Qaramada Midoobay iyo Dowladda Soomaaliya ayaa Daahfuray Barnaamij Cusub oo Wadajir ah oo lagu Awoodsiinayo Haweenka

1 Dec 2021

Qaramada Midoobay iyo Dowladda Soomaaliya ayaa Daahfuray Barnaamij Cusub oo Wadajir ah oo lagu Awoodsiinayo Haweenka

Muqdisho – Laba sano oo cusub oo ay ku baxeyso 6.2 milyuun oo dollar, oo barnaamij wadajir ah oo Haweenka, Nabadda iyo Ilaalinta ah (WPP) ayey Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya Talaadadii ka daah-fureen magaalada Muqdisho. Barnaamijkani waxa uu taageeri doonaa ka qaybgalka macnaha leh ee haweenka ee nabadda, amniga iyo horumarka ee dadaalka loogu jiro gaarista Yoolalka Horumarka Waara ee 2030 (SDGs). Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qaybgalay saaxiibo caalami ah, wakiilo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo bulshada rayidka, oo ay ku jiraan wakiillo ka dadka naafada ah. 

Waxaa si wadajir ah u maalgaliyay Sanduuqa Dhismaha Nabadda (PBF) iyo Sanduuqa Aminaadda Bah-wadaagta Badan ee Soomaaliya (MPTF),  barnaamijka ayaa raadinaya in la xoojiyo awoodda hay’adaha iyo ururrada ay gun ahaan ay haweenku hoggaamiyaan si wax looga qabto arrimaha aasaasiga ah ee saameeya xuquuqda haweenka, nabad waarta iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya. . 

Iyadoo ay hoggaanka u hayaan Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta ayaa waxaa barnaamijka si wada jir ah u fulin doona Haweenka Qaramada Midoobay iyo Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) oo kaashanaya Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). 

Khudbadiisi furitaanka ayuu Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Degaanka QM ahna Xiriiriyaha Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya, Adam Abdelmoula, waxa  uu ku sheegay in barnaamijkan cusub uu yahay mid lagu xaqiijinayo in haweenka Soomaaliyeed ay si buuxda oo siman uga qayb qaataan dhammaan dhinacyada nolosha oo ay ku jiraan go'aan gaarista siyaasadda, amniga, horumarinta iyo arrimaha xuquuqul insaanka.

"Waa mid si guud loo yaqaan in haweenku ay ku sii jiraan xayndaabka hababka nabadda ee rasmiga ah, waxaana inta badan laga saaray go'aan gaarista. Haddii ay tahay in nabad iyo xasillooni waarta la gaaro, waxaan u baahannahay inaan wax ka qabanno kor u kaca dhacdooyinka rabshadaha iyo naceybka haweenka; in haweenka Soomaaliyeed laga saaro go'aan gaarista; iyo caqabado aan tirade lahayn oo ay wajahayaan,” ayuu yiri Md. Abdelmoula.

"Waxaan ku kalsoonahay in dowladda, bulshada rayidka ah, deeq-bixiyeyaasha iyo QM ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan hirgelinta barnaamijkan wadajirka ah iyo horumarinta ka mid noqoshada iyo ka-qaybgalka haweenka Soomaaliyeed ee wada-xaajoodyada nabadda iyo sidoo kale baarlamaanka, garsoorka iyo waaxda hay'adaha amniga,"  ayuu Md. Abdelmoula sii raaciy.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, Xaniifa Maxamed Ibraahim, iyo Hogaamiye kooxeedka Xasilinta, Amniga iyo Cadaaladda ee Xafiiska Arrimaha Dibadda,Horumarinta Barwaaqo-sooranka (FCDO) ee Boqortooyada Ingiriiska, Graham Thomson, ayaa sidoo kale ka hadlay munaasabadda.
.

Wadatashiyo ballaaran

Wasiir Xaniifa ayaa niyad-sami ka muujisay in barnaamijka cusub ee WPP uu gaari doono ujeeddooyinkiisa, iyadoo la tixgelinayo in barnaamijkan uu yahay mid ku yimid wadatashiyo ballaaran oo ay yeesheen daneeyeyaasha guud ahaan dalka.

“Haweenka Soomaaliyeed ayaa ah kuwa ugu badan dalkan, waxayna caadiyan la kulmaan xad-gudubyo badan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Sidaas darteedna, si loo helo jawi gacan ka geysta ka hortagga xadgudubyadaas iyaga ka dhanka ah, waxaa jirta baahi in la sameeyo tallaabooyin sharciyeed oo waafaqsan Qaraarka Qaramada Midoobay [Golaha Ammaanka] ee tirsigiisu yahay 1325. Haddaba, taasi waa sida uu barnaamijkan wadajirka ah jirtaankiisa ku yimid, ka hor daah-furka maantana, waxaan la tashiyo ballaaran la yeelanay qeybaha kala duwan ee haweenka gobolka Banaadir iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka,” ayey xustay wasiirku.

"Waxaan si buuxda u taageernay barnaamijka Wadajirka ah ee diiradda saaraya taageeridda haweenka Soomaaliya ka hoggaamiyeyaal iyo isbedel-sameyaal, iyo horumarinta ururrada ay haweenku hoggaamiyaan si loo dhiso nabadda loona taageero ilaalinta haweenka" ayuu yiri Md. Thomson oo ka socday Xafiiska FCDO ee Boqortooyada Ingiriiska FCDO.

"Taageeradeenna ururrada ay haweenku hogaaminayaan waa in lagu bixiyaa qaab waara oo aqoonsan doorka ay maalin walba ka qaataan ilaalinta haweenka iyo gabdhaha Soomaaliya oo dhan," ayuu raaciyay.

 Taageerada Barnaamijka Haweenka, Nabadda iyo IlaalintaP 

Haweenka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey Barnaamijka Haweenka Nabadda iyo Ilaalinta, iyaga oo rajo ka muujiyey in uu wax ka qaban doono dhibaatooyinka soo laalaabta ee haweenka ka horjoogsada in ay hankooda gaaraan.

“Mashruucan maanta halkan lagu daahfuray waa barnaamij ku hamminaya in uu naga kaalmeeyo oo uu naga caawiyo in aanu ka qeyb galno arrimaha amniga iyo siyaasadda. Aad bey muhiim noogu tahay in haween ahaan aan taas sameyno si aan qeyb muhiim ah uga noqono wada-hadallada qaranka iyo in aan ogaanno cududeenna tiro ahaan, sidaas darted, si go’aan leh uga dhex muuqanno siyaasadda, sidoo kalena aan uga qeyb qaadanno arrimaha amniga” ayey tiri, dhaqdhaqaaqe haween, Ifraax Axmed, oo reer Muqdisho ah.

Soomaaliya waxa ay qabaneysaa doorashooyinkan qaran, dalkuna waxa uu ka qeyb-galka haweenka ee baarlamaanka u dajiyey bartilmaameen boqolkiba 30 ah si loo kordhiyo ka qeyb-galka haweenka ee go’aan gaarista iyo siyaasadda.