Saaxiibada caalamku oo soo dhaweeyay dadaallada dowlad-dhisidda waxayna ku baaqayaan horumar la sii wado

20 Jan 2023

Saaxiibada caalamku oo soo dhaweeyay dadaallada dowlad-dhisidda waxayna ku baaqayaan horumar la sii wado

Muqdisho – Saaxiibada Beesha Caalamka* Waxay soo dhoweynayaan dadaallada ay wadaan madaxda Soomaaliya si loo hormariyo arrimaha mudnaanta leh ee ku saabsan nabad-dhisidda iyo dowlad-dhisidda, oo ay ku jiraan shirarka joogtada ah ee Golaha Wadatashiga Qaranka. Waxaan si gaar ah u soo dhoweynaynaa dadaalka soo cusboonaaday ee diiradda lagu saarayo geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, kheyraad wadaagga iyo awood-qeybsiga federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, kuwaas oo dhammaantood muhiim u ah xaqiijinta xasilloonida muddada fog ee Soomaaliya. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan daneeyeyaasha inay si wax ku ool ah uga qayb qaataan dadaalladan, oo wixii khilaaf ah ee jirana lagu xalliyo wadahadal iyo wadatashi.

Waxaa naga go'an inaan Soomaaliya ka taageerno sidii ay ku gaari lahayd arrimaha hortabinta u leh dowlad dhisidda, oo aasaas u ah Soomaaliya loo dhan yahay, barwaaqo ah oo nabad ah.

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.