QM ee Soomaaliya oo xaqiijisay in qof shaqaale ah oo ka tirsan shirkad ganacsi oo qandaraasle ah laga helay caabuqa COVID-19

27 Mar 2020

QM ee Soomaaliya oo xaqiijisay in qof shaqaale ah oo ka tirsan shirkad ganacsi oo qandaraasle ah laga helay caabuqa COVID-19

WAR-SAXAAFADEED 04/2020 
  
Muqdisho – Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qof shaqaale ah oo u shaqeeya shirkad ganacsi oo qandaraasle ah oo la shaqeysa Qaramada Midoobay laga baaray oo laga helay cudurka coronavirus ka cusub (COVID-19).
 
Qofka shaqaalaha ah ayaa karantiil ku jiray siddeed maalmood ka hor intaan laga helin cudurka, dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka ayaa su’aalo weydiinaya qofka si loo raadraaco dadka qofka la xiriiray.
 
Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si dhab ah u qaadanaysaa cudurka safmarka ah ee caalamka ku fiday ee COVID-19 waxayna, toddobaadyadii la soo dhaafay, diyaarisay oo hawlgelisay habraacyada caafimaadka iyo taageerada si loogu diyaargaroobo suurtagalnimada ah inay dhacdo arrintan oo kale. Waxaan mudnaanta siinaynaa daryeelka qandaraaslaha iyo in laga hortago inuu caabuqu sii faafo.
 
QM, oo u maraysa xafiirka maxalliga ah ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay la shaqeynaysay hay’adaha dowladda Soomaaliyeed si loo diyaariyo nidaamyada caafimaadka dalka si loo xakameeyo loona yareeyo in cudurka safmareenka ah uu ku faafo Soomaaliya.