Soomaaliya waxaa ay u baahantahay in loo sii joogteeyo caawinta caalamiga ah si looga hortago caqabadaha xuquuqda, sidaasi waxaa sheegay Khabiirka Qaramada Midoobay

25 Jul 2019

Soomaaliya waxaa ay u baahantahay in loo sii joogteeyo caawinta caalamiga ah si looga hortago caqabadaha xuquuqda, sidaasi waxaa sheegay Khabiirka Qaramada Midoobay

Geneva / Muqdisho - Beesha caalamku waa in ay sii wadaa in ay ka caawiyaan Soomaaliya sidii ay u xoojin lahayd hay’adaheeda dowliga ah, hanaankeeda cadaalada  iyo amaanka ka hor inta aan la gaarin doorashada soo socota, sidaasi waxaa yiri Bahame Tom Nyanduga, Khabiirka Qaramada Midoobay ee  Madaxbanaan.

“Soomaaliya waxaa ay horumar la taaban karo ka samaysay siyaasada, dhaqaalaha, arimaha bulshada iyo xuquuqda aadanaha lixdii bilood ee la soo dhaafay laakiin wali waxaa loo baahanyahay dadaal dheeri ah.” Ayuu yiri Nyanduga oo xiligaasi akhrinayay war-saxaafadeed uu soo saaray kadib booqashadii uu dalka ku yimid

“Waxaan ku boorinayaa beesha caalamka iyo dowlada Soomaaliya in ay wax ka qabtaan saamaynta xun ee isbadalka cimilada ay ku leedahay dadka islamarkaana ay xaqiijiyaan in ay dadku helaan adeegyada aasaasiga ah sida biyaha, caafimaadka iyo waxbarasho ay caruurta oo dhan iyo sigaar ah gabdhaha ka faaidaysataan

“Soomaaliya wali waxaa ay wajahaysaa caqabado kale oo badan oo ay kamid yihiin colaada sii socota, sinaan la’aanta, faquuqa, shaqo la’aanta dhalinyarada iyo in bixinta xuquuqaha dhaqaale, bulsho iyo dhaqan”  ayuu yiri Nyanduga

Khabiirkan madaxa banaan ayaa dadka Soomaaliyeed ku amaanay u adkeysigooda colaada, qaraxyada argagixisada, musiibooyinka dabiiciga ah xadgubka xuquuqda aadanaha iyo caqabadaha kale ee ay kamidka yihiin saboolnimada, helitaan la’aanta xuquuqyada asaasiga u ah noolashooda.

Waxaa uu sidoo kale dareen ka muujiyay dib u dhaca ka jira in la abuuro gudiga xuquuqda aadanaha iyo in aan horumar badan laga samaynin  sharciga xadgubyada jinsiga, “ Waxaan dowlada iyo baarlamaanka fadaraalka ah ku boorinayaa in ay ahmiyad buuxda siiyaan wax ka qabashada caqabadahan si loo xoojiyo badbaadinta xuquuda aadanaha ee dalka.” Ayuu yiri

Nyanduga waxaa uu soo dhaweeyay in xarumo badan oo si gaar ah loogu xaliyo khilaafka laga hirgaliyay Dowlad goboleedyo badan oo dalka ah kuwaas oo si muuqata door muhiim ah uga qaadanaya xalinta kiisaska maxaliga ah ee shacabka.

Khabiirkan madaxa banaan ayaa tilmaamay horumaro dhinacyo badan ah oo la sameeyay. Horumaradaasi waxaa kamid ah in ciidmada amaanka ee Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo xoogaga kale  ay dhul cusub la wareegeen. Khabiirka ayaa amaanay tirade haweenka ee xildhibaanada iyo wasiirada ah ee sii kordhaya asaga oo sheegay in arintaasi ay muujinayso ahmiyada ay leedahay in haweenka laga qeybgaliyo howlaha bulshada, nabada iyo dib u heshiisiinta, go’aamada la gaaro ee ayaga si toos ah u tabanaya.

Waxaa uu ku dooday in baarlamaanka fadaraalka ah ay ku daraan in sharciga doorshada hanaan lagu xaqiijinayo qoonadada haweenka, qabaailada laga tirada badanyahay iyo dadka kale ee taagta daran intii ay howshaan ku siidayn lahaayeen gudiga doorashada oo kali ah. Khabiirka ayaa sheegay in hadii aan sidaas la samaynin ay jiri karto khatar ah in la luminayo hormarkii arinkan laga sameeyay doorashadii 2016

Nyanduga ayaa sidoo kale soo dhaweeyay in Soomaaliya ay saxiixe ka noqoto axdiga dadka naafada ah.

Masuulkan ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimada ay leedahay in la dhowro xoriyada hadalka iyo fikirka saxaafada islamarkaana aan la dhaqamayn cagajugleyn, xarig sharci darro ah iyo cadaadin lagula kaco.

Khabiirka ayaa ku baaqay in la qaado talaabo  lagu ciribtirayo dhibaatooyinka baahsan ee qalaalsaha jinsiga, si gaar ah eedaymaha kufsi wadareedka dalka oo dhan ka dhaca . “ Hanaan garsoor iyo mid ciidan oo adag ayaa si xoog leh uga qeybqaadan kara ciribtirka shaqaaqooyinka jinsiga ee goobaha colaadaha.” Ayuu yiri Nyanduga

Waxaa uu sidoo kale ku dhiiri galiyay beesha caalamka in ay si gaar ah u eegto dhibaatooyinka biya yaraanta ee Soomaaliya taas oo si joogta ah u ahayd sabata colaadaha u dhaxeeya qabaailka. Waa in ay dowlada ka garab siiyaan sidii ay ugu heli lahayd xal waara. “Helida biyaha waxaa ay aasaasi u tahay noolasha waan xaquuq muhiim ah. Helida biyaha waxaa ay si buuxda muhiim ugu tahay nabada iyo dib u heshiisiinta qabaailka.” Ayuu dhahay Nyanduga

12kii maalmood ee uu joogay , Nyanduga waxaa uu booqday  magaalooyinka Muqdisho, Nairobi iyo Hargeysa waxaana uu wadahadalo la yeeshay masuuliyiin katirsan dowladda fadaraalka ah iyo Soomaliland, xubno matalayay qaramada midoobay, AMISOM, deeqbixiyeyaasha iyo bulshada rayidka ah.

Xogta uu helay khabiirka madaxa banaan ayaa waxaa lagu soo badhigi doonaa warbixin faahfaahsan oo ay soo saarayso Golaha xuquuqda aadanaha ee qaramada midoobay bisha September 2019.