Ololaha 16ka Maalmood: QM ee Soomaaliya waxay ku baaqaysaa in badbaadin dheeraad ah la siiyo haweenka iyo gabdhaha marka ay jiraan xasaradaha Xaaladaha Bani’aadanimo

25 Nov 2022

Ololaha 16ka Maalmood: QM ee Soomaaliya waxay ku baaqaysaa in badbaadin dheeraad ah la siiyo haweenka iyo gabdhaha marka ay jiraan xasaradaha Xaaladaha Bani’aadanimo

Muqdisho – Iyadoo ay billaabanayaan 16ka maalmood ee caalamiga ah ee u Hawlgelidda la dagaallanka Xadgudubka ku Salaysan Jinsiga ayaa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku baaqeysaa In La Laballaabo dadaallada looga hortagayo waxna looga qabanayo xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.

“Dhibaatooyinka bani’aadantinimo ee ka socda Soomaaliya waxay barakiciyeen dad badan waxayna haweenka iyo gabdhahu geliyeen khatar weyn oo rabshado wadata oo ay ku jiraan tacaddiyada jinsiga. Xadgudubyada jinsiga ku saleysan iyo xadgudubyada jinsiga ee la xiriira colaadaha waxay si ba’an u saameeyaan xaqa nolosha, hab-nololeedka iyo sharafta haweenka iyo gabdhaha," ayay tiri Ku-simaha Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.

“In gargaarka bani’aadantinimo laga dhigo mid ay u wada dhanyihiin lab-iyo-dheddig iyo in haweenka iyo gabdhaha loo abuuro jawi nabdoon ayaa ah arrin aad muhiim u ah," ayay raacisay Marwo Gbeho.

Halkudhigga ololaha sanadkan oo ah – ‘U Midooba! U Hawlgelidda Lagu Cirib-tirayo Xadgudubka Ka-dhanka ah Haweenka iyo Gabdhaha!’ – ayaa muujinaya baahida degdega ah ee loo qabo in la is bahaysto oo laga hortago xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.

Ciribtirka takoorka dhan kasta, oo u uku jiro kan jinsiga, ayaa ku qeexan Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya ee la ansixiyay 2012kii. Bahda Qaramada Midoobay ee waxay ku boorinaysaa Baarlamaanka in uu ansixiyo Hindise Sharciyeedka Xadgudubyada Junsiga (2018), kaas oo si weyn u ilaalin doona dhibanayaasha xadgudubyada jinsiga ee dalka oo dhan.

Ololaha sanadlaha ah ee 16ka maalmood ee u Hawlgelidda la dagaallanka Xadgudubka ku Salaysan Jinsiga, kaas oo soconaya laga bilaabo 25ka Nofeembar, Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubyada ka dhanka ah Haweenka, ilaa 10ka Diseembar, oo ah Maalinta Xuquuqda Aadanaha, waa na xusuusinaya hawsha qabyada ah ee lagu xaqiijinayo sinnaanta jinsiga, nabadda iyo amniga ee dhamaan [dadka], dhinac kasta oo noloodu ku tiirsantahay, oo ay ku jiraan dhinacyada adeegga dadweynaha iyo saaxadda siyaasadda.

Inta lagu guda jiro ololaha 16-ka Maalmood ah, QM waxa ay ku garab istaagi doontaa dowladda Soomaaliyeed iyo ururada bulshada rayidka ah arrimaha u qareemidda iyo wacyigelinta si wax looga qabto tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.