Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Juun 2022

3 Jul 2022

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Juun 2022

 

Dambi Baaris | Hay’adda UNODC waxa ay dib-u-habaysay qaybaha Dambi Baarista

Iyada oo qayb ka ah Barnaamijka Dambi-baarista ee hay’adda UNODC ee Soomaaliya, oo ay maalgeliso Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka – Xafiiska Caalamiga ah ee Maandooriyaha iyo Arrimaha Dhaqangelinta Sharciga, UNODC waxa ay dib u habayn ku samaynaysay Qaybaha Dambi-baarista (CIUs) ee Dawladaha xubinta ka ah dawladda Faderaalka ee Soomaaliya oo dhan si sare loogu qaado awoodda hawl-fulinta.  CIU-yada (Qaybaha Dambi-baarista)  waxaa ka mid ah xafiisyo ku yaala Afgooye, Koonfur Galbeed, Jowhar, Hirshabeelle iyo Dhuusamareeb ee Galmudug.

Dib u habaynnada waxaa ka mid ah xafiis cusub, musqulo iyo qolal dadka lagu xiro.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer

 

Tallaal | Hay'adda UNICEF oo xarun cusub oo tallaalka lagu qaboojiyo ka furtay Gobolka Banaadir

Hay'adda UNICEF ayaa ku taageertay Maamulka Gobolka Banaadir (BRA) dayactirka xarun qabow oo lagu keydiyo tallaalada. Xaruntu waxa ay wax ku kordhin doontaa xarumaha qaboojiyaha ee Wardi iyo Abdulaziz kuwaas oo siiya tallaalada 65 xarumood oo caafimaad oo ku yaal gobolka, iyagoo bixiya adeegyo tallaal oo joogto ah.

Xarunta qaboojiyaha ah ee gobolka Banaadir ayaa ah tallaabo muhiim ah oo wax looga qabanayo dhimashada laga hortagi karo ee haweenka iyo carruurta. Waxaa lagu qalabeeyay qaboojiyayaal qoto dheer, sanduuqyo qabow iyo qol qabow oo heerkulkiisu u dhexeeyo 5 ilaa 15 darajo selsiyas. Goobaha kale ee la dayactiray waxaa ka mid ah qaybta qashin gubidda, qolka waardiyaha, iyo qolka matoorka korontada dhaliya. Waxyaabaha cusub ee lagu soo kordhiyay waxaa ka mid ah nidaamka dab-damiska, nidaamka qoraxda iyo nidaamka bullaacadaha deegaanka u wanaagsan.

Iyadoo loo marayo Barnaamijka Wadajirka ah ee Qaramada Midoobay ee Dawladaha Hoose (JPLG), UNICEF waxa ay bixisay 90 boqolkiiba kharashka guud iyo 10 boqolkiiba oo uu bixiyay maamulka gobolka Banaadir.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer

 

Awood-siin | Hay’adda UNDP waxa ay taageertay tababarka  kooxdii ugu horreysay ee warbaahineed oo dhammaan wada dumar ah gudaha Soomaaliya

Hay'adda UNDP waxa ay tababar sare oo ay bixinayaan laba ka mid ah weriyayaasha ugu caansan caalamka siisay xafiisyada Bilan, kooxdii ugu horreysay ee warbaahineed oo dhammaan wada dumar ah gudaha Soomaaliya.

Rageh Omaar, soo jeediye ka tirsan telefishanka ITV, iyo Mishal Husain, tebiye barnaamijka Ten iyo Today, ee BBC NEWS ayaa khibradooda la wadaagay, kalana hadlay anshaxa saxaafadda, ka soo warimadda deegaannada qallafsan, ka tebinta telefishanka iyo raadiyaha iyo in ka badan.

Casharro dheeraad ah ee dhowrka toddobaad ee soo socda ayaa lagu arki doonaa weriyaha BBC-da Lyse Doucet,  Lindsey Hilsum oo ka tirsan Channel 4 iyo Abdi Latif Dahir oo ka tirsan New York Times oo gudbin doona xirfado iyo casharro ay ka barteen tobannaan sano oo ay ugu sarreeyaan xirfadahooda.

