UDHAN: Tababbar lagu qabtey dalka Uganda oo ay ka faa'iidi doonaan dadka Soomaaliyeed ee aragga naafada ka ah

4 Oct 2024

UDHAN: Tababbar lagu qabtey dalka Uganda oo ay ka faa'iidi doonaan dadka Soomaaliyeed ee aragga naafada ka ah

Kampala – Qof naafo ah in aad Soomaaliya ku noqoto wax fudud ma ahan.

Sanado ay ka socdeen colaad iyo dagaal sokeeye ayaa ka dhigan in ay adeegyada bulshada yihiin kuwo daciif ah, taas oo ay maamullada Soomaaliya iyo ururada bulshada rayidka ahba ay isku dayayeen in ay wax-ka-beddelaan.

Waxaa la qiyaasay in 2,5 milyan oo qof oo naafo ah ay ku nool yihiin dalkan Geeska Afrika ku yaalla, kuwaas oo ay ka mid yihiin 360,000 oo qof oo aragga naafo ka ah – laba ka mid ah dadkan waa Cabdiraxmaan Maxamuud Kulane iyo Cabdulqaadir Maxamed Cabdullaahi, kuwaas oo dhowaan tagey caasimadda dalka Uganda.

“Waxaan halkan u nimid arrin muhiim ah – tababbarka aan qaadaneyno wuxuu si aad ah muhiim ugu yahay shakhsi ahaan iyo dhallinyarada aragga naafada ka ah ee Soomaaliya,” ayuu yiri Mudane Cabdullaahi.

Labadan nin ee aragga naafada ka ah ayaa dhowaan magaalada Kampala u tagey tababbar socday muddo toddobaad ah oo ku saabsanaa soosaaridda farta qoraalka Braille loo yaqaanno.

Fartan oo loogu magacdarey qofkii soosaarey, Braille waa metelaad dareen la taabtaabto leh ee calaamadaha alifbeetada iyo tirooyinka iyadoo la adeegsanayo lix dhibcood oo metelaya xaraf iyo lambar kasta.  Waxaa adeegsan kara dadka indhoolaha ah ama araggooda hooseeya si ay u akhriyaan buugaagta iyo daabacaadaha sida kuwo lagu daabaco farta muuqaalka ah.  

Min xirfado ilaa akhris-qoraal 

Barnaamijka tababbarka soosaaridda farta Braille waxaa qabtey Iskuulka Baahiyaha Gaarka ah iyo Baxnaaninta ee Jaamacadda Kyambogo (Kyambogo University’s School of Special Needs and Rehabilitation), oo ah machad hormuud ka ah mashruuca oo leh khubbaro si xeeldheer ugu tababbaran naafanimada aragga tan iyo 1988.

“Akhris-qoraalka farta Braille waa tiir muhiim u ah shakhsiyaadka aragga naafada ka ah. Waxay jebisaa caqabadaha waxayna yareysaa caqabadaha ay wajahaan,” ayuu yiri Odette Niyisabwa, Madaxa Waaxda Daraasadaha Dadka Aragga Naafada Ka Ah ee Jaamacadda. 

Tababbarka wuxuu ka kooban yahay casharro leh hawlo gacan-ka-qabasho ah. 

“Waxaan baraney tiknoolajiyaddan qaybaheeda kala duwan. Waxaan baranay noocyada kala duwan ee warqadaha loo adeegsado mashiinnada, waxaanna aqoon u yeelanay makiinado kala duwan,” ayuu sharxay Mudane Cabdullaahi. 

Sidoo kale, tababbartayaasha da'da yar waxaa ay barteen sida loo adeegsado qalabka 'farta xardha’ – oo ah, daabacidda nidaamka farta Braille, oo ‘u qori kara’ ama u beddeli kara qoraalka caadiga ah iyo muuqaaladaba nidaamkan, oo sidaa daraaddeed fududeeya akhriska iyo helidda macluumaadka. 

Casharrada hawlaha gacan ka qabashada ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa barashada sida loo akhriyo oo khaladaadka looga saaro dokumentiyada Braille, iyo farsamooyinka dayactirka makiinadaha – oo ah xirfadaha aasaasiga ah ee ay u adeegsan karaan shaqadooda maalinlaha ah ee Soomaaliya. 

“Waxaan haysanaa qalabka iyo agabka qaar, sida makiinadaha, ee aan horey tababbarkooda u soo qaadanay,” ayuu yiri Mudane Cabdullaahi. 

“Tababbarkan waa inoo muhiim sababta oo ah wuxuu buuxinayaa waxyaabihii naga dhimanaa,” ayuu hadalkiisii raaciyay 32-sano jirkan. “Waxaan filaynaa in aan barano aqoon iyo xirfado dheeraad ah waxaanna qorsheynaynaa in aan wixii aan baraney u adeegsanno in aan ugu faa'iideyno dadkeenna markaan Soomaaliya ku noqono.”  

Tababbarka farsamo ka sokow, aqoon-isweydaarsiga wuxuu diiradda saarayaa xuquuqda aadanaha.  

