Siyaasad ayaa badbaadin karta Soomaaliya: Waxaa qoray Nicholas Kay

10 Oct 2014

Siyaasad ayaa badbaadin karta Soomaaliya: Waxaa qoray Nicholas Kay

Marka aad ka howlgeleysid Muqdisho, wey fududahay in aad ku fekertid in aduunku u baahanyahay in uu wax ka barto (ka faa’iideysto) Soomaaliya. Ayada oo dhibaatada beni’aadamnimo ay si ba’an ugusii kordheyso Ukraine, Suuriya, Ciraaq, Gaza, Liibya, Koonfurta Suudaan iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, ayaa Soomaaliya waxay u muuqataa mid si isa soo tareeyso xasilooni iyo rajo uga muuqato. Arrintaasi ma dhalanteed baa? Mise waxaa jiro asbaab xaqiiqo ah oo ku rajo gelinayo oo xataa keenayo in casharro laga qaato?

Jawaabteydu waa mid xoogan waana “haa”. Laga yaabee in dadka qaarkiis ay dhahaan ninkaan waa qof xirfadle ah – aan soo dabceynin – dhinaca wanaagsanna wax ka arkaayo. Laakiin aniga keligay kuma ihi aragtidaas. Usbuucaan gudihiisa, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu New York shir ugu qaban doonaa madaxda dhowr wadan oo tiradooda soo kordheyso (oo caawiya Soomaaliya) kuwaa oo sanadihii u dambeeyay dadaalkoodu ka dhashay in malaayiin Soomaali ah ay is tusiyaan in mudadii kabadnayd labaatanka sanno ee colaadda rajo beelka ah lagu jiray ay soo idlaatay.

Yaa badbaadinaayo Somaaliya?

Marka hore, dadka Soomaaliyeed nafsad ahaantooda ayaa qoraayo cutubkan cusub kana qoraayo taariikhda qasan ee wadankooda. Xalkoodu wuxuu ku jiraa siyaasad – qof kasta oo Soomali ah wuxuu is waafajinayaa dhaqanka soo jireenka ah iyo habka casriga ah. (Walow ay saas tahay) Bulshada Caalamka – marki si guud loo fiiriyo– waxay dowr weyn ka cayaareysaa guusha soo ifeyso. Ciidamada Midowga Afrika ayaa sii wado ballaarinta amniga iyo awoodda dowladda oo lagu fidinaayo guud ahaan Soomaaliya. Ayaga oo si wadajir ah ula howlgelayo ciidamada Soomaalida, AMISOM waxay kooxada xagjirka ah ee Al-shabaab ka saartay magaalooyin muhiim ah. Waxaaba suurto gal ah in waqti dhow la arko in kooxda argagixisada ah tabartoodu ay kusoo koobanto oo kaliya in ay noqdaan koox dhuumaaleysato ah kana cararaayo goobihii ay isku qarinayeen, dhexdoodana ka dagaalsan. (Marka aan saas leenahay), yaanay arrintu shaki naga gelin. Argagixisnimadu ma aha wax habeen qura ku dhamaanaayo, ama lagu dhameyn karo, tallaabo military, (xataa hadii ciidamadaasu ay yihiin kuwo geesiyaal ah ama leh xirfad sare) – tallaabo military oo kaliya laguma keeni karo nabad waarto.

