Qaramada Midoobay oo ku baaqday in la qaado tallaabo dheeri ah si loo ciribtiro tacaddiyada galmada ee la xiriira colaadda ee ka dhaca Soomaaliya

19 Jun 2020

Qaramada Midoobay oo ku baaqday in la qaado tallaabo dheeri ah si loo ciribtiro tacaddiyada galmada ee la xiriira colaadda ee ka dhaca Soomaaliya

Muqdisho – Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubka Galmoodka ee xilliyada Colaadda, ayaa Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya maanta ugu baaqay madaxda Soomaaliya, bulshadda iyo la-hawlgalayaasha inay wax dheeraad ah ka qabtaan sidii ay u caawin lahaayeen una dhageysan lahaayeen dhibanayaasha iyo kuwii ka badbaaday rabshadaha galmada la xiriirta colaadaha (CRSV). Wuxuu ku baaqay in dadka oo dhan ay si wadajir ah u garab istaagaan dadka soo maray dhibaatada falalkan, iyo inay tallaabo adag qaadaan si loo ciribtiro CRSV ee Soomaaliya. Wuxuu bogaadin u soo jeediyey kuwa qabanaya shaqooyinka adag oo inta badan khatarta leh si looga hortago rabshadaha noocan oo kale ah.

Sannadkii 2019, tirada kiisaska kufsiga ee laga soo sheegay Soomaaliya waxay ahaayeen 744, oo 241 ka mid ah la xaqiijiyay inay yihiin kiisas CRSV oo lala beegsaday haween iyo gabdho. Hase ahaatee, dadka ugu badan ee ka badbaada xadgudubka galmada ee la xiriira xilika colaadaha ma soo sheegaan rabshadahaas sababo la xiriira cabsi iyo ceeb xagga dhaqanka ah awgood, sidaa darteedna, weli waa dambi aan loo soo sheegin si ku filan.

Soomaaliya, qiyaastii 3,000 oo dhibanayaal iyo kuwo ka badbaaday tacaddiyo galmo iyo rabshado jinsiga ku saleysan, oo ay ka mid tahay CRSV, ayaa heley kaalmo daaweyn iyo caafimaad sannadkii la soo dhaafay, halka 5,700 kalena ay heleen kaalmo xagga caafimaadka maanka/nafsiga ah.

“Rabshadaha galmada la xiriira xilliyada colaadaha waxay reebaan dhaawacyo qotodheer oo shakhsi ah, waxayna sii ahaadaan kuwo xadgudub ku ah xuquuqda aadanaha ee dhibanayaasha. Waxay sidoo kale dhaawacaan isku xirnaanta bulshada iyo dalka, boosna ugama banaana Soomaaliyada casriga ah, ee soo ifbaxaysa” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Natiijada tooska ah ee ka dhalatay caabuqa safmarka ah ee COVID-19 ee Soomaaliya ayaa ah culeys soo kordhay oo haysta adeegyada caafimaadka iyo gurmad bixiyeyaasha ugu horreeya, taasoo sii kordhinaysa khatarta adeeg-bixiyeyaasha iyo dhibanayaasha iyo kuwa ka badbaaday CRSV. Intaa waxaa dheer, COVID-19 wuxuu saameyn xun ku yeeshay dhinacyada ku dhaqanka sharciga, oo ay ka mid tahay helitaanka caddaaladda, iyadoo soo gudbinta dambiyada ay aad u sii adkaatay. Tusaale ahaan, Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya wuxuu sheegay in hakinta shaqada maxkamadaha inta lagu gudajiray masiibadan caabuqa ay keentay in aan wax xukun ah lagu ridin kuwa geysta dambiyada galmada tan iyo bishii Abriil.

Ergeyga Qaramada Midoobay wuxuu carrabka ku adkeeyay in “kuwa ka shaqeynaya CRSV ay mudan yihiin taageero joogta ah oo ay ka helaan la-hawlgalayaasha qaranka iyo kuwa caalamiga ah si loo hubiyo in dhaqaalaha/waxyaabaha loo baahan yahay la helo si loola dagaallamo CRSV, oo tallaabooyinka ku habboon CRSV lagu dhafo hawlaha gurmadka COVID-19. ”