Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Diseembar 2021

31 Dec 2021

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Diseembar 2021

 

Cash Transfers | WFP supports 17,000 families in Galmudug through cash-strapped remittances  

WFP has supported the Federal Government of Somalia in providing additional cash assistance to more than 17,000 vulnerable families in Galmudug, with the support of the European Union (EU) and the United Kingdom (UK).

The subsidy goes through the Human Resource Disaster Response Package Project - locally known as Rehabilitation - through transfer methods set by WFP, and the completion of regular remittances to further strengthen the prevention of dementia. families.

The program is state-owned and funded by the World Bank. Provides unconditional, unconditional cash transfers to 200,000 households across Somalia, building their resilience to prevent crises such as droughts and floods. WFP carries out these remittances, supporting the government's long-term development delivery system. 

https://twitter.com/WFPSomalia

 

Dietary systems | FAO assists families with food security during locusts, droughts and COVID-19

Xoolaha iyo beeruhuba waxay door muhiim ah ku leeyihiin dhaqaalaha Soomaaliya – hase ahaatee abaarta, ayaxa iyo faafitaanka COVID-19 ayaa saamayn weyn ku soo yeeshay nidaamka cuntada beeraha ee dalka, iyadoo beeralayda iyo xoolo-dhaqatada ay soo food saareen khatarro baaxad leh oo ku wajahan karaankooda inay wax siiyaan qoysaskooda. .

Hadda, iyadoo loo marayo mashruuc hawleed la filan karo, FAO waxa ay ku taageereysaa bulshooyinka ku dhaqan degmooyinka Laasqoray iyo Doolow in ay ka gudbaan dhibaatooyinkan isku soo aaday iyada oo la adeegsanayo xawilaad lacageed iyo taageero la xiriirta hab-nololeedka sida abuurka, agabka, xerooyinka quudinta xoolaha iyo tababarka.

Mashruuca ayaa ujeedadiisu tahay in  wax laga qabto hubaal la’aanta cunto ee ba'an ee ka jirta deegaanadaan iyo in laga caawiyo dadka ay dhibaatadu saameysey in ay dib ugu soo laabtaan shaqada, iyagoo wax siinaya qoysaskooda, si fiicanna ugu qalabeysan in ay u wajahaan mustaqbalka.

https://www.fao.org/emergencies/fao-in-action/stories/stories-detail/en/...

 

Gudniinka Fircooniga ah ee Gabdhaha | Hay’adaha UNFPA iyo Ifrah Foundation oo Jubbaland ka bilaabay  ‘Ololaha Gabadheydiyey Gacalo’

Iyagoo taageero ka helaya Wasiirka Haweenka Dawladda Federaalka iyo Olaloleeyaal kale ee safka hore kaga jira diidmada gudniinka fircooniga ah (FGM) ayaa UNFPA iyo Hay’adda Ifraax Foundation waxa ay magaalada Kismaayo ee Jubaland ku daah-fureen ‘Ololaha Gabadheydiyey Gacalo’.

Ololuhu wuxuu keenayaa hab sidii hore ka duwan oo lagu joojiyo gudniinka Fircooniga ah ee Soomaaliya. Waxaa lagu dhisay cilmi-baaris iyo waayo-aragnimo, waxa uu ku xiran yahay siyaasadda saddexda tiir ee wax ka qabashada gudniinka fircooniga: Beddelidda dabeecadda, ka-qaybgalka bulshada iyo qiimeynta faragelinta. Intaa waxaa dheer, u qareemidda, wacyigelinta, ka qaybgalka bulshada iyo barnaamijyada xoojinta oo loo qabanayo si isku mar ah oo wadajir ah in muddo.

Ololaha ayaa markii ugu horreysay laga billaabay Muqdisho bishii September.

https://somalia.unfpa.org/en/news/dear-daughter-campaign-launch-jubaland

 

Tababarka | UNIDO waxay sii waddaa taageerada waxbarashada Xirfadda iyo farsamada gacanta

UNIDO waxay sii wadday bixinta tababarro farsamo iyo xirfadeed oo gaar ah oo ku salaysan qiimayn tifaf-tiran ee  taxanaha qiimaha ee kalluunka, xoolaha, iyo khudradda Soomaaliyeed.

Tababarka waxa looga gol lahaa dhisidda tayada shaqaale xirfad leh oo awood u leh ka shaqaynta, dayactirka iyo rakibidda agabka warshadaha beeraha.

Qiimaynta oo ay fulisay Hay’adda UNIDO oo kaashanaysa Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Ganacsiyada gaarka loo leeyahay , ayaa lagu soo bandhigay afar qeybood oo ganacsi oo loogu talagalay in lagu tabobarro, kuwaas oo kala ah Tubbiistanimada, Alxanka, Baakadaynta iyo Kaydinta, iyo maaraynta kalluunka.

