Ololaha sanadlaha ee 16-ka maalmood soconaya ee lagu doonayo in lagu joojiyo tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha ayaa billowday

27 Nov 2018

Ololaha sanadlaha ee 16-ka maalmood soconaya ee lagu doonayo in lagu joojiyo tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha ayaa billowday

Muqdisho – Ololaha sanadlaha ah ee soconaya 16-ka maalmood ee loogu dhaqdhaqaaqayo dadaallada ka dhanka tacaddiyada ku salaysan jinsiga ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, shir jaraa’id oo caasimadda ka dhacay ayaana lagu daahfuray.

Ololaha oo ah mid heer caalami ah, ayaa isku dayaya inuu baraarujiyo baahida loo qabo in la soo afjaro tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha, waxaana ololaha hoggaamineysa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Haweenka, waxaana kala qaybgalaya hay’adaha kale ee Qaramada Midoobay, dowlado kala duwan, bulshada rayidka ah iyo shirkadaha ganacsi ee gaarka loo leeyahay.

Jebbeh Forster, oo ah La Taliyaha Gobolka ee Hay’adda Haweenka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan siyaasadda ku aaddan arrimaha maamulka, nabadda, amniga iyo bini’aadannimada, ayaa sheegtay in tacaddiyada ku salaysan jinsiga ee ka jira Soomaaliya ay sii qoto-dheereeyeen heerka saboolnimada ee haweenka iyo gabdhaha, ayna caqabad ku noqdeen awood-siintooda.

Waxay xustay in caqabadaha kuwooda ugu halista badan ee ay maanta wajahayaan haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed ay yihiin heerarka sare ee guurka carruurta iyo geerida xilliga dhalmada ee ka jirta gudaha Soomaaliya. Qaramada Midoobay waxay ku qiyaaseysaa in ugu yaraan 45 boqolkiiba haweenka Soomaaliyeed ee da’doodu u dhaxeyso 20 ilaa 24 loo guuriyo ka hor inta aanayn gaarin 18 sano.

“Waxaa la joogaa xilligii si dhab ah loo eegi lahaa qaar ka mid ah arrimahaas ee la haray haweenka iyo gabdhaha,” ayay tiri Marwo Forster.

Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Peter de Clercq, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo dadaallo dheeraad ah oo lagu xoojinayo tallaabooyinka ka hor-tagga laguna xaqiijinayo in adeegyada iyo sharciyada qaanuuniga ah la diyaariyo si loo joojiyo tacaddiyada ku saleysan jinsiga.

“Maanta, waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo dhammaan xubnaha kale ee qaranka iyo caalamiga ee ay arrintan khuseyso inay door muhiim ah ka ciyaaraan sidii loo samayn lahaa wacyigelin, loo bixin lahaa gargaar caafimaad iyo mid sharci, isla markaasna loogu sahli lahaa dadka kuwooda ugu nugul inay helaan adeegyada ay u baahan yihiin,” ayuu yiri de Clercq.

“16-ka maamood ee ololaha loogu dhaqdhaqaaqayo arrimaha haweenka waa xilli ka baaraandagis iyo dib-u-cusbooneysiinta go’aanka lagu xoojinayo dadaallada isku dubbaridsan ee lagu xididdo siibayo tacaddiyada ku salaysan jinsiga, oo ah xadgudub aan la aqbali karin oo ka dhan ah xuquuqda insaaniga ee haweenka iyo gabdhaha. Waa in xadgudubyadani ay joogsadaan,” ayuu raaciyay mas’uulka sare ee ka tirsan QM.

Daahfuridda ololaha ayaa ku soo beegmay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Joojinta Tacaddiyada ka dhanka ah haweenka oo maanta la xusay. Ololaha ayaa waxaa la soo afmeeri doonaa 10-ka Disembar, xilligaas oo ku aaddan xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha.

