Wadajir u qaabeynta nabadda: Dhallinyarada Soomaaliya oo noqday is bedel sameeyeyaal

23 Sep 2020

Wadajir u qaabeynta nabadda: Dhallinyarada Soomaaliya oo noqday is bedel sameeyeyaal

Mogadishu – Dhallinyarada Soomaaliyeed waa in ay noqdaan is bedel abuureyaal kana qeyb galaan Siyaasadda, nabad dhisidda, doorashooyinka iyo dadaalada loogu jiro in lagu horumariyo dalkooda - tani waxa ay ahayd dhambaalkii ugu muhiimsanaa ee ay xambaarsanayd dooddii la qabtay maalinta caalamiga ah ee Nabadda dhawaan taas oo isu keentay 30 da’yar ah oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida. Aqri faahfaahin intaas dheer.

“Dal waxaa badbaadiya dhallinyaradiisa. Waa dhallinyarada kuwa horseed u noqda dhammaan dadaallada lagu keenayo is bedel, sidaas daraadeed, waa wax wanaagsan in dhallinyaradu  ay  ka qeyb-galaan siyaasadda oo ay ka mid noqdaan is bedellada wanaagsan iyo horumarka dalka,” waxaa kulan ka dhacay magaalada Muqdisho Isnintii sidaas  ka yiri Agaasimaha Fulinta ee Somali Youth Civic Organization (SYCO), Cabdi Waasac Idiris Jeelle.

Kulanka waxaa soo qaban qaabiyey SYCO oo ah urur aan dowli ahayn , maxalli ah kaas oo diiradda saara horumarka dhallinyarada iyo hoggaaminta,  la tacaalidda xagjireynta iyo nolosha iyada oo taageero laga helayo Hawlgalka Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaiya (UNSOM). Kulanka oo la qabtay Maalinta Nabadda Aduunka oo Dunida oo dhan looga dabaal dago 21-ka Sebteembar, ujeedkiisuna ahaa xoojinta dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xarriiqay aaminaadda ah in dhallinyarada sida wanaagsan xogta u hela ay joogaan meel ay gacan uga gaysan karaan dib u dhiska iyo horumarinta dalkooda.

Madasha waxa ay isu keentay dhallinyaro kala matalayey qabiiilo badan oo ka kala socday qeybo kala duwan oo Soomaali ah, waxaa ka mid ahaa xirfadleyaal da’yar ah, arday  Jaamacadaha ka qallin jabiyey iyo arday hadda dhigata .  Kulanka waxaa uu sidoo kale ku soo aaday xilli loo diyaar garoobayo doorashada baarlamaanka iyo midda Madaxweynaha  xilli sidoo kale lala tacaalayo  cawaaqib xumada ay ka dhaxleen bulshada iyo dhaqaalaha “Saddexda Khatar” ee ay abuureen daadaka, xanuunka la kala qaado ee Koroona Feyrus iyo duullaanka Anyaxa.

Awoodda dhallinyarada

Ka qeybgalayaashii madasha waxa ay xuseen in dhallinyarada Soomaaliya ay bulshada ka yihiin boqolkiiba 70, waxa ay ugu baaqeen in awoodda ay ka helayaan tirada intaas le’eg ay uga faa’iideystaan sameynta abuubul lagu dhalinayo nabad iyo horumar – waxaa si gaar ah hoosta looga xarriiqay doorka haweenka dhallinyarada ah.

 “Maadama ay haweenka iyo dhallinyarada yihiin kuwa sameeya taariikhda Soomaaliya, ciyaara door qaran dhisid ah, waxaan rabnaa in hore loo socdo maxaa yeelay waxaan dooneynaa in xal loo helo caqabadaha waa weyn ee aynu wajahayno hadda Qaran ahaan,” waxaa sidaas doodda ka jeedisay Bilan Mohamud oo ah u dhaq dhaqaaqe dhallinyarada ah, taas oo mataleysay Ururuka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed (SNWO).

Dib u milicso sooyaalka haweenka Soomaaliya lugta ay ku leeyihiin dadaallada Qaranka, Bilan waxa ay ku dhiirigalisay ka qeyb galayaasha in ay ku daydaan 13kii xubnood ee Somali Youth League iyo Haweeneydii halganka caanka ku ahayd ee Xaawo Taako, kuwaas oo dhammaan door muhiim ka ah soo qaatay dhabbihii uu dalka u soo maray helidda gobonimadiisa intii u dhexeysay 1950kii ilaa iyo 1960-ki.