“Tababbarkan wuxuu taageerayaa dadaalladeenna ku aaddan ilaalinta xuquuqda aadanaha, gaar ahaan xuquuqda dadka Soomaaliyeed ee naafada ah,” ayuu yiri Mudane Cabdulqaadir. “Waxaa naga go'an adeegsiga mabaadii'da caddaaladda iyo sinnaanta ee aan baraney, oo waa in aan had iyo jeer u doodnaa xuquuqda aadanaha sida ay tilmaantay Qaramada Midoobay.” 

Waxqabadyada ayaa muujinaya in waayo-aragnimada Kampala ay ahayd “indho-fur” waxaanna aad u dhiirrigeliyay in ay arkaan ganacsiyo maxalli ah oo ay maamulaan dad aragga naafo ka ah.

“Safarkan wuxuu ahaa mid aan xog badan oo muhiim ah ku soo ogaaney,” ayuu yiri Mudane Kulane. “Waxaan booqanay dukaan aan ku aragnay qalabka iyo agabka ay adeegsadaan dadka aragga naafada ka ah. Waxaan sidoo kale booqaney maktabado waxaanna la dhacney agabka yaalla maktabadda.” 

U-ololeynta xuquuqaha aadanaha  

Laakiinse Mudane Kulane iyo Mudane Cabdullaahi midkoodna tababbarka uma qaadan naftooda. 

Labadaba sidoo kale waa u-ololeeyayaal. Waxaa ka dhexeeya ballanqaad mustaqbalka fog ah oo ay kor ugu qaadayaan wacyiga dadka Soomaaliyeed ee ku saabsan xuquuqda shakhsiyaadka naafada ah, waxayna sanadkii 2020 isla-aasaaseen Ururka Dhallinyarada Aragga Naafada ka ah ee Soomaaliyeed, ama loo yaqaanno UDHAN marka ereyada Af Soomaali ahaan la isku gaabiyo. 

“UDHAN waxay u taagan tahay wacyigelinta, waxbarashada, iyo u-qareemaynta xuquuqda dadka Soomaaliyeed ee naafada ah, gaar ahaan kuwa aragga la',” ayuu yiri Mudane Kulane oo 28-sano-jir ah. 

“Qalab kala duwan ayaa la adeegsadaa si loo caawiyo dadka aragga naafada ka ah, kuwanna muddo ka-dibba waa la sii horumariyaa... waxaa  jira kala duwanaansho muuqata sababta oo ah kheyraadyada Soomaaliya laga heli karo waa kuwo aad u kooban,” ayuu yiri Mudane Cabdullaahi. 

Iyagoo taageero ka helaya Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), ururka UDHAN waxaa uu soo abaabulay tababbarka Kampala oo ah tallaabo horey loogu qaaday dhanka dhismaha kaabayaasha ay u baahan yihiin bulshada aragga naafada ka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan dhanka waxbarasho helidda.

Guulihii la gaarey 

Bishii Disembar ee sanadkii la soo dhaafey, Qaramada Midoobay waxay ku ammaantay Dowladda Federaalka Soomaaliya horumarka ay ka gaartey kor-u-qaadista xuquuqda iyo u-dhammaanshaha shakhsiyaadka naafada ah.  Horumarkan waxaa ka mid ahaa gaarista guulo mug weyn leh sida saxiixidda Heshiiska Xuquuqaha Shakhsiyaadka Naafada ah, dhisidda Hay'adda Naafada Qaranka (NDA) iyo ansixinta golaha wasiirada ee Hindise-sharciyeedka Xuquuqaha Naafada. 

Qaramada Midoobay ayaa taageertay Hindise-sharciyeedka Xuquuqaha Naafada ee Soomaaliya, inkastoo hindise-sharciyeedka aan weli la ansixin lana saxiixin si uu sharci u noqdo. 

Sanadkii 2023, horumar mug weyn leh ayaa la sameeyay iyadoo NDA ay daaha ka rogtey Warbixinta Daraaseynta Naafada Qaranka, oo ay la socdaan ansixinta Istiraatiijiyadda iyo Qorshe Hawleed shan-sano ah. 

“Waxaan aad ugu firfircoonahay kor-u-qaadista Hindise-sharciyeedka Naafada ee cusub waxaanna filayaa in dhowaan la hormarin doono si uu gacan uga geysto damaannad-qaadidda xuquuqaha qof walba,” Sii-hayaha Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa sidaa u sheegay labada nin iyo xubnaha kale ee ururka UDHAN oo uu shir la qaatay ka hor tababbarka Kampala. 

“Helidda siyaabo lagu xaqiijinayo in dadku ay helaan kheyraad, fursado wadahadal, ayaa aad muhiim u ah,” ayuu hadalkiisa ku darey Mudane Swan. 

Mas'uulka ugu sarreeya QM ee Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in taageerada QM ee shaqada UDHAN ay ahayd qayb ka mid ah "dadaalka ballaaran ee lagu xaqiijinayo in kuwo kaloo badan sidoo kale si buuxda looga mid dhigo bulshada iyo shaqada qaranka."  

