Saaxiibada caalamka oo soo dhoweeyay daah-furka hanaanka dhisidda baarlamaan goboleed ee maamulka Ku-meelgaarka ah ee Jubba

20 Jan 2015

Saaxiibada caalamka oo soo dhoweeyay daah-furka hanaanka dhisidda baarlamaan goboleed ee maamulka Ku-meelgaarka ah ee Jubba

Muqdisho – Qaramada Midoobay, Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyo Dowladda Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ayaa soo dhoweeyay daahfuridda hanaanka soo xulidda Golaha Baarlamaan-Goboleedka Maamulka Ku Meelgaarka ee Jubba (IJA), iyagoo ugu baaqay madaxda maamulka inay xaqiijiyaan in dhammaan beeluhu ay golaha ka helaan wakiillo metela.


“Waxaan soo dhoweynaynaa daahfuridda geeddi-socodka soo xulidda Golaha Baarlamaan-Goboleedka Jubba. Tani waa tallaabo muhim ah oo loo qaaday dhanka nabadda iyo dowlad-dhisidda ee dadka gobollada Jubba, iyo weliba Soomaalida dhammaantooda. Waxaan madaxda Maamulka Ku Meelgaarka ee Jubba ku boorinaynaa inay haween, dhallinyaro iyo kooxaha laga tira badanyahay ku soo daraan hanaanka go’aan-qaadashada gobolka, iyagoo xaqiijinaya inay qayb ka noqdaan Golaha cusub. In la xaqiijiyo hanaan cadaalad ah oo loo wada dhanyahay wuxuu gacan ka geysan doonaa dhismaha bulsho ay cadaalad ka jirto oo nabad ah, tusaale fiicana u noqon kara dalka intiisa kale.

Waxaan diyaar u nahay inaan taageerno madaxda maamulka, waxaana dhammaan dhinacyada ugu baaqaynaa inay wadatashi wax ku ool leh iyo dibuheshiisiin la yeeshaan dhammaan dhinacyada ay arrintu khuseyso, iyagoo xaqiijinaya in la ilaaliyo danaha beelaha dhammaantooda. Saaxiibada ay Soomaaliya ku leedahay caalamka waxaa ka go’an inay taageeraan geeddi-socodka uu dalku ugu jiro nabadda iyo dowlad-dhisidda.”

Dhamaad.