Shirkii Teknoolajiyadda Muqdisho oo soo xirmay iyada oo ay kumanaan ka soo qayb galeen laguna ballan qaaday malaayiin doolar oo taageero ah

22 Nov 2019

Shirkii Teknoolajiyadda Muqdisho oo soo xirmay iyada oo ay kumanaan ka soo qayb galeen laguna ballan qaaday malaayiin doolar oo taageero ah

Mogadishu, 21 November 2019 – Shirkii Teknoolajiyadda Muqdisho ayaa maanta soo xirmay xilli ay Dowladda iyo Qaramada Midoobe huwiyeen ammaan una ballan qaadeen aduun gaaraya Malaayiin Doolar oo lagu taageerayo sare u qaadidda Teknoolajiyadda Soomaaliya.

“Sida aad ka war qabtaan, Soomaaliya waxa a haysta caqabado ammaan iyo mid deegaan. Ka faa’iideysashada hal abuurka Sayniska iyo Teknoolajiyadda ee dhallinyaradeena waa fursadda ugu wanaagsan ee aynu haysanno si aan uga gudubno caqabadahaas,” waxaa sidaas yiri Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Jamaal Xassan oo kelmad ka jeedinayey shirka.

Wasiirka waxa uu ku baaqay in tageero dheeri ah loo muujiyo sare u qaadidda Teknoolajiyadda iyo hal abuurka.  Waxa ay ahayd aragti ay la qabeen hadal jeediyeyaashii kale oo ay ka mid ahaayeen; Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga Martines, xiriiriyaha barnaamijka Horumarinta UN-ta ee Soomaliya Jocelyn Mason, Safiirka Sweden ee Soomaaliya Jocelyn Mason iyo Safiir ku xigeenka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya  Brian Neubert.

In ka badan 5000 ayaa ka soo qeybgalay Shirka Teknoolajiyadda Soomaaliya sanadkan. Shirkan saddexda maalin socday ee sanadlaha ah ayaa ahaa kii labaad oo noociisa ah ayaa mar kale kulmiyey Soomaaliya qeybta ka ah Teknoolajiyadda iyo mas’uuliyiin matalayey dowladda, hay’adaha UNta, saaxiibada beesha Caalamka, maalgaliyeyaal iyo hay’adaha dhaqaalaha – kuwaas oo qaar ka mid ah ayey ballan qaadeen Malaayiin Doolar oo taageero ah.

Sanadkan, Salaam Bank waxa ay ballan qaaday 5 Milyan oo Doollar oo ay ugu talo gashay saddexda sano ee soo socota si loogu taageero hal abuureyaasha iyo curiyeyaasha ganacsi iyada oo dhaqaalahaas la marinayo iRise Hub oo ah xaruntii ugu horreeysay oo ka shaqeysa hal abuurka Teknoolajiyadda ee Soomaaliya taas oo xoojisa wada shaqeynta hal abuurada iyo maalgaliyeyaasha, iyada oo sidoo kale bixisa agabka ay u baahan yihiin curiayeyaasha ganacsi iyo ganacsatada yar yar ee bilowga ah, sida tababbar ganacsi, dhisidda maskaxdooda, qiimeynta mashaariicda iyo in taageero loo fidiyo inta ay ku jiraan heererka bilowga ah ee mashruucyada. Sanadkii hore Premier Bank waxa ay $1 Milyan galisay Shirka Teknoolajiyadda taas oo rubuc ka mid ah durba la galiyey hal abuurada iyo curiyeyaasha ganacsi ee yar yar.

 “Ujeedka ugu weyn ee aan u qaban qaabinnay Shirka Teknoolajiyadda Muqdisho waa in aan isu keenno hal abuurada, curiyeyaasha ganacsi, u dhaqdhaqaaqayaasha bulsho, dhallinyrada guud ahaan Soomaaliya iyo qurbaha si ay u wadagaan waaya aragnimadooda iyo sida ay u xallin karaan caqabadaha ay Soomaaliya wajahayso iyada oo loo marayo curin ganacsi iyo hal abuur bulsho,” waxaa sidaas yiri Awil Cismaan oo ah Maareeyaha Guud ee iRise taas oo qaban qaabisay Shirka Teknoolajiyadda Muqdisho.