Waxaa ka shaqeeya oo guud ahaan maamula haween leh madax-bannaani tafaftir buuxa, Bilan waxa ay tebisaa warar culus iyo falanqayn-sheeko oo qotodheer, la xisaabtanka hoggaamiyeyaasha iyo xaqiijinta in la maqlo sheekooyinka iyo codadka haweenka. Bilan waxa maalgeliya oo taageera UNDP, waxaana marti geliya Dalsan Media Group.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer

 

Dhalinyarada | Hay’adda UNFPA ayaa taageertay ganacsi abuurka dhalinta Somaliland

Mashruuca uu Midowga Yurub maalgeliyo ee Xoojinta Dhaqan-Dhaqaale ee Dhallinyarada ayaa hay’adda UNFPA iyo Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland qabteen xaflad abaal marin ah 23-kii bishii Juun. Sanduuqa Dhalinyarada ee Midowga Yurub ayaa dhalinyarada siiya deeqaha ganacsi bilowga ah ka dib marka ay dhamaystiraan xarumaha isweydaarsiga fikradaha ganacasi, ayna maraan latalin iyo tababar ballaaran. Tani waxay ugu dambeyntii ka caawisaa inay fikradahooda u qaabeeyaan ganacsiyo guuleysta. Dadka deeqda helay ayaa ilaa hadda ku jira 39 shirkadood oo bilow ah, laba hay'adood oo ganacsi-bulsho ah iyo saddex kooxood oo wacyigelin ah. Sanduuqa Dhallinyarada waxa uu dhiirageliyaa bilawga ganacsi ee dhallinta ee aan gaarin inay deyn ka qaataan shirkadaha deymaha bixiya.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer

 

Maalinta Qaxootiga Adduunka | Hay'adda UNMAS ayaa waxa ay guudmartay dhaqdhaqaaqyo badbaado oo awood u leh dadka barakacay

Gudaha Soomaaliya, hay'adda UNMAS waxa ay isticmaashaa qalab hadlaya oo curin leh si ay Digniinta khatarta ah u gaarsiiso dadka loogu haybsooca badan yahay ee ku nool xeryaha dadka gudaha ku barakacay (IDPs) ee ku teedsan xuduudka ay Soomaaliya la wadaagto Itoobiya. Qalabka hadalaya ee Digniinta khatarta waxa ay ka gudbaan xaddidaadaha galaangalka, iyadoo ay badankood ugu wacan tahay fogaanta iyo welwelka amniga, si barakacayaasha loo siiyo tilmaamo sida ammaanka ah oo ay wax uga qabtaan marka ay la kulmaan khataraha qarxa kolka ay raadsanayaan gabbaad ay ka galaan colaadaha iyo masiibooyinka dabiiciga ah iyo ku noqoshada guryahooda si bad baado leh.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer

 

Hoy iyo Gabbaad | UNHCR ayaa wareejisay hoyga iyo musqulaha diyaarsan si loo dejiyo dadka soo barakacday

Hay’ada UNHCR oo kaashanaysa Hay’ada NRC ayaa dhamaystirtey dhismaha gurhaya diyaarsan iyo musqulohooda oo deegaan u noqonaya 200 oo qof kaasoo laga hirgeliyey xarunta Jeexdin ee Isdhexgalka Bulshada ee Magaalada Gaalkacyo.

Dhismaha hoyga ayaa ahaa mid loo maray iskaashi bulsho, iyadoo dadka deegaanka ay ka qayb qaadanayeen naqshadaynta iyo hirgelinta dhismaha hoyga. Yoolka ugu weyn ee hawshaan ayaa ahayd in bulshada nugul ay helaan degaanno ammaan ah oo ay si sharaf leh ugu noolaan karaan, ayna u sare u qaadaan tayada noloshooda, kuwaas oo ah tillaabooyin muhiim ah oo loo qaadayo sidii xal waara loogu heli lahaa barakacayaasha.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer

 

Horumarinta Ganagsiga | Hay’ada UNIDO ayaa martigelisay wafdiga Soomaaliya ku matalayay bandhigga Macfrut ee dalka Talyaaniga

Iyadoo la kaashanayso Kooxda Horumarinta Ganagsiga ee Hay’ada UNIDO, Rugta Ganagsiga Soomaaliyeed  iyo ganacsato kale oo Soomaaliyeed ayaa ka qeybgalay Bandhiga Macfrut 2022, oo ah bandhig heerkiisu sarreeyo oo lagu soo bandhigaayo qudaarta noocyadeeda kale duwan ee ka dhaca magaalada Rimini ee dalka Talyaaniga. Kooxda Horumarinta Ganagsiga ee Hay’ada UNIDO ayaa ka howl-gasha Rugta Ganagsiga Soomaaliyeed, iyadoo ganagsiyada yaryar ka taageerta inay helaan latalin dhanka ganacsiga ah iyo tababar hal-abuurnimo.

