Hadal-jeedinti Warbaahinta ee Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-haya Guud ee QM u qaabbilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho ee Jowhar

5 Jul 2022

Hadal-jeedinti Warbaahinta ee Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-haya Guud ee QM u qaabbilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho ee Jowhar

[Sidii loo jeediyey]

Galab wanaagsan,

Mudane Madaxweyne, wakiillada Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo warbaahinta. Ii ogolaada inaan ku billaabo mahadcelin aan u jeediyo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen “Guudlaawe” iyo kooxdiisa sida wanaagsan ay aniga keliya iigu soo dhaweyn balse ay sidoo kale wafdigayga ugu soo dhoweeyeen magaalada Jowhar. Waxa aan halkan, magaalada Jowhar ku helnay soo dhaweyn aad u diirran. Tani waa booqashadaydii ugu horreysay ee rasmi ah ee aan imaado Jowhar tan iyo marki aan imid Soomaaliya.

Waxaan aan maanta fursad u helay in aan sidoo kale la kulmo xubnaha Golaha Wasiirrada Hirshabelle, qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo wakiillada bulshada rayidka ah.

Waxaan wada-hadallo aad waxtar leh la yeeshay dadkii aan la kulmay oo ku saabsan arrimo heer qaran iyo heer gobolba la xiriira.

Aniga iyo Madaxweynaha waxaan ka wada hadalnay sidii natiijooyinkii ka soo baxay War-murtiyeedka Qaran 12-kii  Juunyo 2022 ee ay ku heshiiyeen DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka looga taageeri lahaa Hirshabelle.

Waxaan ka wada hadalnay arrimo dhowr ah oo hortebin u leh dowlad-dhiska  Hirshabelle, iyo sidoo kale muhiimadda ay leedahay u wada dhammaanshaha talada iyo hannaanka kala guurka ee amniga- iyo tan ugu muhiimsaneyd Madaxweynaha – oo ah abaaraha iyo gurmadkooda.

Waxaan Madaxweynaha ku bogaadiyey xiriirka dib-u-heshiisiin ee uu la sameeyay bulshada kala duwan ee Hirshabelle waxaana u ballanqaaday taageerada Qaramada Midoobay ee dadaallada dib-u-heshiisiinta, iyada oo wax laga qabanayo abaaraha iyo arrimaha kale ee hortebinta u leh Hirshabelle.

Waxaan kaloo dhiirigaliyay in haweenka loo magacaabo jagooyinka hogaanka ah ee maamulka.

Kulamadaydii aan la yeeshay odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada iyo wakiillada dadka laxaadka la’, waxaan u la wadaagay mahadda aan ugu hayo sida ay uga qeybqaateen horumarka Hirshabelle.

QM ahaan, Waxaan ka sii wadi doonnaa inaan ka shaqeyno arrimahan iyo kuwa hortebinta u leh Hirshabeelle. Waxa aan mar kale uga mahadnaqayaa Madaxweynaha iyo kooxdiisa sida diiran ee ay noo qaabbileen.

Mahadsanid, Mudane Madaxweyne.