Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Apriil 2021

4 May 2021

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Apriil 2021

 

Xaalaadaha degdeg ah | FAO Soomaaliya oo sii wadda helista habab cusub oo wax looga qabanayo dhibaatada ayaxa saxaraha

FAO Soomaaliya waxa ay si isdaba joog ah u hormarineysa habab cusub oo wax looga qabanayo laguna yareeynayo dhibaatada ayaxa. Application-ka eLocust3, oo lagu xiri karo taleefannada gacanta ayaa awood u leh in uu raad-raaco kooxaha ayaxa, taaas oo gacan ka geysatey u gogol xaaridda habka teknolojiyadda oo qeyb weyn ka qaadanaya dadaallada degdegga ah iyadoo maalgelin ballaaran laga helayo Bangiga Adduunka, FAO iyo saaxiibbadeeda fulinaya hawlahan isugu jira hal-abuurka iyo tiknoolajiyadda si looga caawiyo beeralayda maxalliga ah iyo kuwa beero-xoola-dhaqatada ah in ay ka badbaadiyaan dalagyadooda cayayaanka iyo yareynta saameynta ayaxa ku yeeshay bulshada.

https://bit.ly/3ahTEaj

 

Ka fal-celinta COVID-19 | UNDP iyo Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya oo daraaseeyey saameynta dhaqaale iyo bulsho si ay gacan uga geysato hagidda ka fal-celinta

UNDP iyo Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay isku geeyeen in ka badan 20 daraasadood si ay u soo saaraan sawirka ugu ballaaran illaa iyo maanta dhibaatada bulshada iyo dhaqaalaha ka soo gaartay COVID-19. Daraasaddan oo ay maalgelinayso dawladda Japan, ayaa sidoo kale waxaa ku jira qaybo talo soo jeedin ah oo ku saabsan sida dib loogu dhisi karo si wanaagsan iyada oo aan cidna laga tegayn.

https://bit.ly/3xoKpim

 

Ka fal-celinta COVID-19 | UN-Habitat iyo SIDA oo iska kaashanaya hindisaha wareejinta lacagta si ay uga badbaadaan dadka reer Kismaayo dhibaatooyinka COVID-19

UN-Habitat waxa ay bilawday qorshe lacag siin ah oo loogu tala galay in dadka ku nool Kismaayo looga caawiyo saameynta adag ee dhaqaale ee COVID-19. Qeybtii ugu horreysay ee xawilaad lacageed oo toos ah oo ahayd $ 70 qofkiiba ayaa loo diray 250 qoys oo nugul oo ku nool Galbeedka Kismaayo. Isla 250 qoys ayaa midkiiba heli doona wadar ahaan USD 210 muddo seddex bilood ah si loogu caawiyo qoysaskooda, taas oo qeyb ka ah barnaamij ay ka faa'iideysan doonaan in ka badan 2,000 oo qof si dadban. Mashruucani wuxuu ku dhex jiraa mashruuca weyn ee Mashruuca Dib-u-cusbooneysiinta Dhallinyarada iyo Magaalooyinka (YOURS) oo ay maalgeliso Dowladda Sweden, ujeedkiisuna yahay inuu gacan ka geysto yareynta sinnaan la'aanta magaalooyinka, iyadoo la dhiirrigelinayo magaalooyinka, horumarinta dhallinyarada iyo dib-u-dhexgalka kooxaha la hayb sooco iyada oo loo marayo dhisidda awoodda hay'adaha dowladda iyo adkeysiga dhaqan-dhaqaale ee bulshada magaalooyinka.

https://unhabitat.org/un-habitat-and-sida-partner-in-cash-transfer-initiative-to-cushion-kismayo-residents-from-the

 

Maamulka socdaalka | UNODC oo ka taageereysa booliska Soomaaliyeed mabaadi'da maamulka

