Wakiillada Qaramada Midoobay ayaa ku wareejiyay maamulka Galmudug qalab oksijiin ah, goobjoogna ka noqday billowga ololaha tallaalka COVAX ee Galmudug

30 Mar 2021

Wakiillada Qaramada Midoobay ayaa ku wareejiyay maamulka Galmudug qalab oksijiin ah, goobjoogna ka noqday billowga ololaha tallaalka COVAX ee Galmudug

Dhusamareb, Galmudug – Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay ahna iskuduwaha Qaramada Midoobay ee arrimaha bani'aadamnimada u qaabilsan Soomaaliya, Adam Abdelmoula, iyo Wakiilka Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Soomaaliya, Dr. Mamunur Malik, ayaa shalay booqday Isbitaalka Xanaano ee Magaalada Dhuusamareeb ee Dowlad Goboleedka Galmudug, iyaga oo si rasmi ah ugu wareejiyey wasaaradda caafimaadka Galmudug saddex qalab oo Oksijiin ah oo ku shaqeeya tamarta cadceeda. 

Sida ka jirta inta badan deegaannada Soomaaliya, Galmudug - oo hoy u ah ku dhowaad 1.5 milyan oo qof - waxay la daalaa dhaceysaa dhibaato qalab yari ah oo la xiriirta daryeelka caafimaadka. Sida laga soo xigtay mas'uuliyiinta caafimaad, guud ahaan Galmudug, dadka 38% oo kaliya ayaa awooda inay helaan daryeelka caafimaadka. 

"Ogsijiinka waa maalgashi aad muhiim u ah, waxa uuna lagama maarmaan u yahay badbaadinta nolosha ee dhammaan xaaladaha caafimaad ee degdegga ah," ayuu yiri Mudane Abdelmoula intii ay socotay xafladda wareejinta. "Marka laga soo tago la tacaalidda cudurka Covid-19, qalabkaan muhiimka ah waxa uu caawin doonaa mustaqbalka dadka ku jira xaaladaha degdegga ah ee ubaahan oksijiinta dheeriga ah, sida cudurka oof wareenka" ayuu ku daray hadalkiisa.

Ku wareejinta ogsajiinta ku shaqeysa tamarta cadceeddu waa maalgashi aan la qiimeyn karin oo ka qeyb ah waaxda caafimaadka ee dadka reer Galmudug, Waxaa jira cadeymo caalami ah oo sheegaya in ogsijiinta ku shaqeysa cadceeda ay yareyn karto dhimashada carruurta inta lagu guda jiro isbitaalada guud iyo carruurta u dhinta cudurka oof wareenka. 

Nidaamyada noocan oo kale ah, waxa ay sidoo kale, noqon karaan kuwo aad uga jaban kan caadiga ah ee oksijiinta muddada dheer. Dal sida Soomaaliya oo kale ah oo heerarka dhimashada dhallaanka iyo hooyadu ay kamid yihiin kuwa ugu sarreeya adduunka, nidaamyada noocan oo kale ah ee bixin kara oksijiinta iyada oo aan lahayn shabakad koronto waa lama huraan.

Dr. Cabdi Cabdulle Xirsi, Agaasimaha ayaa yiri kuma cusba caqabadahaani Isbitaalka Hanano.

"Waxa aan dhagax dhigay markii cusbitaalkan la dhisayey, waxaana aad ugu faraxsanahay guusha uu gaaray sannadihii la soo dhaafay," ayuu yiri Dr. Cabdi.

Qeybta hooyada, dhowr sariirood oo gogol midabyo leh, iyo waxaa ku jira hooyooyin iyo carruur dhalan doonta. Ilmo yaryar, oo maalmo uun jira, ayaa ka helaya istibaalka taageero badbaadin, iyada oo loo marayo maaskaro oksijiin ah oo loo hagaajiyey in wejigiisa lagu daboolo.

"Waxaa jira haween isbitaalka noogu yimaada oo soo lugeeya ilaa 100 kiilomitir, oo aan haysan wax gaadiid ah," ayuu raaciyey.

Isbitaalka Hanano waxa ku yaal magaalada Dhusamareeb, oo ah meel uu ka buuxo anyaxa saxaraha, una eg lama degaan, geedaha savanna iyo buuraha quraanjada waa weyn. Shaqaalaha caafimaadka ee Isbitaalka Hanano waxaa ka go'an in ay helaan habab cusub oo ay u fidiyaan adeegyo daryeel caafimaad oo tayo leh, ayna ka faa'iideystaan dadka ku nool Dowlad Goboleedka Galmudug. 

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay sii wadi doontaa la shaqeynta saaxiibbadeeda, si dib loogu soo celiyo mashruucan, oo saameyn naf badbaadineed meelo badan oo kamid ah Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.