QM oo soo dhoweysay dhameystirka doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya

16 May 2022

QM oo soo dhoweysay dhameystirka doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya

Muqadisho– Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta soo dhoweysay gabagabeynta doorashada madaxtinimo ee dalka.

 “Waxaan jeclaan lahaa inaan ugu hambalyeeyo madaxweynaha cusub ee la doortay Xasan Sheekh Maxamuud guusha uu caawa gaaray, balse waxaan sidoo kale u mahadcelinaynaa musharrixiinta kale, gaar ahaan madaxweynaha xilka ka degaya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’, sida uu u ixtiraamayo natiijada iyo sii wadida dhaqanka Soomaaliyeed ee in la soo dhoweeyo cid kasta oo guulaysata iyo teegeeridda in ay hore u socoto – jawiga caawa, waxaan filayaa, waxa uu ahaa mid aad u wanaagsan,” Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa sidaas yiri, saacadaha hore ee subaxnimadii Isniinta.

Mas’uulka Qaramada Midoobay ayaa ka hadlayay gabagabada doorashada oo ka dhacday xarunta Muqdisho ee loo yaqaan ‘Teendhada’ oo ku taalla agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo lagu casuumay isaga iyo wakiillo kale oo ka socda saaxiibada caalamka ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guuleystay wareeggii saddexaad ee codeynta xildhibaannada baarlamaanka dalka, kadib qiyaastii laba iyo toban saacadood oo codeyn iyo tirin ah. Waxaa xilkaasi u taagnaa ku dhawaad ​​40 musharrax.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay wuxuu guud maray in geeddi-socodka doorashadu uu ahaa mid dheer, sidoo kalena si firfircoon loogu tartamay - iyo in diiradda la saaro hor-tebinnada gudaha iyo dhismaha dawladda waa in hadda ay noqoto diiradda dareenka.

 "Waqtiyo adag ayaa ku jiray doorashadan dheer. Si kastaba ha ahaatee, waxaan aaminsanahay in hannaankii caawa uu soo bandhigay tartan dhab ah oo la wada arkayay, isla markaana ay ahayd doorasho lagu tartamayay, iyo inay fursad u ahayd dhammaan musharraxiinta inay si cadaalad ah u tartamaan, sidaas darteedna waxa ay ila tahay inay tani tahay fursad hadda bannaan oo lagu qeexo in natiijadu tahay mid lagu kalsoonaan karo,” ayuu yiri Md. Swan.

"Hadda waxaa la joogaa waqtigii Soomaalida iyo saaxiibada Soomaaliya ay isugu imaan lahaayeen si ay u taageeraan dowladda cusub ee la dhisayo, iyo in laga shaqeeyo hor-tebinnadda muhiimka ah ee horyaalla Soomaaliya," ayuu raaciyay. "Waxaa jirta shaqo badan oo ay tahay in la qabto, waxaana rajeyneynaa inaan noqonno saaxiibada Soomaaliya hadda kadib."

Mas’uulka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale xusay in hor-tebinnada muhiimka ah ee dalka horyaalla ay ka mid yihiin dhameystirka hannaanka dib u eegista dastuurka, wax ka qabashada baahiyaha degdegga ah ee horumarka hagaagsan, amniga iyo abaaraha hadda jira.

Qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka gellinkii dambe ee Isniintii, ayaa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay sidoo kale ku ammaantay guddoonnada baarlamaanka Soomaaliya iyo ku xigeennada, guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha iyo shaqaalaha xirfadleyda baarlamaanka, iyo sidoo kale ciidamada amniga Soomaaliya iyo hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), sida ay u xaqiijiyeen doorashada madaxtooyada ee sida habsami leh, nabad ah iyo ammaan ah, u qabsoontay Axaddii, taasi oo natiijadeeda si buuxda loo aqbalay.