Wacyigelinta COVID-19 iyo qeybinta COVAX oo la xoojiyey: UNSOM oo wali waddaa taageeridda saxafiyinta Soomaliyeed

3 May 2021

Wacyigelinta COVID-19 iyo qeybinta COVAX oo la xoojiyey: UNSOM oo wali waddaa taageeridda saxafiyinta Soomaliyeed

Mogadishu – Sidee ayey saxafiyiinta Soomaaliyeed gacan uga geysan karaan la dagaalka COVID-19? Tallaabooyin noocee ah ayey qaadi karaa si ay shaqsiyaadka iyo bulshada u badbaadiyaan? Waxaa hadda soo dhammaaday tababbar laba maalmood ahaa oo khadka online-ka lagu siiyey wariyeyaasha Soomaaliyeed, kaas oo diiradda lagu saaray su’aalahan iyo kuwa kale, iyada oo looga hadlay tallaabooyinka badqabka iyo kahaortagga COVID-19.

Tababbarka waxaa barbar socday hal kulan oo dood is weydaarsi ahaa oo looga hadlay sameynta barnaamijyo wacyi-galineed iyo sare u qaadidda qeybinta tallaalka COVAX. 

Guud ahaan 45 saxafi oo ka  socday qeybo kala duwan oo warbaahinta ah sida – Raadiyaha, TV-ga iyo kuwa Dijitaalka ah – kana yimi magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Garoowe, Kismaayo, Beledweyne, Jowhar, Gaalkacyo, Marka iyo Qardho ayaa dhammaan ka qeybgalay munaasabadda.

Tababbarka fogaan aragga ahaa iyo dood is weydaarsiga waxaa qaban qaabiyey Isutagga Saxafiyiinta Soomaaliyeed (FESOJ) waxaana agaasimay oo taageero ku bixiyey Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Tallaalka COVAX

Tababbarka waxaa uu diiradda saaray xoojinta awoodda saxafiyiinta u leeyihiin in ay u diyaariyaan bulshada qeybinta tallaalka, iyo in ay u ol’oleleeyaan faa’iidada uu tallaalka u leeyahay la dagaalanka cudurka safmarka ah ee COVID-19 ee Soomaaliya, iyada oo loo marayo tebinta warbaahinta iyo barnaamijyo ol’ole ah.

“Tababbarka waxa uu diiradda saaray mawduucyadan waa weyn sida habraaca badqabka ee kahortagga COVID-19, sida saxaafadda u baahineyso barnaamijyada ol’olaha ee tallaalka COVAX ee Soomaaliya, iyo sameynta riwaayado ka baxa Raadiyeyaasha si wacyi galin loogu sameeyo qeybinta tallaalka si looga looga hortago faafidda cudurka,” waxaa sidaas yiri xoghayaha guud ee FESOJ, Faarax Cumar Nuur.

Waxaa kale uu intaas ku daray in mowduucyada muhiimka ah ee laga hadlay ay ka mid ahaayeen hordhac ku saabsan tallaalka Oxford-AstraZeneca, ka takhalusidda fikradaha qaldan ee laga qabo tallaalka, baahida loo qabo in warbaahintu taageerto ololaha tallaalka, iyo tilmaamaha badqabka ee suxufiyiinta ka warbixinaya caabuqa.

"Waxaan adkeynay in saxafiyiinta ay uhoggaansamaan mabaadi'da anshaxa marka ay ka warbixinayaan wax ku saabsan tallaalka COVID-19. Saxafiyiintu waa inay hubiyaan saxnimada iyo run ahaanshaha macluumaadka kahor inta aysan tabin. Ma ahan inay qeyb ka noqdaan faafinta wararka been-abuurka ah iyo warbixinnada qaldan ee marin habaabinaya dadweynaha" ayuu yiri

Xanaan Xasan, oo ah dhakhtar caafimaad islamarkaana ugu qeyb qaadaneysay barnaamijka tababbare ahaan waxay carrabka ku adkeysay sida ay lagama maarmaanka utahay inay saxafiyiinta ku wacyi galsanaadaan muhiimadda tallaalka, si ay bulshada ugu wargeliyaan.

"Dadweynaha waa ay oggolaadeen inay qaataan tallaalka, inkastoo la faafiyay warar been abuur ah oo sheegaya in tallaalku uu keeno xinjirowga dhiigga. Hadda, dadka way fahmeen asalka iyo meesha uu ka yimid cudurka, iyo qiyamka iyo waxtarka uu uleeyahay tallaalka. Intaas waxaa dheer, mudnaanta ugu horreysa ee tallaalka waxaa la siin doonaa shaqaalaha caafimaadka ee safka hore iyo dadka nugul, warbahintana waxaa loogu baahan yahay inay farriintaas u gudbiyaan dadka” ayay tiri Dr. Xanaan.

