Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya waxay ku baaqayaan in si deg deg ah loo dhamaystiro hannaan Doorasho oo lagu kalsoonaan karo

11 Jan 2022

Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya waxay ku baaqayaan in si deg deg ah loo dhamaystiro hannaan Doorasho oo lagu kalsoonaan karo

Muqdisho – Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay garwaaqsadeen in shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee socday 3-9 Janaayo lagu gaaray is-afgarad la isku raacay ee ku saabsan wax ka bedelka iyo dib u habaynta habraaca iyo dedejinta waqtiga doorashada Golaha Shacabka.

Waxaan ku faraxsanahay in Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay qaateen go’aamo ku saleysan wadatashiyo lala yeeshay bulshada rayidka, wakiillada haweenka iyo xubnaha mucaaradka. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya in ay danta qaranka wax walba ka horraysiiyaan, ayna mudnaanta siiyaan soo gabagabaynta hannaan doorasho ee ay dadka Soomaaliyeed si weyn u aqbalaan, iyo inay ka fogaadaan daandaansi ka weecin kara hannaankaas oo kordhin kara khatar iska-hor-imaad ama rabshado . Dhammaan madaxda waa inay xaqiijiyaan in ciidamada amniga aan loo adeegsan hab siyaasadeed.

Waxaa la joogaa waqtigii ay dhammaan madaxda Soomaaliyeed diiradda saari lahaayeen in si degdeg ah loo dhaqangeliyo go’aannadii lagu heshiiyey si loo soo gabagabeeyo hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo marka la gaaro 25ka Febraayo.

*Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.