Hawlgalka Kaalmaynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobey (UNSOM), waxaa lagu aas-aasay qaraarka Golaha Ammaanka ee QM ee tirsigiisu yahay 2102, soona baxay 3 Juun 2013, kadib qiimeyn lugu sameeyey taageerada QM ee ku aadden dhismaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Xilka UNSOM waxaa si is-dabajoog ah loogu cusbooneysiiyey qaraarrada Golaha Ammaanka ee kala ah 2158 (2014), 2221 (2015), 2232 (2015), 2275 (2016), 2358 (2017), 2408 (2018), 2461 (2019), 2516 (2020), 2527 (2020), 2540 (2020), 2592 (2021), 2632 (2022), 2657 (2022) iyo 2705(2023). Mudada lagu jiro waxay soconeysa ilaa 31Oktoobar 2024.
Ka dib markii si buuxda loo meelmariyey qaraarka 2102 (2013), goluhu wuxuu isku raacay in awoodaha UNSOM lugu biiriyo qodob dhigaya in uu talo-bixin siyaasadeed oo la xiriirta dhinacyada dhismaha nabadda iyo dowladnimada u fidiyo Dowladda Federaaalka ah iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), gaar ahaan: Dowlad wanaagga, dib-u-habeynta amniga iyo kala dambeynta (oo ay ku jiro hub ka dhigista dagaallamayaasha), horumarinta hannaanka federaalka (oo ay ku jirto dhismaha dowlad goboleedyada), dib-u-eegista dastuurka, dimuqraadiyeynta (oo ay ku jirto u diyaargarowga kala guurka siyaasadda 2016) iyo isku-xirka taageerada deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah.
Hawlaha loo xilsaaray, UNSOM waxaa kale oo ka mid ah in ay Dowladda Federraalka ah gacan ka siiso dhismaha taagteeda ku aadden dhowrista xaquuqda aadamiga iyo taabbagelinta haweenka, Ilaalinta xaquuqda carruurta, ka hortagga qalalaasaha horseeda kufsiga iyo tacaddiyada jinsiga ku saleysan , iyo adkeynta hay’adaha garsoorka. Intaas waxaa dheer, la socoshada, dabagalka iyo u tabinta golaha, xadgudubyada iyo gabood fallada laga galo xaquuqda aadamiga iyo sharuucda bini’aadamnimada caalamiga ah ee ka dhaca Soomaaliya, gaar ahaan kuwa haweenka iyo carruurta ka dhanka ah.
Hawsha sidaas ah daraaddeed, Goluhu waxaa uu hoosta ka xarriiqey muhiimadda ay leedahay in la helo lahaansho Soomaaliyeed, iyo in waxqabadyada Kooxda Qaramada Midoobey ee Dalka la waafajiyo arrimaha hortebinta u leh UNSOM iyo Dowladda Federaalka ah, iyo sidoo kale Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Urur-goboleedka IGAD, Midowga Yurub iyo bahwadaagta kale ee goboleed, laba-geesood iyo geeso-badan ah.
Iyadoo laga ambaqaadayo go’aanka Golaha Ammaanka, UNSOM waxaa saldhig u ah magaalada Muqdisho, halka caasimadaha maamullada federaalka ku jira iyo kuwa unkamaya, oo ay ku jiraan, Puntland, Maamulka KMG ah ee Jubbaland, Maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed iyo kan lugu wado in uu ka soo baxo isku-tagga Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe uu xafiisyo ku leeyahay. Dhanka kale, xafiiska Maamulka KMG ah ee Galmudug waxaa la furi doonaa marka ciidamada AMISOM halkaas la geeyo.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa si joogto ah Golaha Ammaanka uga xog-warrama fulinta waajibaadka UNSOM, iyada oo saddexdii biloodba mar warbixin laga dhegeyso.
Marka laga soo tago UNSOM, nidaamka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya wuxuu ka kooban yahay 25 hay’adood, Sanduuqyo iyo barnaamijyo. Wax badan ka ogoow: UN Soomaaliya | ![]() |