Marka u dambeeyso, nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya waxay ku xirantahay xal siyaasadeed. Dadka Soomaaliyeed waxay wajahayaan caqabadahaas aan soo sheegnay, waxayna hadda dharaan-dhirinayaan siyaasad cusub. Waxay go’aansadeen in xasilooni ku soo dabbaalidda Soomaaliya aanay ku xirneyn saacadda oo dib loo celiyo lana geeyo sidii ay Soomaaliya ahaan jirtay ka hor 1991-dii burburka ka hor. Laakiin dadka Soomaaliyeed waxay hadda doorteen nidaam cusub oo siyaasadeed: kaas oo ah habka federaalka, kaas oo aan ahayn hab-dowladeedkii halka meel laga maamuli jiray, habkaan cusub ee hadda la qaatay waa hab ku qotoma nidaamka demoqoraadiyadda mana ah mid hal qof uu iska xukumo. Maxaa loo qaatay habka federaalka? Xaqiiqda siyaasadeed ee maanta ka jirto Soomaaliya waxay tahay in awoodda, siyaasadda, ciidanka iyo dhaqaalaha dalka ay maanta ku baahsanyihiin dhamaan gobollada. Sidaas darteed, heshiis dadku ay wada gaaraan, kuna wadaagaan laguna baahiyo awoodda ayaa ah wadada kaliya ee maanta dhab ahaan u furan.

Soomaaliya waxay u baahantahay siyaasad cusub

Federalism-ka ma ahan fikrad la fahmi la’yahay. Waa nidaam awoodaha dowladda loogu dhoweynaayo dadka. Dadka Soomaaliyeed ma aanay arag, muddo ka badan labaatan sano, dowlad u qabaneyso adeega bulshada soona celineyso sharciga iyo kala dambeynta. Dadka intiisa badan, Muqdisho waxay u arkaan in ay tahay meel fog kuna taal dhul ajnabi, wax ay xamar ka heleenna ma jiraan, mana ahan meel dantooda laga wado, mustaqbalkana wax dan ah oo ay ka leeyihiin ma jiraan. Dowlad goboleedyadana in ay maamul federal ah la sameeystaan (Muqdisho) – dadku uma arkaan dawadii daweyn lahayd cudur kasto oo iyaga hayey. Dhibaatooyin ama caqabado badan ayaa jiro: in lala gaaro xal loo wada dhanyahay dhamaan qabaa’ilka iyo kooxaha ku nool meel gaar ah oo maid ah dalka, waa waddo aad u dheer oo dhib badan. Waxaa dagaal xoog leh ka taaganyahay tartanka loogu jiro awoodda iyo kheyraadka dalka. Mana jirto cid dooneyso in ay sameeyso tanaasul: sidaas darteed, waa in Dowladda Federaalka laga kaalmeeyaa sidii ay ku dhisi lahayd awoodeeda wax qabad kuna gudan lahayd mas’uuliyadda ka saaran dalka.

Maadaama ay soo if baxayso sida ay u ekaaneyso khariidadda ku dhisan habka federaalka ee Soomaaliya, dowlad goboleedyana ay kasoo dhalanayaan gobolada koonfureed, koonfur galbeed iyo gobolada dhexeba, waxaa sii xoogeysan doono dadaalka iyo gorogortanka siyaasadeed ee dadka ka dhexeeyo. Laakiin waxaa aad u hooseeyo is-aaminaadda iyo kalsoonida ka dhexeeyo dadka jilaayo siyaasadda. Maadaama muddo badan ay jirtay dowlad la’aan, qabiilki ayaa si weyn uga soo dhex muuqday arrimaha siyaasadeed iyo amni ee dadka. Waxaana miisaan weyn yeeshay codka oday dhaqameedyada. Sidaas darteed, oday dhaqameedyadu waxay gacan ka geysan karaan sidi daku u fahmi lahaa in xal loo wada dhanyahay uu yahay kan kaliya ee dadka anfacaayo, ayna arrintu ahayn in qofki guuleeysto uu “wax waliba wada qaato”, mana ahan sidaas.

Hadaba habkaan siyaasadeed ee xaraaradda leh gudihiisa, waa maxay dowrka Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamkuba ay ka qaadan karaan?