UNODC waxa ay bilawday Maareynta Baarista iyo Tababarka Maamulka (IMAT), qeybta 4-aad, oo ku saabsan Mabaadi'da Maareynta Booliska, oo loogu talagalay saraakiisha booliska ee Muqdisho iyo Puntland. Tababbarka ayaa ka socon doona guud ahaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka (FMS) illaa 26 Abriil, halkaas oo lagu soo gabagabeynayo Jubaland iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Tababarada IMAT waxaa soo qabanqaabiyey oo hirgeliyey barnaamijka baaritaanka dambiyada ee UNODC (CIP) ee Soomaaliya, oo ay maalgeliso Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ee Mukhaadaraadka Caalamiga iyo Dhaqangelinta Sharciga (INL). CIP waa qayb ka mid ah laanta UNODC ee la-dagaallanka dambiyada abaabulan (TOC), oo lagu hirgeliyo qaab-dhismeedka Barnaamijka ballaaran ee UNODC ee Bariga Afrika (2016-2021). Saraakiisha booliska ee tababarka qaadanaya waa saraakiisha CID / U ee madaxada, kuxigeenka iyo / ama saraakiisha maamulka oo horeyba ugaqeyb galay IMAT 1, 2 iyo 3.

https://twitter.com/UNODC_EA/status/1383448212078428167

 

Tababbarka weriyeyaasha | UNESCO oo xoojineysa badbaadada suxufiyiinta ka hor doorashooyinka Soomaaliya

Tababarka oo socday laba maalmood ayaa waxaa ka qeybgalayaasha la baray aqoon ku saabsan caqabadaha amniga ee soo food saaray intii lagu guda jiray tabinta doorashada. Qorshaynta amniga shakhsiga, qiimeynta halista, amniga taraafikada iyo amniga dhijitaalka ah inta lagu gudajiro tabinta doorashooyinka ayaa sidoo kale qeyb muhiim ah ka ahaa tababarkan, oo ay weheliso qiimeynta halista gaarka ah ee ammaanka ee soo wajahda gabdhaha saxafiyiinta ah inta lagu gudajiro doorashooyinka, iyo dareenka xasaasiga ah ee warbixinada doorashooyinka guud ahaan.

https://en.unesco.org/news/unesco-strengthens-safety-journalists-ahead-elections-somalia

 

Socdaalka | IOM Soomaaliya oo gacan ka geysaneysa dib u celinta carruur yar yar oo Itoobiyaan ah oo xannibanaa

Gargaarka ay bixisay Hay'adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa u oggolaaday 34 Itoobiyaan ah in ay ka baxaan Boosaaso, oo ah magaalo deked leh oo ku taal Soomaaliya, halkaas oo ay ku go'doonsanaayeen qaarkood ilaa labo sano. Intooda badani waxa ay ahaayeen carruur aan cidina wehelin oo badankood ka yimid gobolka Oromada ee Itoobiya. Tan iyo bilowgii COVID-19, tiro badan oo Itoobiyaan ah ayaa ku go'doonsanaa Soomaaliya waxa ayna duruurtu ku qasabtay in ay ku noolaadaan biyo iyo cunno yari ay u sii dheertahay hoy la'aan. Tani waxa ay ka dhigan tahay dhammaadka safarkoodii ay ku sii socdeenin ay ku gaaraan  Jasiiradda Carabta halkaas oo ay rajeynayaan in ay shaqo ka helaan.

https://twitter.com/IOM_Somalia/status/1382588426386599936?s=20

 

Ka fal-celinta COVID-19 | UNICEF oo qalabeyneysa la-hawlgalayaasheeda si ay ula dagaallamaan wararka khaldan inta lagu gudajiro COVID-19

Maaddaama COVID-19 uu ku faafay Soomaaliya oo dhan, ayaa sidoo kale macluumaad khaldani waxa uu sii kordhinaya hubinti la'aan, welwel, takoor, iyo cuqdad. Marka la eego culeyska sii kordhaya, baahida loo qabo in ficil wax looga qabto arrintaa waxa ay u baahantahay hab isku duuban ah oo oo loo wajaho wararka been abuurka ah iyo xanta. UNICEF waxa ay si dhow ula shaqeyneysaa Wasaaradda Caafimaadka ee Federaalka iyo saaxiibbadeeda si ay gacan uga geystaan soo saarista iyo faafinta ogeysiisyada adeegga dadweynaha, muuqaalada waxbaridda, iyo farriimaha muhiimka ah si kor loogu qaado tallaabooyinka muhiimka u ah ka hortagga COVID-19 iyo sidoo kale qaadashada tallaalka COVID-19. UNICEF ayaa sidoo kale gaysay abaabulayaasha bulshada si ay ula wadaagaan farriimaha bulshada dhexdeeda waxayna taageertay xarunta wicitaanka ee COVID-19 si ay ula wadaagto macluumaadka saxda ah iyo xanta been abuurka ah. Bishii Abriil, in ka badan 663,000 oo qof ayey gaareen kooxaha bulshada, 105 iyadoo la wargeliyey masaajid, oo la siiyey xog ku saabsan tallaabooyinka ka hortagga COVID-19 , waxaana sidoo kale la baahiyey farriimo raadiyaha oo gaaray dalka oo dhan.

https://www.unicef.org/somalia/stories/accurate-and-timely-information-s...

