Wakiilka QM oo ku dhiiriggeliyay Soomaaliya in la dardargeliyo ansixinta heshiiska dadka naafada ah

10 Sep 2018

Wakiilka QM oo ku dhiiriggeliyay Soomaaliya in la dardargeliyo ansixinta heshiiska dadka naafada ah

Muqdisho  – Mas’uul sare oo ka tirsan hay’adda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku boorriyay haya’adaha dalka in ay dardargeliyaan ansixinta heshiis lagu wado in uu ilaaliyo isla markaana horumariyo xuquuqda aadanaha ee dadka naafada ah.

Wakhtigan la joogo, Soomaaliya uma degsano qaab-dhismeed siyaasadeed ee qaran ama mid sharci oo ku aaddan dadka naafada ah, hase yeeshee, dowladda federaalka ah waxaa ay dhowaan ku dhawaaqday in ay saxiixi doonto Heshiiska Caalamiga ah ee Xuquuqda Dadka Naafada ah.

“Soomaaliya waxaa ay oggolaatay in ay saxiixdo Heshiiska, sida daraadeedna tallaabada xigta waa in la meelmariyo sharciga, hadafkaygana waxaa qayb ka ah in aan aqoonsado tallaabadaas oo aan ku dhiiriggeliyo dowladda Soomaaliya in ay ansixiso sharciga,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud u fadhiya Soomaaliya, Michael Keating.

Mas’uulka QM ayaa hadalkan ka jeediyay caasimadda dalka ee Muqdisho, maalinta Axadda, xilli uu booqasho ku tagay Dugsiga ee Indhooleyaasha  ee Al Nuur, oo ka mid ah machadyada waxbarasho ee loo sameeyay dadka naafada ah ee ku sugan Soomaaliya.

Heshiiskaani waa heshiis caalami ah oo dhigaya xuquuqda aadanaha ee dadka curyaamiinta ah. Gaar ahaan, waddamada xubin ka noqda waxaa ay oggolaadaan in ay horumariyaan, ilaaliyaan isla markaana xaqiijiyaan in ay dhammaan dadka naafada ah si siman oo buuxa u helaan xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda aasaasiga ah, iyo in ay dhiiriggeliyaan in la ixtiraamo sharafkooda.

In kasta oo aan la hayn xogta saxda ah ee ku saabsan tirada dadka naafada ah ee ku sugan Soomaaliya, khubarada ayaa qiyaasaya in tirada ay ka sarreyso celcelis ahaan qiyaasta caalamiga ah ee ah boqolkiba 15 sababo la xiriira colaadaha dalka ka socday muddada dheer, saboolnimada iyo la’aanta helitaanka daryeelka caafimaadka.

Dugsiga Indhooleyaasha ee Al Nuur oo la furay 13 sano ka hor, ayaa haatan waxbarashada dugsiga dhexe iyo sare siiya in ka badan 140 arday ee ka soo jeeda caasimadda iyo dalka dacalladiisa. Maaddooyinka machadka lagu dhigo waxaa ka mid ah Xisaab, luuqadaha (Ingiriis, Carabi iyo Soomaaliy), Waxbarashada diinta Islaamka, kombayuutarka iyo cilmiga bulshada.

Dugsiyada in la maalgeliyo ayaa loo baahan yahay

Mudane Keating, oo sidoo kale ah madaxa Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa inta uu ku guda jiray booqashadiisa wakhti la qaatay ardayda, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in ay dowladda bixiso dhaqaale lagu maalgeliyo dugsiyadan oo kale, iyo sidoo kale baahida loo qabo in shaqo abuur loo sameeyo.

Waxaa uu shaaciyay in dadka naafada ah ee Soomaaliyeed ay qayb muhiim ah ka yihiin bulshada, iyo in loo baahan yahay in laga qaybgaliyo arrimaha siyaasadda, bulshada iyo dhaqaalaha ee dalka.

“Waxa aan la hadlay saaxiib kale oo halkan ka shaqeynayay wuxuuna ii sheegay in ahmiyadda ay tahay in la xaqiijiyo in xisbiyada siyaasadeed ay xeerarkooda ku daraan taageerada dadka naafada ah,” ayuu yiri Mudane Keating. “Si la mid ah, waxaa fiicnaan lahayd in aan helno Xildhibaanno heer federal iyo guud ahaan dalka si ay u matalaan kuwa, ha ahaadaan kuwo indho la’ ama kuwa qaba noocyada kale ee naafonimada, kuwaas o oleh baahiyo aasaasi ah una baahan taageero iyo in ay si dhammeystiran uga mid noqdaan bulshada Soomaaliyeed, si ay ayagu [Xildhibaannada] u matalaan.”

 Agaasime kuxigeenka dugsiga, Ibraahim Cabdullaahi Maxamed, oo machadka ku wareejiyay ergayga QM, ayaa uga mahadnaqay taageerada loo muujiyay dadaallada dugsiga, asaga oo xusay in uu dugsiga la kulmayo caqabado badan uuna u baahan yahay kaalmo.

“Dugsiga waxaa ka maqan qalabka ay wax ku qortaan dadka naafada ah, kaas oo qaali ah aana laga heleyn suuqa maxalliga,” ayuu yiri, asaga oo intaa raaciyay in shaqaalaha ay sidoo kale u baahan yihiin tababar si ay u noqdaan dad ka warqabo isbeddelada ugu dambeeyay ee dhanka tiknoloojiyadda si ay u caawiyaan dadka indhaha la’.

Wakiilka Gaarka ah ee QM ayaa ku raacay aragtida maamulaha dugsiga.

“Waxa aan aad ula dhacsanahay shaqada ay hayaan macalimiinta iyo dugsiga, balse waxaa cad in taageero dheeraad ah loo baahan yahay, ardaydan dadaalka badanna waxa ay u baahan yihiin caawinaad, dugsiga kaalmo ayuu u baahan yahay,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee QM. “Waa arrin lagu farxo in ay tani jirto, balse in aan wax badan sameyno ayaa loo baahan yahay, wax intaasi ka badan.”

“Waa arrin culus,” ayuu raaciyay, “sababtoo ah lacag badan lama haayo, balse waxa aan rajeynayaa in haddii ay dowladda mudnaanta siiso arrintani, in beesha caalamkana ay taageeri doonto.”