Saaxiibada caalamka oo soo dhaweeyey shirkii Golaha Wadatashiga Qaran

5 Jul 2021

Saaxiibada caalamka oo soo dhaweeyey shirkii Golaha Wadatashiga Qaran

Muqdisho – Saaxiibada caalamiga* ah ee Soomaaliya waxa ay soo dhaweynayaan shirkii guusha ku soo dhammaaday ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhacay 29kii Juunyo, waxa ayna ku bogaadinayaan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda dowlad-goboleedyada doodihii wax dhisayey ee ay yeesheen. Jawigii tognaa ee shirka oo ay qeyb ka tahay xiriirkii lala sameeyey saamileyda sida Golaha Midowga Musharixiinta, waxa uumuhiim u yahay horumarrada laga sameynayo doorashooyinka.

Waxaan la soconnaa in Golaha Wadatashiga Qaranka ay go’aan muhiimka ah ka gaareen jadwalka doorashada iyo doorka kooxda taageerada farsamada doorashada iyo ballaarinta lagu sameeyey si loogu soo biiriyo wakiillada dowlad-gobolleedyada. Waxaan soo dhaweyneynaa go’aanka kala-bar looga dhimay kharashka isdiiwaangalinta musharixiinta haweenka ah, waxaana rajeyneynaa in la qaado tallaabooyin kale si loo xaqiijiyo qoondada boqolkiiba 30ka ah ee haweenka ee lagu hashiiyey.

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan saamileyda, oo ay ku jiraan hay’adaha maamulaya doorashada, inay hore ugu sii socdaan ka-soo-dhalaalidda mas’uuliyadaha iyo ballamaha la galay iyada oo aan dib loo dhigin. Waxaan ku dhiirigalineynaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida in ay si joogta ah oo wax dhisaya u yeeshaan wada-xaajood iyo wada-shaqeyn inta lagu guda-jiro geeddi-socodka doorashada si loo xalliyo arrimo walba oo soo baxa. Waxaan ku kalsoonnahay in habraac deg deg ah, nabdoon oo hufan uu Soomaliya ka taageeri doono ku-laabashada dhabbaha xasilloonida iyo barwaaqada.

Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay diyaar u yihiin in ay taageeraan dadaalladaas.

 

* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Shiinaha, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.