Saaxiibada caalamka oo dhinacyada Galmudug ku boorrinaya in ay mudnaanta siiyaan dib u heshiisiinta

2 May 2017

Saaxiibada caalamka oo dhinacyada Galmudug ku boorrinaya in ay mudnaanta siiyaan dib u heshiisiinta

Saaxiibada caalamka  (Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka) waxay si dhow ula socdaan arrimaha ka soo cusboonaaday Galmudug. Saaxiibada caalamka waxaa dhiirri geliyay tallaabooyinkii wanaagsanaa ee dhinacyadu qaadeen todobaadyadii la soo dhaafay kuna fureen wadahadal lagu gaarayo dib u heshiisiin, laguna qabanayo doorashooyin loo wada dhanyahay laguna dhisayo maamul salballaaran oo muhiim u ah sharciyadda, amni hagaagsan iyo taabba-galnimada Dowlad Goboleedka Galmudug. 

Saaxiibada caalamka waxay ka niyad jabsanyihiin wararka sheegaya in wadahadalladii ay hakad galeen. Saaxiibada caalamka waxay ku boorrinayaan dhamaan dhinacyada inay sii wadaah wadahadallada si niyad sami lehna u sii wadaan oo ay raadiyaan dhamaan fursadaha lagu gaarayo dib u heshiisiin, mudnaantana lagu siinayo dhismaha maamul loo wada dhanyahay oo ay yeelato Galmudug.

Saaxiimadu waxay ugu baaqayaan dhamaan dhinacyada inay ka fogaadaan fal kasta oo wiiqi kara dadaallada dib u heshiisiinta, una diyaargaroobaan fududaynta geedi-socodka dib u heshiisiineed haddii dhamaan dhinacyadu isku afgartaan.