Soomaaliya oo lagu qabtay kulan hordhac u ah shirka London

4 May 2017

Soomaaliya oo lagu qabtay kulan hordhac u ah shirka London

Muqdisho 2, May 2017 –  Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo safaaradda Ingiiriska ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay kulan lagu arrinsanayo arrimaha la xiriira nabadgelyada, siyaasadda, horumarka shacabka iyo dhaqaalaha, kuwaas oo lagu wado in looga hadlo shirka Soomaliya ee London ee lagu wado in uu dhaco 11-ka May.

Kulankan oo ay ka qaybgaleen xubnaha bulshada rayidka ah, ganacsatada iyo dhallinyarada, ayaa lagu lafagguray hannaanka dib u eegista dastuurka, arrimaha federaalka, kabashada dhaqaalaha, iyo kaalinta haweenka iyo dadka qurba joogta ah ee ku aaddan horumarka mustaqbalka ee Soomaaliya.

 “Shirka London waxaa uu fursad muhiim ah u yahay dowladda cusub si ay ula kulanto asxaabta caalamiga ah ugana hesho balanqaadyo in ay ku taageerayaan dowladda hiigsigeeda dhanka kabashada dhaqaalaha iyo xoojinta guulaha la gaaray sanadaha dambe ee la soo dhaafay,” ayuu yiri Wasiirki hore ee Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdiraxmaan Caynte, oo hoggaamin doono mid ka mid ah wafdiyada ka qaybgalaya shirka London.

Wasiirka hore ayaa sheegay in shirka London uu muujin doono in Soomaaliya ay tahay dal ka soo kabsaneyso burburka dagaal sokeeye.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee dowladda federaalka ah, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay shirka London ku soo bandhigi doonto qorshaheeda ku aaddan dib u eegis lagu sameeyo dastuurka 2012 ee qabyada ah si loo daboolo baahiyada laguna muujiyo rabitaanka shacabka.

Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ay ka go’antahay in ay Soomaaliya u sameeyaan dastuur dhammeystiran oo loo dhan yahay.

“Madaxweynaha iyo Raisal wasaaraha labaduba waxaa ay amreen wasaaraddeyda in aan dhammaan shacabka Soomaaliyeed aan kala tashanno hannaanka dib u eegista dastuurka,” ayuu ku daray Wasiir Xoosh.

Ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Peter de Clercq, ayaa asna sheegay in kulanka Muqdisho lagu qabtay uu ka mid yahay kulamo wada tashi ah oo ay Qaramada Midoobay qabaneysay shirka London ka hor.

Mudane de Clercq ayaa sheegay in kulanka maanta uu cod u yeelayey “bulshada rayidka, dhallinyarta – dadka aan inta badan codkooda la dhageysan – si ay u soo bandhigaan afkaartooda ku aaddan waxaa ay isleeyihiin waa muhiim in lagu soo qaado shirka London sababtoo ah shirka London waxaa looga arrinsanaya mustaqbalka Soomaaliya.”

Safiirka Boqortooyada Ingiiriska u fadhiya Soomaaliya, David Concar, ayaa sheegay in shirka London uu yahay fursad Soomaaliya lagu caawinayo in ay cagaheeda isu taagto laguna dardargeliyo dib u dhiska, kaddib doorashada Febraayo ee lagu doortay madaxweyne Farmaajo.

“Soomaaliya waxaa ay u muuqataa in ay ku jirto xilli aad muhiim ah, waxaa ayna xilligaan ku tallaabsan karta horumar iyo dib u dhis dardar ah, misena waxaa ay ku laaban kartaa dhanka xasilllooni darrada,” ayuu yiri Danjire Concar.

Mar la wareysanayay, wasiirki hore ee Caynte, waxaa uu sheegay in mustaqbalka Soomaaliya uu yahay mid ifafaalo fiican leh, balse waxaa ay ku xiran tahay dhanka ay hoggaamiyeyaasha u horseedaan.

“Waxaan isleeyahay haddii aan qaadno waddada horumarka, dhallinyarta la siiyo fursado, iyo haddii aan horumarino xaaladda ammaanka ee dalka, waa aan guuleysaneynaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Mudane Caynte.

Muna Xasan Maxamed oo ka mid ahayd ka qaybgalayaasha oo ku hadleysay magaca dhallinyarta ayaa sheegtay in shirka London uu Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya siinayo fursad ay ku tusto caalamka in Soomaaliya ay cagaheeda isu taagtay ayna diyaar u tahay in ay horumar ka gaarto dhanka dhaqaalaha iyo shacabkaba.

Ganacsade Maxamed Xasan Daryeel ayaa sheegay in ay tahay in shirka London diiradda lagu saaro xallinta arrimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda ee dalka ka taagan iyo in lagu horumariyo dowladnimada iyo xasilloonida shacabka.