Bandhiga Macfrut 2022 waxa uu fursad u ahaa ganacsatada Soomaaliyeed si ay wax soo saarkooda ugu soo bandhigaan iibsadayaasha caalamka iyo sidoo kale in ay la kulmaan Hal-abuurayaasha Agabka  tignoolajiyadda ku shaqeeya ee beeraha. Ka-qaybgalka carwada ayaa sidoo kale horumarin doonta. korna u qaadi doonta qaybta ganacsiga beeraha ee Soomaaliya.

Barnaamijka Horumarinta Wax soosaarka (PSDP) oo ay maalgelisay Dowladda Talyaaniga oo kaashanaysa Wasaaradda Ganagsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa hirgeliyey hay’adaha ILO, FAO, iyo UNIDO.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer

 

Qurbajoogta | Hay’ada IOM ayaa sare u qaadday daryeelka caafimaad ee la xiriira galmada iyo taranka ee deegaanada Somaliland

Wajigii 5-aad ee mashruuca FINNSOM ee barnaamijka Muhaajiriinta Horumarinta Afrika (MIDA) ayaa laga daahfurey deegaanada Somaliland taariikhdu markay ahayd 15-ka Juunyo 2022. Iyada oo muddo kooban la hawl-gelinaayo, khubarada caafimaadka qurba-joogta Soomaaliyeed ee ku kala baahsan xarumaha caafimaadka ee Somaliland, wajigan cusub ee mashruuca MIDA FINNSOM ayuu ujeedkiisu yahay in la xoojiyo daryeelka caafimaadka galmada iyo taranka ee haweenka iyadoo la siinayo  xirfadlayaasha caafimaadka ee dalka ku sugan latalin iyo fursado tababar.

Somaliland waxa ay ka mid tahay meelaha ay ugu dhimashada badan yihiin hooyada iyo dhallaanka, qaar badan oo ka mid ah dadka ku nool dhulka miyiga ah waxa ay u safraan masaafo aad u fog si ay u helaan daryeelka aasaasiga ah ee nafaha lagu badbaadinayo. Mashruuca MIDA FINNSOM waxa uu door muhiim ah ka ciyaari doonaa ilaalinta iyo kor u qaadida xuquuqda haweenka iyo hablaha kuwaas oo wali ku adagtahay helitaanka daryeel caafimaad oo tayo leh. Hay’ada IOM waxay hirgelinta mashruucan kala kaashanaysaa Wasaaradda Caafimaadka iyo Horumarinta ee Somaliland.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer

 

Gargaarka Bani’aadannimo | OCHA ayaa dejisay Qorshaha Wax-ka-qabashada iyo Ka-hortagga Abaaraha

Si looga falceliyo gargaarka deg-dega ah ee abaarta sii xumaanaysa ee ka jirta Soomaaliya, Hay’adda OCHA ayaa diyaarisay Qorshaha Wax-ka-qabashada iyo Ka-hotagga Abaaraha oo soconaya ilaa bisha Disembar 2022-ka si kaalmo lagu badbaadinayo, laguna hormarinaayo nolosha dadka loo gaarsiiyo taasoo looga hortagaayo macluusha. Tan ilaa bishii Janaayo, ku dhawaad 3.9 milyan oo qof ayaa la gaarsiiyey kaalmo lagu badbaadinaayey noloshooda, laakiin marka la eego qaabka ay kaalmada ku socoto iyo maal-bixinta beesha caalamka ma aha kuwo isu dhigma  si loo gargaaro dadka khatarta daran soo wajahayso.

Iyadoo si wadajir ah looga shaqeynayo lana raacayo talooyinka Guddiga Gurmadka Abaaraha, Hay’adaha kubahoobey Gargaarka Bani’aadannimada, mas’uuliyiinta iyo bulshada Soomaaliyeed ayaa sare u qaadaya howlahooda gargaarka, waxayna dib u habayn ku sameynayaan qaababka looga hortagaayo macluusha iyadoo ahmiyadda koowaad la siinayo dadka aadka u nugul ee ku sugan aagagga baahida daran ka jirto. Fullinta qorshahan ayaa u baahan  $993.3 milyan oo doolar.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer

 

