Soomaaliya oo xustay Maalinta Caalamiga ah ee Wacyigelinta Halista Miinada

4 Apr 2019

Soomaaliya oo xustay Maalinta Caalamiga ah ee Wacyigelinta Halista Miinada

Muqdisho –Masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ciribtirka Miinooyinka iyo walxaha qarxa (UNMAS) ayaa munaasabad lagu qabtay caasimadda Soomaaliya ku xusay Maalinta Caalamiga ah ee Wacyigelinta Halista Miinada. Munaasabadda oo ay ka qaybgaleen in ka badan 100 ka qaybgalayaal ayaa lagu soo bandhigay xog walaac leh oo ku saabsan halista isticmaalka sii kordhaya ee walxaha qarxa uu ku hayo dalka.

“Dhacdooyinka walxaha qarxa ee dilaaga ah isla markaasna tirada badan ee ka dhaca goobaha dadku ku badan yihiin waa arrin murugo leh oo na xusuusineysa darnaanta halista aan wajaheyno,” ayuu yiri Cabdiqaadir Cabdulle Xooshow, oo ah Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maareynta Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaanno SEMA, taas oo la aasaasay sanadkii 2012 si ay hormuud ugu noqoto dadaallada Dowladda ay ku doonayso inay waddanka ka ciribtirto miinooyinka, haraaga waxyaabaha qarxa iyo halisaha kale ee ku xeeran waxyaabaha qarxa. 

Sida ku cad qiyaasaha uu ururiyey Barnaamijka UNMAS ee Soomaaliya, 44 boqolkiiba tirada dhimashada ay sababeen waxyaabaha qarxa waa dad rayid ah, halka 53 dhammaan dhaawacyada ay sababeen waxyaabaha qarxa ay yihiin dad rayid ah.

Xooshow ayaa ballanqaaday inay Soomaaliya sii wadi doonto sare u qaadista badbaadinta dadka rayidka ah iyadoo loo marayo xog is waydaarsi bajin kara weerarrada walxaha qarxa loo adeegsado ee mustaqbalka. Wuxuu kaloo carrabka ku adkeeyey sida dalku uga go’an tahay inuu xoojiyo awoodda qaran ee hab waari kara lagula dagaallami karo halistaas.

Dadkii ka qaybgalay madashii maanta ayaa ogaaday in 37 gooboood oo ay saameeyeen halisaha walxaha qarxa laga aqoonsaday Soomaaliya muddadii lagu jiray 2018. In ka badan 1,400 haraaga waxyaabaha qarxa ee uu reebay dagaalka ayaa sanadkii tegay la burburiyey.

“Dhabbaha lagu gaari karo Hiigsiga 2030 ee lagu doonayo horumar waara waa inuu noqdaa mid aan lahayn miinooyin, walxaha qarxa iyo haraaga qaraxyada ee ka dhasha dagaalka. Dhammaan dadku waxay xaq u leeyihiin inay ku naalloodaan amni iyaga oo aan ka cabsanayn tallaabadooda xigta,” ayay tiri Qurat-Ul-Ain Sadozai, oo ah Madaxa Barnaamijka UNMAS ee Soomaaliya, iyadoo akhrisay qoraal ay ku matalaysay Xog-Hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres. 

Sida ay sheegtay Sadozai, UNMAS waxay kordhisay hawlaha wacyigelinta ee lagu baraarujinayo halista miinada iyo xiriirka bulshada si loo xakameeyo halista ay leeyihiin haraaga qaraxyada ee uu reebay dagaalkii sokeeye ee dheeraa ee ka dhacay Soomaaliya. Ololaha hay’adda QM wuxuu sanadkii 2018 gaaray wadarta 30,438 oo qof.

Hal-ku-dhigga sanadkan ee Maalinta Caalamiga ah ee Wacyigelinta Halista Miinda waa “Dhul nabdoon – Guri nabdoon”, wuxuuna taageerayaa sameynta gaashaanbuur si loo ururiyo deeq lacageed oo lagu taageerayo dadka ka badbaadaby colaadaha hubaysan.

Wasiiru Dowlaha Federaalka ee Amniga Gudaha, Maxamuud Maxamed ‘Boonow’ ayaa ugu baaqay hay’adaha qaabilsan ciribtirka miinooyinka iyo kuwa kale ee hawshan ku shaqada leh inay ka taageeraan Dowladda Federaalka sidii ay ku hirgelin lahayd qorshaha qaran ee loogu talagalay ciribtirka halista waxyaabaha qarxa.

“Waxaa naga go’an annagoo u mareyna Hay’adda Maareynta Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa ee SEMA inaan labo jibbaarno dadaallada aan ku bixinayno badbaadinta, aan ku dhawrayno sharafta, ilaalinayno xuquuqda aadanaha ee Soomaali kasta, isla markaasna aan kaga ilaalinayno dadka Soomaaliyeed halista waxyaabaha qarxa iyo miinooyinka,” ayuu yiri.

Wakiillada hay’adaha bulshada rayidka ah ayaa sidoo kale ka soo qaybgalay madasha. Sayid-Ali Cabdullaahi oo ka socday Golaha Naafada Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in la kordhiyo taageerada la siinayo dadka ka badbaada dhacdooyinka qaraxyada la xiriira.

Barnaamijka UNMAS ee Soomaaliya waxaa ka mid ah taakulayn la siiyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si loo dhimo halista ay leeyihiin waxyaabaha qarxa.