Tababarka waxa uu qeyb ka ahaa mashruuca ‘Horumarinta Tignoolajiyada Beeraha ee Kobaca Dhaqaalaha Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya’ oo ay maalgelisay Hay’adda Horumarinta Iskaashiga ee Talyaaniga. Sanadka 2021, waxa ay hay’adda UNIDO tababar siisay 400 oo dhallinyaro ah oo ku kala sugan Muqdisho, Kismaayo iyo Baydhabo.

https://unidosomalia.medium.com

 

Miino-saarka | UNMAS oo gacan ka geysaneysa nadiifinta miinooyinka Puntland iyo Galmudug

Mashruuca in muddo ah socdey oo degmooyinka Dhabad iyo Galdogob looga sifeynayey miinooyinka woqooyiga Soomaaliya ayaa la soo afjaray bishii Diseembar, taasoo malaayiin mitir oo laba jibaaran ka dhigtay mid ammaan ah oo ay isticmaali karaan dadka deegaanku.

Waxaa mashruucan maalgeliyay Midowga Yurub iyadoo ay hirgelisay UNMAS oo taageero ka heleeysa HALO Trust, 'Howlgalka miino bixinta ee heer bulsho oo ah hab lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya' waxa uu ahaa mashruuc socdey Oktoobar 2020 ilaa Diseembar 2021.

Isku soo wada duuboo, in ka badan nus malyuun mitir oo laba jibbaaran oo dhul miineysan ah iyo saddex milyan oo mitir oo laba jibbaaran oo dheeraad ah oo dhul ah oo hore loogu isticmaali jiray aagag dagaal ahaan ayaa haatan laga dhigay meel nabdoon oo u ammaan ah dadka degaanka.

Mashruucu waxa kale oo uu fursado shaqo u fidiyay in ka badan 113 xubnood oo ka mid ah dhallinyarada degaanka, rag iyo dumarba, taas oo qoysaska u noqotay il dhaqaale oo cusub iyada oo ay tanina kobcinayso dareenka lahaansho ee xallinta dhibaatada miinada.

https://www.unmas.org/en/more-three-million-square-metres-of-land-cleared-of-landmines-puntland-and-galmudug-somalia

 

Bini'aadaminnimo | OCHA oo soo saartay Qorshaha Waxqabadka Bini'aadaminnimo ee Soomaaliya 2022

Hay’adda OCHA ayaa soo saartay Qorshaha Waxqabadka Bini'aadaminnimo ee 2022 ee Soomaaliya - oo ah waddan hadda wajahaya xilli-roobaadkii saddexaad oo xiriir ah oo baaqday markii ugu horreysay muddo 30 sano ah.

Qiyaastii 7.7 milyan oo Soomaali ah ayaa u baahan doona gargaar bini'aadminimo iyo ilaalin sanadka 2022, taasoo ah baahi 30% kor u kacday hal sano gudihii. Qorshaha Waxqabadka Bini'aadaminnimo (HRP) ee 2022 waxa uu raadinayaa ku dhowaad $1.5 bilyan si loo caawiyo 5.5 milyan oo ka mid ah dadka kuwooda ugu nugul.

Si loo daboolo baahiyaha degdegga ah ee bulshooyinka ay abaaruhu saameeyeen, QM waxa ay sidoo kale $17 milyan ka soo saaraysaa Sanduuqa Dhexe ee Wax ka qabashada Xaaladda Degdegga ah (CERF), taasoo ka dhigaysa maalgelinta CERF ee Soomaaliya 2021 $ 52 milyan. Tan waa ku dhawaad $60 milyan oo lagu kordhiyey lacagtii ay deeq-bixiyeyaashu siiyeen Sanduuqa Bani'aadminnimada ee Soomaaliya, oo ah hab deeq-bixiyeyaal badan oo dalal kala duwan ah kaalmadooda isku daraya.

https://www.unocha.org/somalia

 

Abaarta | IOM ayaa sare u qaadaysa dedaallada bini'aadminnnimo ee lagu caawinayo kummannaanka qof ee ay saameeyeen abaaraha Soomaaliya

Iyadoo ku dhawaad saddex milyan oo Soomaali ahi ay hadda saameeyeen abaaraha sii xumaanaya ee dalka ka jira, ayaa waxa ay IOM sare u qaadaysaa dedaallada bini’aadminnimo ee siddeed degmo oo dalka ah si ay u daboosho baahiyaha degdegga ah ee dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Tan iyo bishii Nofeembar, IOM waxa ay biyo-dhaamin degdeg ah u samaysay ilaa 2,500 qoys oo ku nool 18 tuulo oo dhaca gudaha iyo hareeraha Afmadow iyo Dhoobleey. Taas waxaa kaabaya dayactirka ceelasha riigagga ah, ceelasha matoorrada ah, berkadaha biyaha roobka iyo qaybinta agabka nadaafadda & faya-dhowrka ee Jubbaland.

