Mustaf Yuusuf Ibraahim: Tababarka xirfadaha ayaa nolosheyda beddelay

16 Jul 2018

Mustaf Yuusuf Ibraahim: Tababarka xirfadaha ayaa nolosheyda beddelay

Waayo aragnimada uu Mustaf Yuusuf Ibraahim kala soo kulmay tahriib asaga oo nolol wanaagsan raadsanayo wax yar ayay ka duwan tahay kuwa dadka kale oo badan – gaajo, cabsi, xumeyn iyo xad-gudub.

Markuu ahaa 17 sano jir, isaga iyo labo saaxibadiisa ah waxaa ay ka soo tageen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halkaasi oo ay wax mustaqbal ah uga muuqanin.

“Waan ka rajo dhigay nolosha, waan awoodi waayey in aan iska bixiyo waxbarashadeyda. Waxaa aan rabay in aan qoyskeenna masruufo laakiin xaaladuhu way adkaayeen. Waa taasi midda igu kaliftay in aan safarkaasi khatarta ah u galo Sacuudi Carabiya,” ayuu yiri 23 sano jirka.

Saddexda waxaa ay ka soo ambaqaadeen magaalada Bosaaso ee Puntland. 36 sacaadood oo safar doon ah ka dib, waxaa ay gaareen Yemen, halkaasi oo ay rabeen in ay ka galaan Sacuudi Carabiya. Balse ugu dambayn, Mustaf kaliya ayaa halkaasi gaaray ka dib saddex bilood oo u adkeystay dhibaatooyin ay ka mid yihiin nolol adag iyo sameynta shaqooyinka xirfadaha u baahneyn si uu u noolaado.

“Mid ka mid ah saaxibadeyda ayaa la xiray xilli uu isku dayey in uu Sacuudiga galo, halka midka kale na uu Yemen ku haray – sidaa daraaddeed aniga kaliya ayaa gaaray Sacuudiga,” ayuu sharraxay.

Inkastoo Mustaf ugu dambayn Jidda ka helay shaqo lacag yar oo ah nijaarnimo, riyadiisii ahayd in uu helo nolol fiican ayaa soo afjarmatay 2015-ka ka dib markii loo xiray in uu si sharci darro ah waddanka soo galay. Waxaa xiray saraakiisha socdaalka, waxaa ayna u tarxiileen Muqdisho.

“Waan qararacmay, ma na aqoon wax aan sameeyo, anigoo og dhibaatada igu sugeyso halkii aan ka imid,” ayuu sheegay.

Kaddib markii uu bilooyin u dhabar-adeegay dhibaatada Muqdisho taala, Mustaf noloshiisa iyo rajooyinkiisa ayaa isbeddelay. Saaxib ayaa kula taliyey in uu tabarbar xirfadeed ka raadsado SHARDO (Hay’adda Samafalka iyo Horumarinta ee Shabeelle) si ay uga caawiso in uu noloshiisa hoggaanka ugu qabto sidoo kale na kor ugu qaado fursadihiisa goobaha shaqada.

SHARDO waa hay’ad ka hawlgasha gobollada Shabeellaha Dhexe, Benaadir, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, tababar xirfadeed oo la jaanqaada caqabadaha fursadaha shaqo ee maxalliga ah u fidiso dhalinyarada saboolka iyo danyarta ah.

Tababar nolosheyda wax weyn ka baddalay

Mustaf waxaa uu qaatay koorso sagaal bilood ah oo ku saabsan koombuyuutar iyo naqshadeynta sawirrada. Koorsahani waxaa uu kor u qaaday isku-kalsoonaanshihiisa, waxaa na kordhay fursadihiisa shaqo.

“Markii aan dhammeeyey koorsaha, Bilan (Shirkad daabacaad oo ku saleysan Muqdisho) ayaa I soo dalbatay, isla markiina waan aqbalay shaqadi ay ii soo bandhigeen,” ayuu leeyahay Mustaf.

Isagoo ka soo billaabay naqshadeeye sawir, Mustaf oo hadda aabo ah ayaa kor u kacay oo dadaalkiisa awgeed noqday maareeyaha shirkadda dhanka iibinta iyo suuqgeynta.