 

Tababarka Duulista | Tababarka UNSOS ee AMISOM iyo shaqaalaha Duulista Hawada Soomaaliya ee Adeegyada aasaasiga ah ee La Dagaalanka Dabka

Barnaamijkan socda ee awood-dhisidda, oo muhiim u ah waaxda duulista hawada ee Soomaaliya, ayaa loo qorsheeyay in la qabto 16-kii toddobaadba mar, kooxdii ugu horreysayna waxay soo saartay guulo aan caadi ahayn oo ay ka mid yihiin in qalin-jabinta lagu sharfay haween ka-qaybgale aheyd.

https://unsos.unmissions.org/boost-somalia%E2%80%99s-aviation-sector-operations-airport-rescue-fire-fighting-training

 

Haweenka iyo gabdhaha | UNFPA oo ka jawaabeysa barakaca abaarahu ay sababeen, gaar ahaan caqabadaha heysta haweenka iyo gabdhaha

UNFPA waxa ay hawl galisay sideed koox oo guurguura si ay u bixiyaan adeegyada ka badbaadinta rabshadaha ku saleeysan jinsiga iyo adeegyada caafimaadka taranka iyagoo daweynaya dadka ka badbaaday kufsiga ee ku nool  labado xero oo barakac iyo bulshada martida loo yahay ee abaaruhu saameeyeen. UNFPA waxa ay sidoo kale u qaybisay xirmooyinka sharafta, oo ka kooban baahiyaha aasaasiga ah ee nadaafadda oo ay ka mid yihiin saabuun, burush-ka caday , nigis iyo suuf-ka caadada haweenka iyo gabdhaha ay dhibaatadu soo gaartay si looga caawiyo in ay sharaftooda ilaashadaan.

https://www.unfpa.org/news/drought-somalia-forces-displacement-posing-particular-challenges-women-and-girls

 

Bani'aadamnimada | OCHA iyo DFS oo ku dhawaaqay abaar

25-kii Abriil, iyada oo laga jawaabayo xaaladaha abaarta iyo saadaasha roobka, OCHA iyo Dowladda Federaalka waxa ay caddeeyeen in xaaladaha qalalnaanta ah ee Soomaaliya ka jira ay uga sii gudbeen xaalad abaareed. Dhammaan bulshada bani'aadamnimada waxa ay si qoto dheer uga walwalsan tahay xaalada ka sii dareysa. In kabadan 80 boqolkiiba dalka waxaa ka jira xaalado abaar oo dhexdhexaad ama daran. In kasta oo roobabka Guga ay ka bilowdeen qaybo ka mid ah dalka, haddana saadaashu waxa ay muujinayaan roob ka hooseeya celcelis ahaan intii loo baahnaa. Qiyaaso roobab oo xadidan ayaa lafilayaa biliha May iyo June iyadoo qaybo badan oo ka mid ah Somaliland, Puntland, gobolada dhexe iyo gobolka Gedo ay yihiin kuwa ugu daran ee ay saamaysay.

https://www.unocha.org/somalia

 

Hoyga | UNHCR oo u dhiseysaa guryo dheeri ah degsiimooyin si loo yareeyo ciriiriga

Baahida loo qabo guriyeyn hufan ayaa noqotay mid degdeg ah oo ka jirta Soomaaliya iyadoo uu jiro Cudurka faafa ee COVID-19. Bishii Abriil, UNHCR waxa ay dhammeystirtay dhismaha 50 Unug oo Guryo Ku-meelgaar ah ah (THU) si loo hagaajiyo degsiimada Qansaxley oo ay ku noolyihiin dad barakacayaal ah.
Dhanka kale, waxaa socda diyaargarow loogu jiro bilaabidda dhismaha (THU) dheeraad ah oo laga dhisayo magaalooyinka Bosaaso iyo Kismaayo toddobaadyada soo socda. Iskusoo wada duuboo, UNHCR ayaa bilihii la soo dhaafay ka dhistay 600 hoy magaalooyinka Doolow, Hargeysa iyo Baydhabo.