Biyaha | Hay’adda UN-Habitat oo biyo badan gaarsiisey dadka reer Hargeysa

Biyahii ugu horeeyey ee Mashruuca Horumarinta Wakaaladda Biyaha Hargeysa ayaa markii ugu horeysay soo gaarey magaalada Hargeysa bartamihii bishii Juun 2022. Tallaabadan ayaa timid ka dib sanado shaqo ah oo lagu hirgalinayay dhismaha dhuumo 23 km ah, goobo cusub oo ceelka laga bamgareeyo oo leh bambooyin iyo koronto-dhaliyeyaasha iyo qodista afar ceel oo riig ah. Biyaha, oo koloriin lagu daray, waxaa loogu talagalay in lagu jeermis dilo tuubooyinka iyo sidoo kale in la tijaabiyo dhammaan qalabka biyaha haddii ay jiraan wax daloolo ah iyo guud ahaan shaqeynta agabyada.

Marka ay biyo badan soo gaadhaan magaalada, Wakaaladda Biyaha Hargeysa, iyada oo adeegsanaysa mashaariic kale, waxa ay si weyn u kordhin doontaa mugga tubooyinka biyaha ee guryaha iyo goobaha biyaha laga dhaansado, kuwaas oo gaari doona goobo aan horey biyo u gaari jirin.

Mashruucan waxa maalgeliyay Midowga Yurub iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland oo ay ku jiraan dhaqaale dheeraad ah oo ay ka bixiyeen dawladda Somaliland iyo hay’adda UN-Habitat, waxaana si wadajir ah u fulinaya hay’adaha UN-Habitat iyo Wakaaladda Biyaha Hargeysa.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer

 

Ka-hortagga Macaluusha | WFP iyo hay’ado kale oo kaalmo gaarsiiyey barakacayaal hor leh

WFP, IOM iyo UNICEF ayaa gaarsiiyey 90,000 qof (15,000 qoys) oo ku dhaqan magaalada Baydhaba iyo Gobolka Banaadir Kaalmada Yar ee ka Falcelin Abaarta. Howshan oo uu maalgeliyey Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta ee Dowladda Ingiriiska, mucaawanadan waxyaabo badan ka koobnayd ayuu ujeedkeedu yahay inay ka jawaabto baahida daran ee barakacayaasha cusub haysata oo loogu talagaley kaalmo isugu jirta cunno, nafaqo, biyo iyo hoy.

Kaalmada Yar ee ka Falcelin Abaarta oo tiigsanaya guryaha dadka dhawaan soo barakacay ee ku nool magaalooyinka iyo daafahooda oo ay Madasha Maamulayaasha iyo Isu-duwayaasha Kaamamka u diiwaan geliyeen inay yihiin qoysaska ugu daran, iyadoo il gaar ah lagu eegayay qoysaska ay hooyooyinka u xamaashaan iyo qoysaska ay joogaan carruur da’dooda 5 sano ka yartahay, naafo iyo duqay.

Dhamaadka bisha Juun ilaa horraanta Luulyo, WFP waxa ay hiigsaneysaa in ay kaalmo gaarsiiso in ka badan 70 boqolkiiba ee 10,000 qoys ee diiwaan gashan ee ku nool Banaadir ama  ku dhawaad  qoysaska dhan. 4,200 oo qoys oo ka tirsan 5,000 ee ka diiwaan gashan magaalada Baydhaba ayaa horey loo gaarsiiyey kaalmadan.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer

 

Siyaasad | QM oo u hambalyeysay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ugu hambalyeysay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud caleemasaarkiisa, waxa ayna sheegtay in ay rajaynayso in ay la shaqeyso maamulkiisa iyadoo ku taageeraysa gaaridda hortebinnada qaranka.

Munaasabada caleemasaarka madaxweynaha tobanaad ee Soomaaliya ayaa lagu qabtay halka loo yaqaan ‘Hangar-ka’ ee ku taal agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda, Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qaybgalay madax kala duwan oo gobolka ah iyo wakiillo ka socday saaxiibada caalamiga ah ee dalka.

Khudbadiisii caleemasaarka ayuu Madaxweyne Xasan ku soo qaatay mowduucyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dadaallada nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya,  xiriir wanaagsan oo lala yeesho dawladaha xubinta ka ah dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, nidaamka dimuqraadiga ah ee dowladnimada iyo nidaam garsoor oo xalaal ah, cadaaladna ah. Ilaalinta deegaanka iyo xoojinta dhaqaalaha dalka ayuu sidoo kale ku soo bandhigay.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer