Saaxiibada beesha caalamka oo soo dhoweeyay maamulka midaysan ee laga yagleelay Galmudug

18 Jan 2018

Saaxiibada beesha caalamka oo soo dhoweeyay maamulka midaysan ee laga yagleelay Galmudug

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, dowladaha Jabuuti, Itoobia, Talyaaniga, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa bogaadiyay Dowlad Goboleedka Federaalka ee Galmudug iyo Ahlu Sunna Wal Jamaaca (ASWJ) ugu hambalyeeyay heshiiska ay maanta ku gaareen kuna saxiixeen magaalada Dhuusamareeb kaasoo u gogol xaaraya in maamul midaysan loo dhiso Galmudug. Saaxiibada beesha caalamka ayaa sidoo kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” iyo hogaamiyaha Ahlu Sunna Wal Jamaaca Sheekh Shaakir ugu hambalyeeyay ballanqaadka ay u galeen inay ka go’antahay dibuheshiisiin iyo midnimo, iyo dadaallada ay Galmudug ugu dhisayaan Dowlad Goboleed Federaal ah, loo wada dhanyahay oo xasilloon.

Iyagoo ka hadlay xafladda heshiiska lagu saxiixay ee ay ka soo qaybgaleen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabduullahi Maxamed Farmaajo iyo Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Hirshabeelle, Puntland iyo Koonfur Galbeed, saaxiibada beesha caalamku waxay ugu baaqeen madaxda iyo dadka reer Galmudug inay billaabaan shaqada lagu hirgelinayo heshiiska, iyagoo hanaan si buuxda loogu wada dhanyahay u maraya dhammaan qodobadiisa, oo ay ka midtahay dhisidda baarlamaan wadajir ah, dastuur wadajir ah iyo ciidamo amni oo wadajir ah si loo ilaaliyo dadweynaha loona dhowro sharciga iyo kala dambeynta.

Xasilloonida siyaasadeed ee heshiiskan ka dhalanaysa waxay Galmudug siin doontaa fursad uu diiradda ku saaro baahiyaha degdegga ah sida sii xoojinta xasilinta siyaasadeed, dakhli ururinta, soo kabashada bulshada-dhaqaalaha iyo hirgelinta Qaabdhismeedka Amniga Qaran, oo ay ka midyihiin Qorsheyaashiisa ee Booliiska Dowlad Goboleedyada.

Waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya inay sii waddo taageeradda ay siiso hirgelinta heshiiska, ayna u abuurto duruufihii suurtagelin lahaa inuu guuleysto. Saaxiibada beesha caalamku waxay diyaar u yihiin inay garab socdaan Galmudug oo haya waddada nabadaynta iyo dowlad dhisidda.

Saaxiibada beesha caalamku waxay Urur-Goboleedka IGAD uga mahadcelinayaan kaalinta uu ka cayaaray fududeynta wadahadalladii dhexmaray maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna Wal Jamaaca, iyo weliba taageerada Sanduuqa Xasilloonida Soomaaliya, ee suurtageliyay heshiiskii lagu gaaray Jabuuti laguna saxiixay magaalada Muqdisho bishii Diisembar 2017. Waxay ballanqaadeen inay ka go’antahay inay Urur-Goboleedka IGAD kala shaqeeyaan taageeridda iyo fududeynta hirgelintiisa.