Dhab ahaanti annaga waxaan sameeynaynaa laba arrimood: waxaan kaalmo toos ah siineynaa geedi socodka siyaasadeed ee ay gar-wadeenka ka yihiin dadka Soomaaliyeed, annaguna (Bulshada Caalamka iyo QM) waxaan u wada howl-geleynaa si wadajir ah si aan u abuurno xaaladihi suurto gelin lahaa qabsoomidda doorashada 2016. Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) iyo ciidamada AMISOM ayaa sameynaayo wixii fududeyn lahaa iyo cududii looga baahnaan lahaa wadanka gudihiisa. In la sameeyo Soomaaliya oo ku dhisan nidaam federaal ah, lana dhameys tiro dastuurka kadibna loo codeeyo dastuurka, kadibna la qabto doorasho 2016-ka, ma ahan arrin dheceyso hadii aan horumar isasoo taraayo aan laga gaarin arrimaha amniga, haweenkana aan loo ogolaanin in ay dowr weyn ka qaataan, hay’adaha dowliga ahna aan loo ogolaanin in ay koraan, lana xurmeynin sharciga iyo kala dambeynta, dibna aan loosoo nooleyn arrimaha dhaqaalaha dadka iyo nolol maalmeedkooda. Dhamaan dhinacyada aan soo sheegnay waxaa ka jiro caqabado waaweeyn, sidoo kalena waxaa jiro horumar weyn.

Marka aad Soomaaliya ka joogtid meel fog, Soomaaliya waxay kuula muuqaneysaa meel laga cabsado – meel khatar ah oo aan ku haboonayn in ay aadaan dad ka socdo Bulshada Caalamka, laakiin arrintaasi si dhakhso ah ayay isku bedeleysaa hadda. Dadku way yaabaan marka ay maqlaan in dad tiradoodu gaarayso 1,300 ay u shaqeynayaan Qaramada Midoobay, kana shaqeeyaan dhamaan Soomaaliya. Laba boqol oo kamid ah dadkaas waa shaqaale caalami ah kana shaqeeyo Xamar. Annagu waxaan halkaan u joognaa in aan wax caawinno, waxaana joogeynaa ilaa iyo inta naloo baahanyahay. Kaligeen kuma nihin wadanka oo waxaa kamid ah dadkaas Midowga Yurub, IGAD, Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka, UK, China, Turkey, UAE, USA, Ethiopia iyo in kale oo ka badan.

Sannadka 2016 waaba soo dhowyahay

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweyneheeda, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa ka go’an in doorashooyin ka dhacaan Soomaaliya oo si dhab ah u noqotay federaal sannadka 2016. Aragtidooda waa mid lagu qanco. Ka-Qaramada Midoobay ahaan, intii karaankeyna ah waan caawineynaa. Laakiin marka ugu dambeyso, furaha guusha wuxuu ku jiraa gacmaha dadka Soomaaliyeed, wuxuuna si isasoo tareyso ugu jiraa gacmaha xubnaha baarlamaanka. Goorta ay shaqada dib u bilaabayaan bisha September, xubnaha baarlamaaku waxay ka shaqeyn doonaan meel marinta sharciyo muhiim ah si ay ugu suurto geliyaan dalka in uu horey u socdo iyo in dalku ku raaxeysto mustaqbal xasilooni ku dheehanyahay. Ma suurto geleyso in la helo nidaam federaal ah, afti dadweyne ama ay doorasho qabsoonto hadii aan la helin sharciyadii lagu dhisi lahaa Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashada heer Qaran iyo Gudiga Xuduudaha iyo Arrimaha Federaalka. Waqtigaan waa waqtigii kala dambeyn ballaaran iyo midnimo qaran loosoo jeesan lahaa. Soomaalida iyo saaxiibadooda caalamka waxay rajo weyn ka qabaan (howlaha socdo). Tani waa farriin cad oo ay soo gudbiyeen xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay markii ay booqashadi taariikhiga ahayd ku yimaadeen Muqdisho bishii Agosto. Farriintaasi ma haboona in aan dhego loo yeelanin. Soomaalidu waxaa kaliya ay dhadhansan karaan nabadda marka ay ku timaado xal siyaasadeed. Siyaasiyiinta Soomaaliyeed waa in ay waqtigan noqdaan nabad dhisayaal.