“Ka Haweenka QM, waxaan rabnaa inaan sheegno inaan garab taagan nahay haweenka Soomaaliyeed, waxaan garab taagan nahay haweenka qaaradda Afrika, waxaan sidoo kale garab taagan nahay haweenka ku nool caalamka si loo joojiyo tacaddiyada ka dhanka ah haweenka,” ayay tiri Forster. “Waa aafo saamayneysa dhaqanka, waxay saamayneysaa heerka dhaqaale, heerka bulsho waana muskhilo caalami ah. Lagamana guulaysan doono ilaa laga helo isbahaysi caalami ah oo u istaaga soo afjaridda tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.”

Ololaha wuxuu diiradda saari doonaa caqabado tiro badan oo ay wajahayaan haweenka iyo gabdhaha ku nool Soomaaliya. Colaadda taagan iyo musiibooyinka bini’aadannimo ayaa la sheegay inay sii xumeynayaan tusaalayaasha murugaysan ee ku saabsan awood-siinta haweenka iyo sinnaanta jinsiga. Ku dhowaad kala bar 4.2 milyan oo Soomaali ah oo u baahan gargaar bini’aadannimo  waa haween iyo gabdho.  Hay’adaha bini’aadannimo ayaa ku qiyaasay in 2.6 milyan oo qof ay ku barakacsan yihiin gudaha Soomaaliya – haweenka iyo gabdhaha ku nool xerooyinka barakacayaasha waxay aad ugu nugul yihiin tacaddiyada ku saleysan jinsiga marka loo eego kuwo ku nool bulshooyinka xasilloon.

De Clercq ayaa xusay in Soomaaliya ay sanadihii dhowaa guulo wax-ku-ool ah ka sameysay inay ka hor-tagto isla markaasna ay dambi ka dhigto gefefka galmada iyo tacaddiyada ku saleysan jinsiga. Marka laga hadlayo heer Federaal, Golaha Wasiirradu wuxuu bishii May ee sanadkan ansixiyey Xeerka Gefefka Galmada, arrintaas oo ahayd tallaabo togan oo loo qaaday dhanka wax-ka-qabashada tacaddiyada galmada iyo xoojinta bixinta taageerada la siinayo dhibbanayaasha ka badbaada tacaddiyadan. Xeerku wuxuu haatan sugayaa ansixin baarlamaani. Xeer la mid ah ayaa laga sharciyeeyey Puntland sanadkii 2016, kaas oo siinaya dhawritaan sharci ah oo horumarsan haweenka iyo gabdhaha ku nool dowlad goboleedkaas.

Aamina Xaaji Cilmi, oo u dhaqdhaqaaqda arrimaha haweenka, maamushana xarun lagu daryeelo haweenka iyo gabdhaha loo gaystay tacaddiyada ku salaysan jinsiga, ayaa carrabka ku adkeysay baahida loo qabo helitaanka guryo amni ah si loo ilaaliyo haweenka nugul. “Haweenka ka badbaaday gaboodfalladan waa in la dejiyaa guryo amni ah isla markaana la siiyaa amni, cunto iyo hoy tan iyo inta kiisaskooda laga xallinayo, ayna dib ugala midoobayaan dadkooda ay jecel yihiin,” ayay tiri agaasimaha hay’adda Badbaadi Haweenka iyo Carruurta Soomaaliyeed (SSWC).

Fadwo Xasan, oo ah Isu-Duwaha Badbaadada ee hay’adda HINNA ee taageerta dhibbanayaasha ka badbaada tacaddiyada galmada, ayaa sheegtay, iyadoo tixgelineysa waayo-aragnimadeeda, in haweenka iyo gabdhaha ka badbaada tacaddiyada galmada aanay caddaalad u soo raadsan nidaamyada rasmiga ah ee garsoorka ee ka jira Soomaaliya. Haweenka iyo gabdhahan waxay aalaaba doorbidaan habab garsoor oo aan rasmi ahayn oo ka badbaadin kara mixnadda ku xeeran ceebeynta bulsho. “Waxaan leennahay qareenno u hadli kara haddii ay rabaan. Balse haddii aanay rabin, ma khasbi karno,” ayay tiri.  “Waxaan xarumahayna adeegsannaa habab ku habboon badbaadayaasha.”