Barnaamijka Horumarinta ee QM (UNDP), Sanduuqa Carruurta ee QM (UNICEF) iyo Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), iyadoo tan dambe uu madax ka yahay Mudane Swan, ayaa ah hay’adaha qaramada midoobay ee xubnaha ka ah Barnaamijka Wadajirka ah ee Xuquuqaha aadanahaa. 

Barnaamijka Wadajirka ah oo ay hormuud ka tahay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda aadanaha ee dowladda federaalka oo ay taageeraan deeq-bixiyaal caalami ah, ayaa hiigsanaya xaqiijinta in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay garanayaan xuquuqahooda iyo in ay heelaan oo ay awood u leeyihiin in ay si taabogal ah ugala shaqeeyaan ayna kala xisaabtamaan maamullada degaankooda, iyo in mas’uuliyiinka xilalka ka haya degaanka, Dowlad-goboleedyada iyo degmooyinka awood loo siiyo kor-u-qaadista iyo ilaalinta xuquuqaha aadanaha. 

Ka dhigidda wax la arki karo iyadoo loo marayo Braille 

Ururka UDHAN oo xubnaha ka tirsan ay gaaryaan ku dhowaad 100 xubnood, ayaa wuxuu hiigsanayaa horumarinta wadahadalka ku saabsan xuquuqaha aadanaha iyo u dhammaanshaha shakhsiyaadka naafada ah, oo ay ka mid yihiin helidda fursado waxbarasho iyo kuwo shaqo. 

Tusaale ahaan, ardayda aragga naafada ka ah waa kuwo nugul, oo ay ku adag tahay in ay helaan agabka waxbarasho ee la heli karo. Inta lagu guda jiro imtixaannada, waxaa ay wajahaan caqabado dheeraad ah. 

“Macallin la magacaabay ayaa kor u akhrinaya su'aalaha, ka-dibna ardayga wuxuu afka kaga jawaabayaa su'aasha iyadoo uu macallinku uu jawaabta qorayo,” ayay tiri Xamdi Xuseen Cusmaan oo ah xubin ka tirsan UDHAN taas oo, iyadoo aan aragga naafo ka ahayn, wadaagaysa jacaylka ay u hayso xuquuqaha aadanaha iyo u dhammaanshaha. 

Waxaa ay hadalkeeda raacisay in hannaankaasi uu ahaa “mid ay khaladaad badani ay ka buuxaan kuwaas oo si aan caddaalad ahayn u saameynaya waxqabadka ardayda.” 

In kastoo UDHAN ay heshay makiinadda soosaarta farta Braille, haddana sidaa oo ay tahay waxaa ku yar waayo-aragnimada isticmaalkeeda. Tababbarka ka dhacey Kampala ayaa isku-dayay in uu wax ka beddelo arrintan isagoo ku xoojinaya Mudane Kulane iyo Mudane Cabdullaahi xirfado ay si madax-bannaan ugu soosaari karaan dokumentiyada Braille iyagoo adeegsanaya qalabka kala duwan ee ay heli karaan, iyo in ay tababbaraan kuwa kale ee ku sugan Soomaaliya. Guud ahaan, hawshan waxay suuragelin doontaa macluumaad helid sida hadda ka wanaagsan, oo ka dhigaysa majaalka waxbarashada mid si aad ah loogu dhan yahay. 

Ciyaar saaxiibtanimo 

Markii la gaarey dhammaadka toddobaadkii tababbarka, kooxda ka socotey UDHAN ayaa waxaa lagu casuumay ciyaarta kubadda shanqarta ee goalball-ka oo saaxiibtanimo ah oo ay la ciyaareen ardayda degaanka ee jaamacadda Kyambogo University’s School of Special Needs and Rehabilitation.

Nooca ciyaarta kubadda cagta ee hore oo gaar ahaan loogu talagalay dadka aragga naafada ka ah, ciyaarta kubadda shanqarta ee goalball-ka waa isboorti kooxeed oo ay ka-qaybgalayaashu ku tartamaan kubad loo tuurayo dhanka kooxda ka soo horjeeda oo shabagooda la gaarsiinayo si dhibco ay ugu helaan. Kubadda waxaa ay bixinaysaa dhawaaq shanqar leh oo hagaya ciyaartoyda.  

Kooxda UDHAN ayaa guuldarro kala kulantey dhigooda Kampala, laakiinse Mudane Cabdullaahi iyo Mudane Kulane caadi ayay u arkeen. 

"Ciyaar mise jimicsi oo kaliya ma ahayn – waxay sidoo kale ahayd fursad la isku-dhexgalayo oo xiriir isku dhaafsaneynay gabdhaha iyo wiilasha walaalaheenna ah oo sidoo kale aragga naafada ka ah,” ayuu yiri Mudane Kulane. “Tababbarkeenna ku saabsanaa farta Braille ka sokow, fursaddan waxaa ay inoo ahayd waayo-aragnimo fiican oo aan ku soo qaadanay magaalada Kampala!”