Maalinta Qaxoontiga Adduunka awgeed, ayaa QM waxay ku baaqeysaa in la sii wado dadaallada lagu caawinayo qaxootiga iyo dadka barakacayaasha ah ee ku sugan Soomaaliya

20 Jun 2020

Maalinta Qaxoontiga Adduunka awgeed, ayaa QM waxay ku baaqeysaa in la sii wado dadaallada lagu caawinayo qaxootiga iyo dadka barakacayaasha ah ee ku sugan Soomaaliya

Muqdisho – Iyadoo xusaysa Maalinta Qaxootiga Adduunka, ayaa bahda Qaramada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya waxay maanta ku baaqday in la ilaaliyo guulihii laga gaaray yareynta dhibaatada heysata qaxootiga ku sugan Soomaaliya, iyadoo dalku uu xoogga saarayo ka-jawaab celinta aafada COVID-19. Qaramada Midoobay waxay sidoo kale qiraysaa dadaallada ay dowladdu ku horumarineyso xaaladda dadka barakacayaasha ah.

“Hay’adaha Soomaaliya waxay dadaal dhab ah oo hagar la’aaneed u galeen taageerada iyo dhowridda  xuquuqda magan-gelyo iyo badbaadinta dadka ku barakacay colaadaha, cadaadis ay ka carareen iyo saameynta isbedelka cimilada. Arintan waxaa sii adkeeyay aafada cusurka COVID-19 – waa in [hay’adaha Soomaaliyeed] lagu amaano dadaalladooda,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Maalinta Qaxoontiga Adduunka waxay ku soo beegantay waqti ay Soomaaliya ka jirto khatar saddex-geesood ah – ka-sokow aafada COVID-19, dalku wuxuu la tacaalaayaa la-dagaallanka ayaxa iyo fatahaado. Arrimahaan waxaa ka dhashay  caqabado aan horay loo arag, laakiin waxaan aragnay adkeysi iyo waxqabad muuqdo oo ay muujiyeen dadka soo barakacay oo kaalintooda ka qaatay sameynta is-bedello, iyagoo ku dhaqaaqay hawlo [kaladuwan] sida sameynta maryaha sanka iyo afka lagu xirto (face masks) iyo saabuun. Waa in aan garab istaagnaa oo aan xaqiijino in guulaha la gaaray aan la lumin,” ayuu yiri Wakiilka Xafiiska Ergeyga Sare ee QM u qaabilsan Arrimaha Qoxootiga (UNHCR), Johann Siffointe.

Ugu yaraan 2.6 milyan oo Soomaali ah ayaa ku barakacay gudaha dalka, iyadoo sidoo kale dalku uu martigeliyay dad ka badan 30,000 oo qaxooti iyo magangelyo-doon ah, oo badankood ka yimid Itoobiya iyo Yemen.

Gudaha Soomaaliya, qaxootiga iyo dadka barakacayaasha ah waxay si gaar ah ugu nugul yihiin cudurka faafa ee COVID-19 maadaama tiro badan oo dad ah ay ku nool yihiin xarumaha mashquulka badan ee magaalooyinka iyo deegaanada dadka barakacayaasha ah (IDPs).

In kastoo dhibaatooyin ay ka jiraan dalka, haddana dawladda Soomaaliya waxay si dhab ah u xoojisay ilaalinta iyo dhowrista xuquuqda magangelyada, badbaadinta iyo kaalmaynta.

Ku dhowaad 800,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa weli kusii nool gobolka Geeska Afrika, iyadoo tirada qoxootinimada [qoxooto noqoshada] ay aad hoos ugu dhacday sanadihii u dambeeyay iyadoo taas ay sabab u tahay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay nabadda iyo amniga. Tobankii sano ee la soo dhaafay, qaxooti badan ayaa go’aansaday inay kusoo laabtaan dalkooda iyadoo hay’adda UNHCR ay caawisay dad ka badan 90,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ah, ayna ka caawisay dib-usoo-celinta sida iskood ah ay u go’aansadeen.

Maalinta Qaxootiga Adduunka waxay u dabaaldegeysaa geesinimada aan caadiga ahayn iyo adkeysiga dadka sida qasabka ah lagu barakiciyay waxayna bogaadinaysaa deeqsinimada dowladaha iyo dadyowga martigeliyay iyo kuwa deeqda bixiyay. Halkudhigga Maalinta sanadkan waa ‘Qof kasta isbadal ayuu samayn karaa, Tallaab kasta Qiimeheeda ayay leedahay’ waxayna kusoo beegantay iyadoo ay jirto aafada adduunka ku habsatay ee  COVID-19 iyo baaqyada ku aaddan sinnaanta.