Soomaaliya oo ay soo gaartay qeybtii kowaad ee tallaalka COVID-19 oo ay ka heshay xarunta COVAX

15 Mar 2021

Soomaaliya oo ay soo gaartay qeybtii kowaad ee tallaalka COVID-19 oo ay ka heshay xarunta COVAX

Mogadishu – Soomaaliya waxa ay ku biirtay liiska sii kordhaya ee wadamada helay tallaalka COVID-19, kaas oo ay bixiso xarunta COVAX, loogana golleeyahay in lagu xaqiijiyo in dhammaan wadamada ay si cadaallad ah oo siman fursad ugu helaan xalkan looga adkaanayo cudurka safmarka ah.

Waxaa gellinkii hore ee maanta garoonka Caalamiga ah ee Diyaaradaha, Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho soo gaaray 300,000 oo doos oo ah tallaalka Oxford-AstraZeneca waxaana la wareegay mas’uuliyiin sarsare oo ka socday Wasaaradda Caafimaadka ee Federalka iyo Ha’yadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha  Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa ku amaanay mas’uuliyiinta Soomaaliya dadaaladka joogtada ah ee ay ugu jiraan la dagaalanka cudurka COVID-19 waxa uuna ballan qaaday in hay’adda QM ay sii wadi doonto taageeradeeda la xiriirta ol’olaha dalka oo dhan looga hirgalinayo tallaalka si loo xakameeyo faafitaanka cudurka safmarka ah.

“Waxaan ku ammaanayaa Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah dadaallada ay sanadkii tagay ku bixiyeen la dagaallanka cudurka safmarka ah iyada oo loo marayo dhinaca waxbarashada, tallaabooyinka kahortagga iyo horumarinta adeegga caafimaadka,” waxaa sidaas yiri Mudane Swan.

Qeybta kowaad ee tallaalka waxaa lagu bartilmaameedsan doonaa, sida ay ku talisay Guddiga Qaranka ee COVID-19  shaqaalaha safka hore ee dalka, dadka waaweyn iyo dadka qaba xanuunada daran, si loo yareeyo dhimashada iyo xanuunada uu sababo COVID-19.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federalka Soomaaliya, Dr. Fowziya Abikar Nuur, waxa ay xustay in tallaaku uu yahay mid waxtar u leh joojinta faafintaanka COVID-19, waxa ayna ballan qaaday in tallaalku gaari doono dadka loogu talagalay in ay ka faa’iideystaan.

"Kaddib dedaal badan, waxa aan ku guuleysannay in aan helno qeybtii ugu horreysay ee tallaalka, waxaana rejeyneynaa in aan heli doonno wax badan.” ayey tiri Dr. Fawziya Abiikar.

"Waxa aan jeclaan lahaa in aan uga mahadceliyo dhammaan saaxiibbada Qaramada Midoobay shaqadii baaxadda lahayd ee ay la qabteen Wasaaradda Caafimaadka ee Federaalka iyo Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. "

Hal sano kaddib: Rejada laga qabo la dagaallanka COVID-19

Tallaalkii ugu horreeyay ayaa Soomaaliya soo gaaray sannad kaddib markii ay Soomaaliya ogaatay kiiskeedii ugu horreeyay ee COVID-19, bishii Maarso 2020. Ilaa hadda, waddanku waxa uu diiwaan geliyey 8,946 oo kiis oo la xaqiijiyey oo COVID-19 ah, oo ay 349 kamid ahi u dhinteen.

Guud ahaan, Soomaaliya waxa ay ka heshay tallaal ku filan COVAX, oo ay ku  tallaalleyso ugu yaraan 20 boqolkiiba dadkeeda, siyaabo kala duwan. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hadda qiimeyn ku sameynaysa qaababka lagu  tallaali karo dad badan.

Wasaaradda Caafimaadku waxa ay ku dhisi doontaa khibradeeda ballaaran ee ay u leedahay sameynta wacyigelin baahsan oo tallaalka ku aaddan, waxa ay sidoo kale, wacyigelin doontaa dadweynaha si ay u hesho taageeradooda iyo wacyigelin ku saabsan qiimaha iyo waxtarka tallaalku leeyahay, iyo adeegsiga nidaamyada isgaarsiinta, si loogu qeybiyo tallaallada.

Waxaa la diri doonaa abaabuleyaasha bulshada si loo dhiirrigeliyo isticmaalka tallaalka COVID-19. In kasta oo la og yahay in tallaalladu ay gacan ka geysteen yareynta faafitaanka cudurka coronavirus, haddana sidoo kale, waa muhiim in la xoojiyo tallaabooyinka ka hortagga ah.

"Waxaan ku dhiirrigelinaynaa dadka in ay qaataan tallaalka, ”ayuu yiri Mr. Swan. “Waxa aan ku dhiirrigelinaynaa dadka in ay sii joogteeyaan dhammaan tallaabooyinka ka hortagga ah - gacmo-dhaqashada, xirashada maaskaraha iyo kala fogaanshaha. COVID weli waa khatar weyn. Waxa aan u baahannahay in aan feejignaano. Tallaalku waa caawin, laakiin ma aha xalka keliya. ”

Hindisaha COVAX waxaa taageera Global Alliance for Vaccines and Immunisation (GAVI), Ururka Caafimaadka Adduunka, Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF) iyo Isbahaysiga Hal-abuurka Diyaargarowga Cudurrada (CEPI).