Saaxiibada caalamka waxay ku adkaysanayaan rajada ay ka qabaan in si dhakhso ah loo soo bandhigo nooca doorasho ee la isku raacsanyahay

19 Jan 2016

Saaxiibada caalamka waxay ku adkaysanayaan rajada ay ka qabaan in si dhakhso ah loo soo bandhigo nooca doorasho ee la isku raacsanyahay

Shir subaxnimadii shalay lala yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyo Gudoomiye Maxamed Cusmaan Jawaari, ayaa Qaramada Midoobay, Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Dowladda Maraykanka, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Dowladda Sweden iyo Dowladda Talyaaniga ay hoosta ka xariiqeen rajadooda ku aaddan in madaxda Soomaaliyeed ay maalmaha soo socda soo bandhigi doonaan nooc la isku raacsanyahay oo loo maro hanaanka doorasho ee qabsoomi doonta dhamaadka sanadkan, (sidoo kalena madaxdu ay soo bandhigi doonaan) qorshihi lagu fulin lahaa nooca doorasho, iyo weliba tubti/khariidaddi looga gudbi lahaa muddada u dhaxaysa 2016-2020, waxyaabahaas oo madaxdu ay ballanqaadeen kuna qornaa ‘Baaqii Muqdisho’ ee la meel mariyay marki la soo gabagabeeynayay Madashii Wadatashiga Qaran ee lagu qabtay Muqdisho 16kii Disembar 2015.

Saaxiibada caalamka, oo ay kamid yihiin Midowga Afrika, waxay soo dhoweeyeen wadahadalladii Kismaayo iyo isu soo dhowaanshaha muuqdo ee madaxda Soomaaliyeed iskaga soo dhowaanayaan arrimaha la xiriira nooca doorasho ee 2016.  Waxay ahayd arrin wanaagsan in madaxda Soomaaliyeed ay dhowr maalmood ka wadahadlaan nooca ugu haboon uguna macquulsan ee loo marayo hanaanka doorasho ee la qabanayo dabayaaqada sanadkan. Saaxiibada caalamka, iyagoo ka walaacsan in aan weli la gaarin heshiis, ayay soo dhoweeyeen sida ay madaxda Soomaaliyeed uga go’antahay in si degdeg ah loo gaaro isu-tanaasul.

Wadahadalladii ay la yeesheen madaxda (heerka) federaal, ayaa saaxiibada caalamku ay hoosta ka xariiqeen rajada xooggan ee ay mar walba ka qabaan in aanay dhici dooni muddo kordhin loo sameeyo muddada dastuuriga ah ee hay’adaha sharci dejinta iyo fulinta, iyadoo la raacayo baaqyadii is dabajoogga ahaa ee ka soo yeeray madaxda Soomaaliyeed kuna aaddanaa arrintaas. Tani waxay sii xoojisay muhiimadda ay leedahay in wadahadalladu ay sii socdaan iyo in heshiis laga gaaro nooc doorasho oo faah-faahsan, qorshihi lagu fulin lahaa iyo khariidad siyaasadeed oo lagu gaaro doorashooyin ay dadweynuhu ku codeeyaan marka la gaaro sannadka 2020, waxyaabahaas oo la rabo in maalmaha soo socda la isla meeldhigo. Madaxda Soomaaliyeed waxay Baaqii Muqdisho ee la soo saaray 16kii Disembar ku ballan qaadeen inay heshiis gaarayaan 10ka bisha Janaayo. Waa inay danta qaranka soo hormariyaan, si loo dhamaystiro hanaan ay Soomaali leedahay oo ay Soomaali garwadeen ka tahay, hanaankaas oo soo billowday bishii Luulyo ee sanadkii la soo dhaafay, waxaana qayb ka ahaa tiro badan oo dad Soomaaliyeed ah oo ka kala yimid dalka dhamaantiisa. Waqtigu waa yaryahay, waxaana harsan hawlo badan oo la rabo in la qabto si loo xaqiijiyo hirgelinta hanaan doorasho oo si aan dib u dhac lahayn loo hirgeliyo marka la gaaro bisha Agoosto.

Saaxiibada caalamku waxay taageeradooda u fidiyeen madaxda Soomaaliyeed oo iyagu sii wada dadaalladooda si ay ugu heshiiyaan nooc doorasho oo faah-faahsan. Saaxiibada caalamku waxay ka dhursugayaan shir ay madaxda Soomaaliyeed maalmaha soo socda iskugu yimaadaan si loo dhamaystiro nooca doorasho, waxayna ugu baaqeen dhamaan madaxda Soomaaliyeed inay shirtkaas uga qaybqaataan si wax ku ool ah oo ku dhisan isu-tanaasul. Saaxiibada caalamku waxay carrabka ku adkeeyeen sida ay ugu heellanyihiin inay kaalmeeyaan Dowladda Federaalka ah iyo dhammaan inta ay arrintu khusayso kana caawiyaan (taabba gelinta) hanaankan. Iydoo xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay yeesheen wadatashiyo 28ki Janaayo, (sidoo kalena) uu soo socdo shir-madexeedki Midowga Afrika oo ka dhici doona magaalada Addis Ababa oo ay maalmo keliya naga xigaan, ayaa saaxiibada caalamku waxay mar kale ku celiyeen rajadooda ku aaddan in laga shaqeeyo nooca doorasho, qorshihi lagu hirgelin lahaa iyo khariidad siyaasadeed, shaqadaas oo la rabo in la soo dhammaystiro ka hor inta aan la gaarin (waqtiga ay dhacayaan) shirarkaas muhiimka ah.