Sayid-Cali Cabdullaahi Salaad: U halgame xuquuqda dadka naafada ah

2 Dec 2018

Sayid-Cali Cabdullaahi Salaad: U halgame xuquuqda dadka naafada ah

Sayid-Cali Cabdullaahi Salaad wuxuu si cad ah u xusuustaa maalintii mustaqbalkiisa saameynta xun ku reebtay ee xilligii dagaalka sokeeye ee ka jiray Soomaaliya -sanadkii 1997 – uu marayey halkii ugu darnayd, xilligaas oo noloshiisa uu soo wajahay isbaddal aan waligiis ka harayn - kulan ay xal ugu raadinayeen muran u muuqday inuu yahay mid iska caadi ah ayaa isku baddalay gacan-ka-hadal ku sigtay inuu galaafto nolosha dhexdhexaadiyaha nabadeed ee sida iskaa-ah ku shaqeynayay.

Isagoo la socday xubno kale oo nabadda u ololeeya, Sayid-Cali, oo xilligaas ahaa arday wax ka barta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, waxay odayaal dhaqameed u weheliyeen Degmada Wadajir ee Caasimadda Muqdisho si ay gacan uga gaystaan dhexdhexaadinta labo qabiil oo colaad ay u dhaxeysay. Waxay ku rajo weynaayeen natiijo wax-ku-ool ah, hase yeeshee xilli waanwaantu meel dhexe mareysay, xiisad ayaa si kadis ah cirka isku shareertay.

“Xaalku wuxuu ku dhammaaday fawdo. Mid ka mid ah kooxihii ayaa rabsho kiciyey waxayna fureen rasaas. Xabbadihii ugu horreeyey ee la riday ayaa iiga dhacay lugta midig iyagoo burburiyey lafta,” ayuu dib u xusuustay Sayid-Cali, oo haatan 41-jir ah.

Si xun ayuu ugu dhaawacmay weerarka. Saaxiibbadiis waxay nasiib u yeesheen inay ka gabbadaan rasaastii la riday waxna kuma aanay noqon.

“Waxay u kala carareen goobo nabdoon, balse anigu ma nasiib badnayn. Isla markii ay rasaastu igu dhacday, waan miyirbeelay, waxaana dib u soo miyirsaday anigoo ku jira isbitaalka, halkaas oo ay saaxiibbadey iila carareen,” ayuu raaciyey Sayid-Cali.

Waxaa noloshiisii badbaadiyey gargaar caafimaad oo deg-deg ah oo loogu sameeyey Isbitaalka Banaadir, halkaas oo saaxiibbadii Sayid-Cali ee dhexdhexaadiyayaasha ahaa ay ula carareen si loogu daweeyo. Hase  yeeshee, waxaa la gooyay lugtiisa.

 La Nool Naafanimo

“Dhaawaca la ii gaystay wuxuu igu noqday musiibo labanlaab ah. Waan sii wadan kari waayay waxbarashadaydii kaddib dhacdada,” ayuu yiri ardaygii hore ee baran jiray cilmiga xannaanada xoolaha.

Isla markii laga saaray isbitaalka, Sayid-Cali waxaa soo wajahday xaalad xannuun badan oo la xiriirta sidii uu ula tacaali lahaa naafanimo aan noloshiisa oo idil ka hari doonin oo uu ku qaadanayo dal ay rabshaduhu burburiyeen.

“Waxaan dareemay oo si shakhsi ah ii saameeyey dareenka diidmada iyo ceebeynta leh ee lala xiriiriyo naafanimada iyo dhaqan-xumada lagula kaco dadka naafada ah,” ayuu xusuustay.

Sanado badan, Sayid-Cali wuxuu u adkaystay nolol go’doon ah. Saaxiibbadiis way cidleeyeen. Dadka cusub ee ay is-bartaan way ku jeesjeesi jireen waxayna ugu yeeri jireen ‘Lugey’ ama ‘Jiis’, oo ah cay qayaxan oo afka Soomaaliga ku micno ah ‘ninka dhutiya’ ama ninka halka lug kaliya leh.

Isagoo ku tiirsan kaliya taageerada uu ka helo qoyskiisa, Sayid-Cali dib ayuu u dhisay noloshiisa wuxuuna noloshiisa ku mashquuliyey ganacsi yar oo tafaariiq ah oo uu sameystay. Si tartiib-tartiib ah ayuu dib u soo dhisay go’aankii uu ku qaaday inuu ka caawiyo dadka sidii ay colaadaha uga guuleysan lahaayeen, u heli lahaayeen waxyaabo mideeya una wada noolaan lahaayeen si wadajir ah isla markaasna nabad ah.  Muddadii uu hawshan ku jiray, wuxuu noqday qof noloshiisa u huray u halgamidda xuquuqda dadka naafada ah.

