayay la kulantay mid ka mid ah macaliminteedi hore oo kula taliyay in ay tixgeliso tababarka xirfadaha si ay kor ugu qaaddo tartankeeda shaqada. 

“Sababta ay caqabad igu noqotay in aan shaqo helo ayaa ah, in jaamacadaha ay ku siinayaan casharro tiyoriga, halka shaqooyinka ay u baahan yihin xirfado,” ayay tiri Caasha. “Farqi ayaa u dhexeeya waxyaabaha laga barto jaamacadda iyo waxyaabaha ay shaqooyinka u baahan yihin ee dhinaca xirfadaha.”

Is waafaqsanaan la’aantan, ayay 23 sano jirtaan ku dartay in u niyaad jabinaayo dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo aaminsan in shahaado jamacadeed ay tahay waxa kaliya ay u baahan yihin si ay u helaan shaqo, waxaysan ogeen in tababarka farsamada gacanta uu kala saari karo in uu qofka helayo shaqo ama uu shaqo la’aan sii ahaanayo.

Iyada oo tan maanka ku haysa, Caasha ayaa iska diwaangelisay Hano Academy oo ah machadka farsamada gacanta oo laga aqoonsanyahay Soomaaliya kaas oo bixiya tababarka farsamada gacanta si ay ka barato xirfadaha buuxiya baahiyada shaqada. Go’aankeeda ayaa miro dhalay kaddib markii ay ku guuleysatay tababarkeeda, waxaa loo soo bandhigay in ay isla machadka ka noqoto maamulaha xafiiska.

“Hano Academy waxaa u ahaa fursad rabbaani ah. Hammigeyga waxaa uu ahaa in aan qaybta waxbarashada ka nooqdo sarkaal maamul,” ayay tiri. “Waxaan qaatay tababar aniga oo shaqada wata, taasi oo nolosheyda dhanka wanaagsan u beddeshay.”

Soomaaliya waxaa ay leedahay heerarka ugu sarreeya ee shaqo la’aanta adduunka taasi oo loo aaneynaya sanado badan oo ay ku jirtay colaado. Sida laga soo xigtay Hay’adda Shaqalaha Adduunka (ILO), ku dhowaad boqolkiba 47 ee dadweynaha ayaa ah shaqo la’aan, iyada oo boqolkiba 75 ee dumarka aysan haysanin waxbarasho. Waxaa jirta baahi loo qabo tababarka farsamada gacanta si loo fududeeyo cadaadiska dhanka shaqo la’aanta.

Iyada oo ay ka qeyb qaadanayaan horumarinta xirfadaha farsamada iyo karti-xirfadeedka, dugsiyada tababarka xirfadaha ayaa ah ilo muhiim ah oo sare u qaadaya kobaca wax soo saarka sida laga soo xigtay ILO. Arrintan waxaa caadi ahaan ka turjumaya shaqooyin badan oo wanaagsan. Go’aanka ILO ayaa la xiriira Ajeendada 2030-ka ee Horumarka Waara, oo ay ka mid tahay Yoolka 4 ee Horumarka Raandhiiska leh (SDG4), oo ku saleysan xaqiijinta waxbarasho tayo leh oo loo siman yahay iyo kor u qaadidda fursadaha waxbarashada oo loo wada dhan yahay.

Iyada oo aasaas looga dhigayo Yoolalka Horumarinta Kun-Sanadka (MDGs) ee taarikhiga ah, Ajeendada 2030-ka ayaa waxaa u ka kooban yahay 17 yool iyo 169 bartilmaameed oo lagu ciribtiraayo saboolnimada, la dagaalanka sinnaan la’aanta iyo la tacaalidda isbeddelka cimillada ee 15-ka sano ee soo socda.

Sidoo kale Caasha ayaa aaminsan saameynta u tababarka xirfadaha ku leeyahay shakhsiga iyo bulshada, waxeyna haatan dhallinyarada u qabanqaabisa shirar joogta ah, iyadoo dhibeysa khudbado dhiiriggelin oo ku dhiiriggelinaayo in ay tixgeliyaan fa’iidooyinka waxbarashada xirfadaha.

“Marka aad leedahay tababarka farsamada gacanta waxaa ku fududaan karaa in aad hesho shaqo ama aad bilawdo ganacsigaaga iyo in aad gacan ka geysato nabadda iyo horumarka,” ayay tiri. “Saameynta uu ku leeyahay dhaqaalaha waa mid aad u ballaaran.”