Qaramada Midoobay oo ka digtay dhibaatooyin bini'aadanimo ee la xiriira abaarta Soomaaliya

1 May 2019

Qaramada Midoobay oo ka digtay dhibaatooyin bini'aadanimo ee la xiriira abaarta Soomaaliya

Baydhabo, 1 Maayo 2019 – Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa ka digay in xaaladaha abaarta daran ee ka jira Soomaaliya ay u badan tahay in ay horseedaan dhibaatooyin bani'aadanimo haddii aan si degdeg ah wax looga qaban si loo xakameeyo xaaladda.

Kadib booqasho uu ku tagay Baydhabo, caasimadda ku-meel-gaarka ah ee maamulka Koonfurta Galbeed, Ku-simaha Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya, George Conway, ayaa soo saaray digniinta xilli uu qiimeynayay saameynta abaarta daba-dheeraatay oo ku habsatay dadka aadka u nugul ee degaanka.

"Caqabadda ugu weyn ee hadda jirta ayaa ah qorshaha waxqabadka bani'aadamnimada ee 2019-ka oo aan weli helin maalgelin ku filan, oo hadda kaliya helay maal-gelin  boqolkiiba 19, taas oo walaac laga muujinayo marka la eego xaddiga hadda jira  ee dhibaatooyinka banii'aadanimo ee sii kordhaya," ayaa yiri Mr. Conway, oo ah sidoo kale Isuduwaha Hawlaha Bani'aadamnimada ee Qaramada Midoobay.

Ku-simaha Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in xaaladda ay u baahan tahay in taageero dhaqaale looga raadiyo deeq-bixiyeyaasha iyo bahwadaagta maal-galinta si looga jawaabo xalaadaha bini'aadanimo ,"si looga hortago xaalad macluul oo muuqata in hadda lagu sii socdo."

Sida laga soo xigtay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwaha Arrimaha Bani'aadamnimada (OCHA), xaaladaha abaarta ee xilliga deyrta ee 2018/19 ayaa sababay kor u kaca tirada dadka lagu tilmaamayo in ay ku sugan yihiin "sugnaan la'aan cunto" ee Soomaaliya tan iyo bishii Oktoobar sanadkii hore. OCHA ayaa ka digtay in la filayo sii xumaansho xaaladaha ee deegaannada xoola-dhaqatada iyo beeralayda intii lagu jiray bishii Maajo, iyada oo ay ugu wacan tahay yaraanta maalgelinta ee laga yaabo in ay dhibaateyso  dhaqan-gelin buuxda ee gargaarka cuntada ee la qorsheeyay.

Mr. Conway waxaa safarka ku weheliyay Monika Agnete Pollan Thowsen, lataliyaha sare ee arrimaha bani'aadamnimada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Norway, Svein Olav Svoldal, xog-hayaha koowaad ee Safaaradda Norway ee Nairobi, Matija Kovac, madaxa Unugga Maal-gelinta Gargaarka Bani'aadamnimada ee OCHA.

Wafdiga wuxuu booqasho ku tagay guryaha ku-meel gaarka ah ee ku yaalla Baydhabo si loo qiimeeyo xaaladaha nololeed ee dadka gudaha ku barakacay isla markaana la eego tallaabooyin habboon si loo yareeyo dhibaatadooda. 

Wafdiga ayaa sidoo kale wadahadal ku aadan dhibaatooyinka banii'aadanimo la yeeshay madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicaziiz Xasan Maxamed "Laftagareen", iyo wakiillo ka socda ururada aan dowliga ahayn ee la shaqeeya barakacayaasha.

"Maanta waxaannu qaabilnay wafdi u imaaday qiimeynta xaaladda bani'aadamnimada ee ka jirta Koonfurta Galbeed guud ahaan, gaar ahaan magaalada Baydhabo. Waxaan ka wada hadalnay caqabadaha jira - oo ku saabsan roobabkii dib udhacay iyo sida loo dardar galin lahaa taageerada bani'aadamnimo si wax looga qabto abaarta saameysa dadka, "ayuu yiri Madaxweynaha Laftagareen.

Sanadkii la soo dhaafay, abaaro baahsan oo isku xiga ayaa aafeeyay qiyaastii 6.2 milyan oo qof oo u baahday gargaar degdeg ah sida cunto, biyo iyo hoy. Taasi waxay keentay in QM ay bilowdo codsi gargaar oo gaarayay $1.6 bilyan si looga caawiyo wax ka qabashada dhibaatada.

Si looga hortago xaaladdan ka sii daraysa, dawladda Norway ayaa durbaba taageerta mashaariic dhowr ah oo laga fulinayo Baydhabo waxayna qorshaynaysaa inay kor u qaaddo taageerada bini'aadanimo ee Koonfur Galbeedka ayadoo lala kaashanayo Qaramada Midoobay.

"Waxaan ku jirnaa howlo kormeer ee Baydhabo innagoo kaashanayna QM iyo Sanduuqa Bani'aadamnimada ee Soomaaliya. Waxaan iskaashi la leenahay hey’adda Golaha Qaxootiga ee Norwey waxaanna taageertaa hey’adda Save The Children. Waxaan fursad u helnay in aan wakhti la qaadano barakacayaasha si an u ogaano caqabadaha hadda jira ee soo foodsaaray dadka soo barakacay ee sii kordhaya, "ayay tiri Ms. Thowsen.

Noorta Cabdi Cismaan ayaa ka soo barakacday Hawaal Barbaar, oo  qiyaastii 30 kiiloomitir u jirta Baydhaba. Waxay ka cabanaysaa biyo yaraan iyo baahida bani'aadamnimada oo aad u daran ee ka jirta xerada Hawlwadaag halkaas oo ay hadda ku nooshahay.

"Dhibaatooyinka na haysta way labanlaabmeen tan iyo markan halkan imaadnay - biyo la'aan, cunto la cuno malaha iyo abaarta oo daba dheeraatay. Waxaan gargaar ka codsanaynaa beesha caalamka iyo maamulka Koonfur Galbeed, "ayay tiri Noorta

Faadumo Cali Maxamed, oo ah hooyo 45-jir ah oo sidoo kale ka soo barakacday abaarta sii dheeraatay ee gobolka Bakool, ayaa uga mahadcelisay deeq bixiyayaashii dhismaha ceelka ee xerada Xanaano maadaama mashruuca ceelka uu yareeyay dhibaatadooda.

Wafdiga ayaa sidoo kale booqday mashruuc dugsi oo laga hirgaliyay xerada barakacayaasha ee Hawlwadaag si ay u arkaan dadaalada ay sameynayaan hey’adaha an dowliga ahayn ee deegaanka si ay wax u baraan carruurta ay soo barakicisay abaarta.