Qaramada Midoobey waxay ku deeqaysaa $864 million oo doolar si loogu fidiyo Somalia gar-gaaro bani'aadanimo ee 2017

Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isu-duwaha QM ee arrimaha bini’aadannimada Soomaaliya, Peter de Clercq, oo ka hadlaya munaasabad ka dhacday Muqdisho 17-kii Jannaayo 2017, oo lagu daahfurayay qorshaha gargaarka bini’aadannimo ee QM iyo deeq-bixiyeyaasha caalamka ee wax looga qaban rabo abaarta daba dheeraatay, ee horseedeysa cunto yari iyo xataa macluul ka dillaacda Soomaaliya. Sawir QM.

17 Jan 2017

Qaramada Midoobey waxay ku deeqaysaa $864 million oo doolar si loogu fidiyo Somalia gar-gaaro bani'aadanimo ee 2017

Xafiiska qaramada midoobey ee isku duwaha arimaha bani,aadnimada (UNOCHA) ayaa daahfuray lacag gaareysa $864 Milyan tasoo qeyb ka ah qorshaha gargaarka bini,aadnimo ee sanadka 2017, qorshahan ayaa bartilmaameed u ah 3.9 milyan Soomali aad ugu baahan gargaar deg deg ah.

Qorshaha ayaa maanta lagu soo bandhigay caasimada Soomaliya, xaflad uu kasoo qeyb galay afhayeenka baarlamanka federaalka Maxamed Skeikh Cusmaan Jawaari, saraakil sarsare oo ka tirsan Qamarada Midoobey (QM) iyo sidoo kale madaxda safaaradaha dalka ka howl gala.

Qorshaha gargaarka bani,aadnimo ayaa dadka liita siinaya gargaar naf-badbaadin ah, sidoo kale wuxuu la tacaalayaa nafaqa darada baahsan, wuxuuna xoojinayaa badbaadinta barakacayaasha, isagoo soo celinaya nolal maalmeedkooda.

Ku xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobey ee arimaha Soomaliya Peter de Clercq sidoo kalena ah isku duwaha xafiiska qaramada midoobey ee arimaha bani,aadnimada Soomaliya ayaa yiri qorshaha wuxuu qeexayaa mudnaanta howlaha baahiyaha bani,aadnimo ee sanadkan iyo sidii looga jawaabi lahaa.

 “Waxan ku celinayaa baaqeygii ahaa in bulshada caalamka kor u qaadan taageeradii ay siin jireen shacabka Soomaliyeed,” sidaa waxa yiri de Clercq

Qorshahan looga jawaabayo bani,aadnimda ayaa la daahfuray iyadoo ay jirto abaar baahsan oo ku dhufatay waqooyiga iyo bartamaha koonfurta Soomaliya, iyadoo sii xumeysay xaaladii cunto yarida ee ka jirtay deeganadaas. Sidoo kale roobab la,aanta ayaa aad u yareysay dalagii ka imaan jiray beeraha, xoolihiina macluul daran baa ku dhufatay, arintaa ayaa khatar galisay dad fara badan.

Warbixin ay soo saartay hey,ada QM ee cuntada qeybteeda cuntada iyo ka hortaga macluusha ayaa sheegtay in bilaha soo socda dad badan wajihi doonaan cunto yari baahsan.

Dad lagu qiyaasay shan milyan ayaa hore ugu baahnaa gargaar bani,aadnimo sida lagu sheegay warbixinta. Laakin 3.9 milyan ayaa laga yaabaa iney helaan gargaar sida uu qabo Justin Brady, madaxa hey,ada QM ee UNOCH xafiiskeeda Soomaliya, dhibaatada lacag la,aanta iyo xaaladaha amni ee dalka ayaa adkeynaya in la gaaro dadka qaar.

In ka badan hal milyan oo Soomaali ah ayaa wajahaya “dhibaato” iyo “xaalad deg deg ah” cunto yarida jirta owgeed sidoo kale waxa la rajeynaa in 1.3 milyan dheeraad ah ku biirto dadkaas bisha May ee sanadkan.

Warbixinta ayaa qiyaaseysa in 320,000 caruur nafaqo daro heyso ay aad ugu baahanyihiin gargaar, caruurtaas waxa ka mid ah 50,000 oo aad u liita, kuwasoo u baahan howl naf-badbaadin ah.

Gudoomiye Jawari oo matalayay dowlada federaalka Soomaliya ayaa soo dhaweeyay daahfurta qorshaha looga jawaabayo bani,aadnimada, isagoo yiri arintan waxay qeyb ka tahay qorshaha qaran ee Soomaliya hirgalineyso dhawaan.

 “Dowlada federaalka Soomaliya waxa ka go,an iney sameyso sida ugu fiican ee xaqiijinta waqtiyeysan iyo isku duwida ka hortaga abaarta. Waxaan si dhow ula shaqeynaa hey,adaha bani,aadnimada ka shaqeeya, waxaana diyaarinay hababkii wax looga qaban lahaa abaarta,” sidaa waxa yiri afhayeenka aqalka baarlamanka.

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobey arimaha Soomaliya Michael Keating, ayaa yiri xaaladan waxay dowlada federaalka ku noqo doontaa caqabad weyn.

“Ajandaha dowlada Soomaliyeed ee imaan doonta waa iney xooga saartaa la tacaalida dhibaatadan. Si kale haddii aan u dhaho, sharciyada dowlada imaan doonta waxa qeyb ahaan loo arki karaa sida ama qorshaha ay ku xaliso dhibaatadan, taasoo miisaan ama qiimo u yeeleysa dowlada haddii ay xaliso,” sidaa waxa yiri Danjire Keating.