Taageerada horumarka iyo doorka haweenka ayaa ka mid ahaa mowduucyada looga hadlay booqashada Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ee Qaramada Midoobay ee Hargeysa

previous next
25 Oct 2021

Taageerada horumarka iyo doorka haweenka ayaa ka mid ahaa mowduucyada looga hadlay booqashada Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ee Qaramada Midoobay ee Hargeysa

Hargeysa - Arrimo kala duwan, laga soo billaabo ka qaybgalka haweenka ee siyaasadda ilaa  xiriirka nabadda iyo horumarka, ayaa ka mid ahaa qodobbadii looga hadlay booqasho isbarasho ah oo qaadatay laba maalmood oo uu mas’uul sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ay ku tagtay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, taasoo maanta soo gabagabowday.
 
“Sababta aan u imid waxay ahayd inaan barto oo aan fahmo arrimaha ay Somaliland aaminsan tahay inay fure u yihiin horumarkeeda iyo inaan aragno sidii aan u sii wadi karno taageerada aan marsiinno bahwadaagteenna ka Qaramada Midoobay ahaan. Waxaan la kulmay qaybo badan oo reer Somaliland ah, oo ay ku jiraan ururrada bulshada rayidka ah, xisbiyada mucaaradka ah iyo wasiirro, waxaana sharaf ii aheyd in aan la kulmo Madaxweyne Muuse Biixi. Wadahadalladeennu waxay ahaayeen kuwo kala duwan sida dabiiciga ah,” ayay tiri Ku-xgeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho, gebagabada booqashadeeda.

"Waxaan wasiirrada kala hadlay kala duwanaanshaha halisaha ku gudban horumarka Somaliland, oo ay ka mid yihiin isdhexgalka bulshada, isbedelka cimilada, iyo shaqo la'aanta dhallinyarada," ayay ku dartay. "Madaxweynuhu waxa uu qudhiisa carrabka ku adkeeyay in horumar uu muhiim u ahaa – una yahay horumarka Somaliland."

Sarkaalka ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa Hargeysa ugu dambaysay toban sano ka hor, markaas oo ay mas’uuliyad kale ka heysay hay’adda caalamiga ah.

Masuuliyiints sare ee dawladda ee la kulmay, Marwo Gbeho ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga, Marwo Shukri Ismaaciil Maxamuud, iyo Wasiirka Shaqaaleysiinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, Mustafe Maxamuud Cali.

"Waxaan ka wada hadalnay isbedelka cimilada iyo saameynta uu isbedelka cimiladu ku leeyahay xasaradaha; iyo sida ay tani dhab ahaan u saamayso bulshooyinka. Tani waxay u muuqan kartaa mid ka fog wadahadallada heerka sare ah ee COP26 ee dhacaya toddobaadka soo socda, laakiin ku tartamidda cadaadiska hoos u dhigidda tirada biyaha iyo dhul-daaqsimeedka ayaa keenaya xaqiiqada isbeddelka cimilada ee nolosha dadka. Waxaan sidoo kale ka wada hadalnay isdhexgalka, iyo muhiimadda ay leedahay in la maqlo codadka haweenka, dhallinyarada, iyo dadka la haybsooco ee geeddi-socodka siyaasadda,” ayay tiri Marwo Gbeho. 

Waxyaabaha ay ka wada hadleen Wasiirada iyo Xisbiyada Siyaasadda ayaa waxaa ka mid ahaa Doorashadii dhowaantan ee Golaha Wakiillada Somaliland iyo sidii loo xoojin lahaa doorka Haweenka ee mustaqbalka. Halka aysan jirin haween ku guulaystay kursi, Ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa dhageystay fariimo ku saabsan muhiimadda in hadda la billaabo dedaallada u qareemidda ee u diyaargarowga doorashooyinka soo socda. Waxayna ka codsadeen Qaramada Midoobay inay taageero joogto ah ka siiso arrintan.

Wasiir Ali ayaa ka warbixiyey siyaasadaha iyo tallaabooyinka kale ee lagu xaqiijinayo in haweenka, carruurta, dhalinyarada iyo dadka naafada ah si wanaagsan loo ilaaliyo dhinacyada kala duwan ee nolosha. Waxa uu sidoo kale sharraxay dedaallada lagu doonayo in dib loogu habeeyo sharciyada shaqada ee hadda jira oo ay ku jiraan awoodsiinta haweenka si loo hagaajiyo shaqaalayntooda. 

Wakiillada ururrada haweenka, ayaa sidoo kale ku carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo taageerada awoodsiinta haweenka si loogu diyaar garoobo doorashooyinka soo socoda ee baarlaamaanka.

“Waxay nagula doodeen in Qaramada Midoobay ahaan aan taageerno dedaallada lagu xaqiijinaayo qoondada haweenka, marka ay timaado matalaadda baarlamaanka. Waxaan u baahannahay inaan hadda shaqada billowno si aan u hubinno in haweenku ay leeyihiin xirfadaha lagama maarmaanka ah si ay uga qaybqaataan oo ay si wax-ku-oolnimo ah ugu tartamaan geeddi-socodyada siyaasadda,” ayay tiri Marwo Gbeho.