UNSOM oo Puntland ku dabaal degtay sannad guuradeedii koowaad, ballan qaadayna taageero joogto ah

17 Aug 2014

UNSOM oo Puntland ku dabaal degtay sannad guuradeedii koowaad, ballan qaadayna taageero joogto ah

Garowe – Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (SRSG) Nicholas Kay ayaa maanta ballan qaaday in taageerada Qaramada Midoobay ee Puntland ay ahaan doonto mid joogto ah mar uu ka hadlayay munaasabad loogu dabaal degayay sannad guuradii 1-aad ee UNSOM oo ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Garoowe.

“Sanadihii la soo dhaafay Puntland waxaa ay ku talaabsatay horumar muhiim ah ee xagga siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga taas oo ay dowladda iyo dadka reer Puntland ammaan ku mudanyihiin. Laakiin waxaa jira waxyaabo kale oo badan oo wali u baahan in la qabto, oo ay ka mid tahay la shaqeynta Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada kale ee soo unkamaya, sameynta nidaam federaal ah, dib u eegidda dastuurka kumeel gaarka ah iyo diyaarinta doorashooyinka sannadka 2016. Wada shaqeyn buuxda oo dhex marta Dowladda Puntland, maamulada ku meel gaarka ah iyo kuwa hadda dhismaya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waa wax ku ool,” ayuu yiri Mr Kay.

“Soomaalida oo dhan waxaa ay wax ka baran karaan kana faa’iideysan karaan qibradda Puntland iyo guulaha ay gaartay laga soo bilaabo 1998. Waxaan hubaa in maamul gobaleedyo federaal ah oo ka sameysma Soomaaliya ay Puntland iyo Soomaliyaba dan ugu jirto. Puntland ma dhumin doonto deegaannada ay hadda maamusho” ayuu sii raaciyay. “Xuduudaha kama dambeysta ah waxaa la go’aamin doona iyada oo la eegayo geeddi socodka ku xusan dastuurka qabyada ah ee federaalka,”

“Kaalmada caalamiga ah ee loogu talo galay nabadda iyo dowlad dhisidda Puntland waa ay sii socon doonaan iyada oo ay hagi doonaan mabaadi’ii la haasho Soomaalinimo, hoggaan iyo xurmeynta dastuurka qabyada ah ee federaalka,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah.

Dhammaad

 

Fiiro Gaar ah oo ku socota tifaftirayaasha

UNSOM waxaa asaasay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay 3dii June 2013. UNSOM wuxuu ka hawlgalaa gudaha Soomaaliya waxaana loo xilsaaray inuu Dowladda Federaalka Soomaaliya ku taageero ajenaheeda ku aaddan nabadda iyo dowlad dhisidda, oo ay ka midyihiin hanaanka federaalka, dib u eegidda dastuurka ku meelgaarka iyo doorashooyinka sannadka 2016ka. Sidoo kale wuxuu ka shaqeeyaa xoojinta hay’adaha amniga Soomaaliya, horumarinta iyo dhowridda xuquuqda aadanaha iyo awoodsiinta haweenka, wuxuuna kaalmo ka geystaa iskudubbaridka gargaarka caalamiga. Qaraarka Golaha Amaanka ee tirsigiisu yahay 2158 (2014) ayaa cusbooneysiiyay xilka UNSOM oo hal sanno oo dheeraad ah ku kordhiyay 29kii May 2014.

 

Si aad u hesho tixraac, fadlan riix si aad u hesho warqad si wadajir ah uga socota Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, Ergayga Gaarka ah ee IGAD, Mohammed Affey, iyo Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub, Michele Cervone kuna socota Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas" taas oo ku saabsan heshiiskii dhowaan loogu talo galay maamul u sameynta gobolada dhexe ee Soomaaliya