https://www.unhcr.org/somalia.html

 

Horumarinta ganacsiga | UNIDO oo kordhineysa kalsoonida iyo maalgashiga awoodda wax soo saarka maxaliga ah

UNIDO Soomaaliya, oo ay maalgelinayso AICS, waxa ay ka taageereysaa Soomaaliya in ay kala duwato oo ay kordhiso waxyaabaha maxalliga ah iyada oo la dhisayo awoodda wax-soo-saar ee Soomaaliya iyadoo markaa la gaarayo isku filnaasho. Waxqabadyada UNIDO ayaa horeyba gacan uga geystay isbeddelka waaxda gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya iyada oo loo marayo aasaasidda shabakad ka kooban Unugyada Horumarinta Ganacsiga (EDUs) guud ahaan dalka, iyada oo la fududeynayo helitaanka karti-dhiska, suuqyada, wareejinta tikniyoolajiyadda iyo helitaanka maalgelin la awoodi karo.

https://www.unido.org

 

Ka fal-celinta Covid-19 | Adeegga geynta guryaha ee WFP waxa ay gaareen 1.3 milyan oo qof sanadkii ugu horreeyey
 
Abriil 2021 waxaa la xusay sannad-guuradii koowaad ee adeegga gaarsiinta guryaha ee WFP ee Soomaaliya, iyada oo gacan ka geysaneysatay in ka-faa'iideystayaasha laga ilaaliyo COVID-19. Guryaha la geeyo adeegyada iyada oo loo marayo barnaamijka dukaameysiga elektaroonigga ah ee WFP, waxaana la gaarsiiyey in ka badan 1.3 milyan oo qof, maaddaama ay gaareen 217,000 adeegyada la gudbiyey sanad tan iyo markii adeegga la bilaabay iyadoo loo marayo adeegga barnaamijka elektaroonigga ah ee WFP ee Soomaaliya, ka-faa'iideystayaasha kaalmooyinka ku saleysan lacagta ee WFP waxa ay isticmaali karaan taleefannadooda gacanta si ay u hubiyaan helitaanka cuntada iyo qiimayaasha tafaariiqleyda maxalliga ah, ay amar uga bixiyaan, ka dibna cuntada toos loogu geeyo guryahooda. Tani ma aha oo kaliya in ay siiso xulasho ka faa'iideystayaasha, laakiin waxa ay gacan ka geysaneysaa sidii loo ilaalin lahaa nabadgelyadooda maaddaama aysan mar dambe u baahnayn inay u safraan masaafo dheer si ay u sooqaataan cunto – taas oo gaar ahaan muhiim u ah la dagaalanka cudurka faafa ee COVID-19.

https://twitter.com/WFPSomalia

 

Doorashooyinka  | Qaramada Midoobay iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah waxay ku boorrinayaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay xal u helaan xaaladda cakiran

Iyadoo laga hadlayo doorashooyinka Soomaaliya, saaxiibbada caalamiga ah waxa ay sii wadeen inay ugu baaqaan dhammaan daneeyayaasha Soomaaliyeed in ay dib u bilaabaan wadahadalka oo ay gaaraan heshiis lagu hirgalinayo hannaankii doorashada ee 17-ka Sebteembar 2020, si loo qabto doorashooyin nabdoon, loo wada dhan yahay, xor ah, caddaalad ah oo lagu kalsoonaan karo dib u dhac la'aan.

Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen, saaxiibbadu waxa ay ku boorriyeen dhammaan dhinacyada in ay xakameeyaan oo ay diidaan rabshadaha, dib u bilaabaan wadahadalka, ayna ka fogaadaan ficillada horseedi kara in xaaladdu ay ka sii darto. Waxa ay mar kale xaqiijiyeen xurmadda ay u hayaan  gobanimada Soomaaliya, midnimadeeda, midnimadeeda dhuleed, iyo madax-bannaanideeda.

https://unsom.unmissions.org/statement-outbreak-violence-mogadishu