Intii ay socotay madasha doodda, Dr. Maxamed Maxamuud Fuje oo ah La-taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ahna Guddoomiyaha guddiga dhakhaatiirta ee u xilsaaraan wacyigelinta cudurka COVID-19 ee Somaaliya, wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda tallaallaka COVAX ee la dagaallanka faafidda fayraska. Wuxuu xusay in Guddiga Qaran ee COVID-19, oo ka kooban wakiillo ka kala socda Wasaaradda Caafimaadka ee DFS, Wasaaradda Warfaafinta iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay mas'uul ka ahaayeen ansixinta in qeybinta tallaalka COVID-19 iyo ka taageeridda bulshada sidii ay ku aqbali lahaayeen tallaalka si markaa loo xakameeyo faafitaanka cudurka ee Soomaaliya. Sidoo kale Guddiga waxa uu door muhiim ah ka ciyaaraa dadaallada loogu hortagayo wararka kutiri kuteenta ah ee ka dhanka ah tallaalka.

Si loo meel mariyo aragtida khubarada caafimaadka, Maxamed Maxamuud Cadde oo ah aqoonyahan ku-xeeldheer arrimaha warbaahinta horeyna ugu tirsanaa laanta Afka Soomaaliga ee BBC, ayaa waxa uu iftiimiyay in saxafiyiinta ay door muhiim ah ku leeyihiin baahinta macluumaadka saxda ah ee ku saabsan waxtarka tallaalka COVID-19. Waxa uu intaas ku daray in dadweynaha ay ka faa'idayaan wararka saxda ah iyo macluumaadka laysku halleyn karo.

Saamaynta Weriyeyaasha

Ka qaybgalayaashu waxay muujiyeen sida ay tababarka ugu qanacsan yihiin waxayna xiise badan u qabeen inay dhaqan geliyaan wixii ay barteen.

“Waxaan ku faraxsan ahay inaan tababarkan ka qaybgalay, maadaama aan ka helay aqoon waxtar leh. Weriye aqoon lihi wuxuu war saxan u gudbin karaa bulshada, taasina waxay gacan ka gaysanaysaa inay dadku xog wanaagsan iyo faham toosan ka helaan tallaalka barnaamijka COVAX,” ayay tiri Sucaad Abdiaziz Dahir, oo ah weriye u shaqeeya Somali Cable TV.


Burhan Adeysay, oo u shaqeeya Puntland TV qaybtiisa Gaalkacyo, ayaa qaba inuu helay awood siin daruuri u ah inuu yeesho xirfadda asaasiga u ah barnaamij soo saarista iyo sare u qaadista barnaamijyada baraarujinta ah ee ololaha tallaalka.

“Waxaan barannay casharro ku saabsan sida ugu wanaagsan ee looga hortegi karo faafitaanka COVID-19, waxaana nala siiyey xirfadda asaasiga u ah diyaarinta barnaamijyada COVID-19,” ayuu yiri.

Waxaa aragtidaas oo kale qabta Shukri Ismail, oo ah weriye idaacadeed/TV ka howlgasha Baydhabo.

“Waxaan helay fursad aan ku helay tababar ku aaddan anshaxa kasoo warramidda xaaladda COVID-19, farqiga u dhexeeya wararka beenta ah, dacaayadda iyo doorka dadka saamaynta ku leh bulshadu ka qaadan karaan ololaha tallaalka  barnaamijka COVAX,” ayay tiri.

Taageerada QM

Iyadoo laga faa'iidaysanayo taageerada QM, Somalia waxaa la siiyey 300,000 oo kuuro oo ah tallaalka Oxford lagu diyaariyey ee AstraZeneca 15-kii Maarso, taasoo qayb ka ah hindisaha COVAX ee looga gol leeyahay in hubaal looga dhigo inay dalalka oo dhami si siman u helaan xal loo dhan yahay oo looga adkaado cudurkan faafa.

Sida ay sheegtay Hay'adda WHO, 2-da Maajo 2021, waxaa la xaqiijiyey 13,915 kiis oo COVID-19 ah iyo 713 oo dhimasho, halka 27-kii abriil 2021, dadka lagu duray 122,235 oo tallaal.