Saaxiibada Soomaaliya ee Caalamka oo soo dhoweeyay iskusoo dhowaanshaha Soomaaliya iyo Kenya

16 Nov 2019

Saaxiibada Soomaaliya ee Caalamka oo soo dhoweeyay iskusoo dhowaanshaha Soomaaliya iyo Kenya

Muqdisho – Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ee hoos ku xusan* ayaa soo dhoweeyay qodobada ay ku heshiiyeen Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed, iyo Madaxweynaha Kenya, Mudane Uhuru Kenyatta, kadib shir ay ku yeesheen magaalada Nairobi 14kii Nofembar, arrintaas oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya labada dal.

Waxaan bogaadineynaa dadaalka shaqsiyadeed ee labada Madaxweyne ku bixiyeen sidii loo hagaajin lahaa xiriirka ka dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.  Waxaan garwaaqsannahay qiimaha uu leeyahay xiriirka faa’iido isweydaarsiga ah ee Soomaaliya kala dhexeeyo [dalalka] deriskeeda ah, xiriirkaas oo barwaaqo u horseedaya dadyowgooda, isla markaana saameyn wanaagsan ku yeelanaya amniga iyo horumarka guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Waxaan ka dhur-sugeynaa hirgelinta qodobada ay ku heshiiyeen labada Madaxweyne Dowladeed si loo sii xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

*****

* – Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), BelgiumDenmark, Dowladda Masar, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD (IGAD), Talyaaniga, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Sweden, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Dowladda Mareykanka.