Waxaa uu isbaddelkiisa u tiirinayaa koorsaha xirfadeed ee uu ka helay SHARDO, laga soo billaabo markuu ahaa muhaajir rajo dhigay oo dhaqaale raadinaya ilaa hadda oo uu yahay nin yar weyn oo rajo iyo xoogba leh, “Xirfadaha laga helo tababarrada xirfadeed waxaa ay muhiim u yihiin dhalinyar kasta, xitaa kuwa sita shahaadooyin jaamacadeed,” ayuu sheegay, isagoo ku daray in markii ay shaqooyinka yar yihiin ay dadka wax shaqaaleysiiya raadiyaan qof leh xirfadi dheeri ah.

Inkastoo Soomaaliya ka soo kabsaneyso tobannaan sano oo colaad ah, shaqo la’aanta dhalinyarada ayaa sarreysa fursado iyo xirfado la’aan awgeed kuwaasi oo looga baahan yahay goobaha shaqada.

Soomaaliya waxaa ka jira shaqo la’aanta ugu badan adduunka, colaadda sanadaha badan qaadatay awgeed. Sida ay sheegeyso Hay’adda Caalamiga Shaqaalaha (ILO), ku dhowaad 47 boqolkiiba dadka hawlkarka ah waa shaqo la’aan, iyadoo 75 boqolkiiba dumarka yar ay yihiin aqoon la’aan. Tababarrada xirfadeed ayaa aad loogu arkaa in ay gacan ka geystaan yareynta caddaadiska shaqo la’aanta.

Kaalintooda horumarinta xirfadaha iyo hawlkarnimada awgeed ayaa machadyada tababarrada xirfadeed u yihiin faa’iidooyin kale oo kor loogu qaado wax soo saarka, sida ay qabto hay’adda ILO. Arrintaasi waxaa inta badan ka turjumaya shaqooyin badan oo wanaagsan.

Go’aanka ILO ayaa la xiriira Ajeendada 2030-ka ee Horumarka Waara, oo uu ka mid yahay Yoolka 4 ee Horumarka Raandhiiska leh (SDG4), oo ku saleysan xaqiijinta waxbarasho tayo leh oo loo siman yahay iyo kor u qaadidda fursadaha waxbarashada oo loo wada dhan yahay. Ajendaha 2030-ka waxaa uu ka kooban yahay 17 hadaf iyo 169 bartilmaameedyo si loo ciribtiro fakhriga, loo la dagaalamo sinnaan-la’aanta, waxna looga qabto isbaddellada cimillada 15-ka sano ee soo socda.

Isagoo eegaya waxa uu soo maray, Mustaf waxaa uu caawinayaa kuwa xaaladdiisa oo kale ku jira. Waxaa uu kullamo joogta ah la yeeshaa dhalinyarada si uu ugu dhiiri geliyo in ay raadsadaan tababar xirfadeed si ay u horumariyaan rajooyinka ay ku heli lahaayeen shaqo. Waxaa uu sidoo kale abaabulay ardada jaamacadaha dhigata ee Muqdisho kuwaasi oo ka soo jeeda gobolka uu u dhashay ee Gedo si ay waxbarashada uga bixiyaan 40 arday oo dhigata Dugsiga Hoose ee Kalafoow ee ku yaala tuulada Luuq.

“Waxaa aan dooneynaa in ay helaan waxbarasho. Dhaqaalaha aan uruurinno waxaa dheer waxaa aan sidoo kale la qaybsannay khibradaheenna si aayan u marin waxyaabihi aan innaga soo marnay,” ayuu sheegay. “Waa waxbarasho waxa ay ku guuleysan karaan.”

Mustaf waxaa uu dhalinyarada kale ee wiil iyo gabadhba ku boorinayaa  in aynan fikirin in ay u tahriibaan Yurub iyo Bariga Dhexe iyagoo raadsanaya nolol fiican, isaga oo na ka waaniyey in nolosha dibadda u dhalaaleynin sida dad badan aaminsan yihiin.

“Maadama aan hadda heysto shaqo iyo qoys aan ilaalinayo, waxaa aan aad ugu baahanahay nabad. Ma jiraan wax mar kale igu riixi kara in aan noqdo tarhiib,”