Rajada Ergeyga QM ee ku aaddan Madasha wax Wadaqabsiga Heerka-Sare ee Copenhagen

19 Nov 2014

Rajada Ergeyga QM ee ku aaddan Madasha wax Wadaqabsiga Heerka-Sare ee Copenhagen

Copenhagen – Ka hor inta aanay billaaban Madasha Wax Wadaqabsiga Heerka Sare (HLPF) taas oo ka dhacaysa Copenhagen 19ka November, ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay wuxuu ku boorriyay Dowladda Federaalka iyo saaxiibadeeda caalamka inay diiradda sii saaraan ka miradhalinta faa’iidooyinka Hiigsiga Cusub u leeyahay Dadka Soomaaliyeed.

“Hiigsiga Cusub wuxuu ku saabsanyahay dadka Soomaaliyeed, waxaana iska leh dadka Soomaaliyeed wuxuuna garab taaganyahay dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri SRSG Nicholas Kay. “Waa hannaan lagu xaqiijinaayo arrintaas. Kadib muddo kabadan labaatan sano oo lagu jiray colaad iyo xasillooni la’aan, dadka Soomaaliyeed waxay heli karaan faa’iidooyinka ku jiro amaan iyo dowladnimo hagaagsan. Qaramada Midoobay waxay intii karaankeeda ah ku garab taagnaan doontaa dadka Soomaaliyeed socdaalka loogu jiro xaqiijinta arrimahaas.”

Dhamaad.