  “Dhallinyaradu ma aha in ay is dhiibto, laakiin waa in ay dibada u soo baxaan oo ay horumariyaan dalkooda, ayey hadalkeeda ku dartay.

Maxamed Shire oo ah agaasimaha ururka qeybaha badan ka kooban ee aan dowliga ahayn SONSA, doodana ka qeyb galay ayaa xusay in mawduuca laga doodayey uu salka ku hayo xaqiiqooyin aan laga war wareegi Karin ee ay wajahaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

 “Dalkeenna waxa uu ka soo kabanayaa sanado badan oo colaado ah iyo caqabado badan, sidaas daraadeed waxaan u baahannahay in aynu dhiirigalinno dhallinyarada si ay iyaga oo firfrcoon uga qeyb galaan siyaasadda, doorashada soo socota iyo dadaallada dib u heshiisiinta,” waxaa sidaas yiri Shire.

Dhallinyarada iyo nabad dhisidda

Qaar ka mid ah ka soo qeybgalayaasha ayaa sheegay in fursaddii ay haleen ka qeyb galka dooddan  ay ku dhiirigalisay in ay u tartamaan jagooyin doorashada soo socota ee baarlamaanka iyo waliba in ay ka qeyb qaataan arrimaha bulshada.

Cabdicaziz oo ka mid ah ka qeybgalayaasha ayaa hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in dhallinyarada ka digtoonaato in la xagjireeyo, waxa uu dhallinyarada ku tilmaamay sida middi laba af leh oo loo adeegsan karo qorshe gurracan iyo mid wanaagsan – waxa uu ku nuux nuuxsaday baahida loo qabo in dhallinyardu noqoto kuwo sabab u noqda is bedel togan.

 “Maanta, dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay haystaan fursad weyn oo ay qeyb uga noqon karaan dib u dhiska qaranka, in ay keenaan is bedel siyaasadeed doorashada soo socota iyo in ay door firfircoon ka ciyaaraan dib u dhiska dalkooda,”  ayuu hadalkiisa ku daray Cabdicaziz.

“Waxaan bartay muhiimadda ay leedahay in dhallinyaradu qeyb ka noqdaan nabad dhisidda, hadda waxaan haystaa dhiirigalin aan uga qeybgali karo siyaasadda iyo nabad dhisidda. Waxaan sidoo kale ogaaday qiimaha weyn ee aan ugu fadhiyo bulshada,” waxaa sidaas tiri Fatuma Cabdullahi Maxamuud oo ah ka qeybgale.

 Golaha Ammaanka waxa ay ku xuseen qaraarkooda 2250, 2419 iyo 2535, doorka muhiimka ah ee ay dhallinyaradu ka qaadan karaan sidii looga hortagi lahaa oo loo xallin lahaa colaadaha, xallinta dagaalada, nabad dhiska iyo xejinta nabadda, sidoo kale muhiimadda ay leedahay in dhallinyarada laga gacan siiyo ka qeybgalka iyo hoggaaminta iyo waliba in dhallinyaradu hesho saaxa ay fursad ka qeybgal ku heli karaan.

Kulan ay dhawaan Golaha  ka yeesheen dhallinyarada, nabadd iyo ammaanka, Xoghayaha Qaramada Midoobay ee siyaasadda iyo  Arrimaha Nabad Dhisidda, Rosemary DiCarlo,  waxa uu hoosta ka xarriiqay in dhallinyarada oo laga qeybgaliyo arrimaha la xiriira nabadda qasab tahay.

 “Waa in aynu ka  ambaqaadno qodobka ah in dhallinyarada oo si firfircoon uga qeyb gasha iyo dhallinyarada oo laga qeybgaliyo geeddi socodka siyaasadeed ee nabad dhisiidda in aan loo arkin xulasho ama wax fikir kaddib yimi.  Waxa ay noqotay mid ka mid ah aas aaska ilaalinta iyo adkeynta ajendeyaasha nabadda,” waxaa sidaas yiri Ms. DiCarlo.