Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii argagixisanimo ee lagu qaaday xeebta Muqdisho

3 Aug 2024

Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii argagixisanimo ee lagu qaaday xeebta Muqdisho

Muqdisho – Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii argagixisanimo ee xalay ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo la sheegay in lagu dilay ugu yaraan 32 qof tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen.  

Qarammada Midoobay ee Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaska iyo ehellada dadkii ku dhintay qaraxaas, waxayna u rajeynaysaa kuwa ku dhaawacmay inay si dhaqso ah u bogsadaan. 

 “Xeebta Liido waa meel caan ah oo ay Soomaalidu waqti kula qaataan qoysaskooda iyo asxaabtooda, kuna raaxaystaan ​​bilicda xeebaha Soomaaliya.  In goobtan la bartilmaameedsado waa fal foolxun oo mudan qaadaya cambaareynta ugu adag,” ayuu yiri Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. 

 “Annagoo ku biirayna dhammaan dadka Soomaaliyeed ee nabadda jecel ee u baroordiiqaya dhibaatadan murugada leh, waxaan mar kale xaqiijinayaa in Qaramada Midoobay ay taageerayso Dowladda Federaalka Soomaaliya ayna la garabtaagantahay dadaallada ay ugu jirto inay xaqiijiso nabadda, amniga, iyo xasilloonida dalka,” ayuu raaciyay. 

 Sida ay wararku sheegayaan, kooxda argagixisada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka oo loo adeegsaday qarax ismiidaamin ah iyo dagaal toos ah oo dhex maray argagixisada iyo ciidamada amniga Soomaaliyeed.