QM waxay dhamaan umadda Soomaaliyeed u diraysaa hambalyo diiran oo ku aaddan munaasabadda Ciidul Adxaa

30 Jul 2020

QM waxay dhamaan umadda Soomaaliyeed u diraysaa hambalyo diiran oo ku aaddan munaasabadda Ciidul Adxaa

Muqdisho – Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay hambalyo diiran u dirayasaa dhamaan umadda Soomaaliyeed oo u dabbaaldegaya Ciidul Adxaa.

“Anigoo ku hadlaya magaca dhamaan bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaan idin leeyahay dhamaantiin Ciid Mubarak!” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. “Waxaan idinla qeybsanaynaa rajada ku aaddan in wada noolaanshaha iyo isu-naxariisahada uu xambaarsanyahay dabbaldeggan barakaysan ay sii socon doonaan, uuna horseedi doono midnimo ballaaran, nabad iyo xasillooni kasii amba qaadda dhamaan dalka Soomaaliya. Ciid Wanaagsan!”