IOM ayaa sidoo kale lacag caddaan ah siisay in ka badan 1,000 qoys oo ku nool Afmadow iyo Doolow. Tan iyo bilowgii sanadkan 2021-ka, biyo la’aantu waxay barakicisay ku dhowaad 113,000 oo qof, waxaana la filayaa inay kordhiso barakaca maadaama ilihii biyuhu ay gurayaan, xooluhuna ay dhimanayaan, qiimaha badeecaduhuna uu sii wado inuu kor u sii kacayo.

https://twitter.com/IOM_Somalia/status/1461606744908615685

 

Horumarinta | UNDP waxay haweenka ku taageertaa inay fikirkooda ku cabiraan fanka iyo farshaxanka

UNDP waxa ay haweenka ka taageertaa in ay curiyaan gabayo, sawir maqaaleed iyo filimaan ku saabsan arrimaha muhiimka u ah iyaga, laga soo bilaabo awoodda saaxiibtinimada iyo dhibaatooyinka nolosha faqriga.
Shaqadan waxaa si gacan-gacan ah loogu abuurayaa Mu’asasada Fanka Soomaaliyeed, waxayna qeyb ka tahay Hindisaha Hoyga Maansada Soomaaliyeed. Waxaa lagu soo bandhigay qaab fogaan arag ah bisha Disembar iyo bandhig rasmi ah oo ka dhacaya Muqdisho horraanta 2022.

www.so.undp.org

 

Gabood-fallada Jinsiga ku saleysan | UNODC oo sare u qaadaysa awoodda baaris ee saraakiisha booliiska ee ku aaddan xad-gudubyada Jinsiga

Bishan Diseembar, Hay’adda UNODC ayaa tababar gaar ah oo socon doonta muddo lix maalmood ah u qabatay 24 sarkaal oo boolis ah oo ay ku jiraan haween, kuwaas oo ka kala socday Galmudug, Jubaland, Koonfur Galbeed, Muqdisho, Hirshabeelle iyo Puntland, si kor loogu qaado awooddooda baaritaan ee la xiriirta kiisaska xadgudubyada jinsiga.

Mashruucan waxaa maalgeliyay Xafiiska Arrimaha Maandooriyaha Caalamiga iyo Dhaqangelinta Sharciga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo hoos yimaadaa barnaamijka baarista dembiyada ee UNODC ee Soomaaliya, kaasoo si gaar ah diiradda loogu saaro Xuquuqda Aadanaha iyo Xadgudubyada la xiriira Jinsiga.

https://twitter.com/UNODC_EA/status/1471734896410386433

 

Gabood-fallada Jinsiga ku saleysan | Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa beeray geedo si ay ugu tilmaansadaan xadgudubyada jinsiga

Shaqaale ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa xusay Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xad-gudubyada la xiriira jinsiga, oo la xusay 25-kii Nofeembar iyaga oo ka bilaabay olole 16 maalmood ah munaasabad dhir beeris ah oo ka dhacday Muqdisho. Beeritaanka geedaha ayaa astaan u ah dib u soo noolaansho iyo rajo.

https://www.youtube.com/watch?v=_Qw3uSCSrto&t=3s

 

Xuquuqda Aadanaha | Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo Soomaalida ugu baaqay inay qaataan sinaanta iyo takoor la'aanta

Iyadoo la xusayo Maalinta Xuquuqul Insaanka ee sanadkan, oo ku beegan10-ka December, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa ugu baaqay Soomaalida inay u midoobaan ilaalinta mabaadi'da sinnaanta iyo takoor la'aanta oo ay ku dhantahay dhammaan dhinacyada nolosha.

“Sinnaantu waa udub dhexaadka qodobka 1-aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka: Dhammaan bini’aadamku waxay dhasheen iyagoo xor ah oo ka siman xagga sharafta iyo xuquuqda. Sidoo kale sinnaanta waxaa lagu qeexay Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya iyo heshiisyada caalami ah oo badan oo ay Soomaaliya saxiixday,” ayuu yiri Mr. Swan.

“In la hubiyo in mabaadi’da sinnaanta iyo takoor la’aanta ay safka hore kaga jiraan, waxay gacan ka geysan doontaa in meesha laga saaro takoorka ay wajahayaan dadka laga tirada badan yahay iyo beelaha la hayb sooco ee Soomaaliya, sida dadka naafada ah iyo kuwa gudaha ku barakacay, waxayna u oggolaanaysaa dadka inay si buuxda uga qaybqaataan go’aan ka gaarista arrimaha saamaynaya noloshooda iyo mustaqbalkooda,” ayuu raaciyay.

https://unsom.unmissions.org/human-rights-day-un-calls-upon-somalis-embrace-equality-and-non-discrimination-all-aspects-life