Awood-siin

“Waxaan billaabay inaan u ololeeyo xuquuqda dadka naafada ah anigoo ka hadli jiray kulamada dhallinyarada, munaasabadaha isboortiga iyo isku imaatinnada kale,” ayuu yiri Sayid-Cali.

Sanadkii 2012, wuxuu qayb ka aasaasaay Golaha Naafada Qaranka Soomaaliyeed, waxaana muddo kaddib loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha ururka. Wuxuu golaha u adeegsaday sida fursad uu ku dalbado sharciyeynta qawaaniinta khuseysa naafada si loo ilaaliyo danaha dadka naafada ah.

“Dadka naafada ah waxay leeyihiin xuquuq la mid ah sida qof kasta oo kale. Ujeeddaydu waa inaan ka caawiyo inay ka faa’iidaystaan xuquuqahaasi, si la mid ah dadka naafada ah ee ku nool adduunka intiisa kale,” ayuu yiri u dhaqdhaqaahan arrimaha naafada.

Maadaama aanay jirin tira-koob sax iyo macluumaad, khubarradu waxay ku qiyaasaan in tirada dadka naafada ah ee ku nool Soomaaliya ay ka badan tahay isku celceliska caalamiga ah ee ah in dadku naafadu ay 15 boqolkiiba ka yihiin dadweynaha, waxaana arrintan loo aaneynayaa colaadda dabadheeraatay ee dalka ka jirta. Boqollaalkan kun ee dad ee Soomaaliyeed, waxaa muhiim u ah inay helaan daryeel caafimaad oo ku filan, agab, waxbarasho, ka qaybgalinta bulshada iyo inay helaan fursado.

Xaqaa’iqan waxay sii xoojiyeen farriintii uu Sayid-Cali ka jeediyey isku imaatinkii dhowaa ee ka dhacay Muqdisho halkaas oo wakiillada bulshada rayidka ah ay kaga qaybgaleen shirka qaran ee wadatashiga ah ee looga hadlayay sameynta Dastuur cusub oo rasmi ah iyo abaabulidda doorashooyin qof iyo cod ah ee lagu wado inay dhacaan 2020.

Haddii xuquuqaha, fikradaha iyo baahiyaha dadka naafada ah aan wax laga qaban inta lagu gudo jiro geeddisocodka dib loogu eegayo dastuurka, wuxuu sheegay in dadaallada la doonayo in lagu xaqiijiyo fayoqabkooda ay noqon doonaan kuwo lagu tuntay.

Waa u daw Soomaaliya inay u dabbaaldegato horumarrada muhiimka ah ee laga sameeyey awood-siinta dadka naafada ah. Bishii Oktoobar ee sanadkan, wuxuu dalka ansixiyey Xeerka Axdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Dadka Naafada ah, oo ah heshiis caalami ah oo xaqiijinaya in dhammaaan dadka naafada ah ay ka faa’iidaystaan xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah iyo xorriyadaha aasaasiga ah.

Wax yar kaddib, Baarlamaaanka Federaalka ayaa si aqlabiyad leh u meelmariyey xeerka lagu sameeyey Hay’adda Naafadda, oo Golaha Naafada Qaranka Soomaaliyeed uu u ololeyn jiray helitaankeeda. Sayid-Cali wuxuu ku kalsoon yahay in isla marka uu Madaxweynaha ansixiyo, in xeerka cusub ee hor-u-socodka ahi xaqiijin doono in xuquuqda iyo baahiyaha dadka naafada ah la gaari doono sida metelaadda siyaasadda, helitaanka kaabayaal dadweyne oo ku filan, caafimaad, waxbarasho iyo shaqo.

Tan iyo sanadkii 1992, Maalinta Qaramada Midoobay ee Dadka Naafada ah waxaa la soo xusayay 3-da Disembar sanad kasta. Hal-ku-dhegga sanadkan waa “Awood-siinta Dadka Naafada ah iyo Xaqiijinta Ka Qaybgalinta iyo Sinnaanta,” wuxuuna diiradda saarayaa ku wajihinta dareenka caalamka baahida loo qabo awood siinta dadka naafada ah si loo gaaro horumar waara oo loo dhan yahay, loona simman yahay sida ku qorshaysan Ajandaha 2030 ee Horumarka Waaraya. Isagoo wacad ku maraya “inaysan cidina ka maqnaan,” Ajandaha 2030 wuxuu aqoonsan yahay sharafta uu shakhsigu leeyahay iyo sinnaanta loo leeyahay dhammaan mabaadi’da aasaasiga ah ee shaqada Qaramada Midoobay ee ku aaddan horumarka, xuquuqda aadanaha, iyo nabadda iyo amniga.