Xiriirka  SDGs

Kelmed jeedintiisii, Mr. Mason oo matalayey UNDP ayaa ku xiray barnaamijka 17-ka Yool ee Horumarka Waara (SDGS) kuwaas oo ay yihiin qorshe wadaag marka ay timaado nabadda, barwaaqada bulshada iyo aduunka waxa uu sheegay in ay yihiin qalbiga ajandaha 2030-ka ee Horumarka Waara.

“Shirka fursad wanaagsan ayuu u yahay Soomaaliya, Dadka Soomaaliya, gaar ahaan dhallinyarada in ay ka doodaan mustaqbalka dalkooda oo ay qiimeeyaan qaababkii ay uga hortagi lahaayeen qodobo ay ka mid yihiin is bedelka cimilada, sugnaanta biyaha iyo ugu dambeyn ay u gaari lahaayeen yoolasha horumarka waara iyaga oo u maraya hal abuurka iyo Teknoolajiyadda,” yiri.

Avis Mulhall, oo ka socday UNDP’s Somalia Accelerator Lab –oo ah mid ka mid ah 60 ka ka hawlgala 78-da Wadan iyaga oo la shaqeeya dalalka iyo saaxiibada Caalamka si loo helo qaabab cusub oo loo wajihi karo caqabadaha ku hor gudban horumarka – ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay mustaqbal ifaya taas oo looga mahadcelinayo yididiilada ay muujiyeen hal abuurada.

“Barnaamij ballaaran ayaa ka dhex jira hay’adaha aan dowliga ahayn, kuwa gaarka loo leeyahay, ganacsiga, kuwaas oo raba bulsho Teknoolaji oo guuleysta oo ka jira Soomaaliya iyo gaar ahaan Muqdisho. Runtii aad ayaan ugu faraxsannahay in UNDP ay halkan u joogto taageerada dhallinyarada iyo in hore loo dhaqaajiyo ajandeyaasha Teknoolaji iyo hal abuur,” ayey tiri Ms. Mulhall.

Hal abuuradii la soo bandhigay

40 hal abuuriyaal da’yar ah ayaa soo bandhigay hal abuurkooda Teknoolaji. Waxaa laga xusi karaa barnaamij dhiigga lagu deeqo oo loo bixiyey ‘Hibeeyo’, kaas oo barnaamij ahaan lagala soo dagi karo Teleefanka gacanta.

Cabdullahi Calas iyo saaxiibadiis waxaa ku dhiirigaliyey sameynta barnaamijka kaddib weerarkii arxan darada ahaa ee 14kii Oktoobar ee 2017 ka dhacay Muqdisho kuna dilay ugu yaraan dad gaaraya 587 kaas oo lagu tilmaamay in uu ahaa weerarkii  ugu dhimashada badnaa ee Africa ka dhaca oo loo adeegsaday waxlaha qarxa. Boqolaal kale ayaa ku dhaawacmay.

“Waxaa caddeyd in dadka aysan markaas haysan dhiig lagu shubo, ama kayd dhiig. Markaa waxaan la nimi aragti ah in aan sameyno barnaamij aan kula xiriiri karno dadka raba in ay dhiig u hibeeyaan dadka baahida u qaba,” ayuu yiri Calas, kaas oo sharraxay in barnaamijka hadda laga isticmaalo Muqdisho.

Hase ahaatee, koox wada gabdho ahaa oo soo saara agabka la’isku qurxiyo ayaa noqday ku guuleysteyaashii hal abuurkii ugu wanaagsanaa ee Shirka. Ganacsigooda oo loo yaqaan Sadra Beauty Company waxa uu adeegsadaa agabka gudaha lagu sameeyo si ay uga sameeyaan kareem, salliida timaha iyo jirka iyo rooseetada.

“Waxaan soo saarnaa kareem noocyo kala duwan ah. Waxaa ka mid ah mid aan ka sameynay isku darka Avocada-da iyo Cactus iyo mid laga sameeyey Karootada. Waxaan sidoo kale soo saarnaa rooseetada bishimada oo aan ka sameyno waxyaabaha dabiiciga ah, taas oo ay ragga iyo haweenkaba isticmaali karaan,” ayey tiri Ifrah Isse Maxamed oo ah wax ka aas aastay shirkadda.