War-bixinta Ergeyga QM James Swan uu Golaha Amaanka ka siiyay xaaladda Soomaaliya 24kii Febraayo 2020

27 Feb 2020

War-bixinta Ergeyga QM James Swan uu Golaha Amaanka ka siiyay xaaladda Soomaaliya 24kii Febraayo 2020

Mudane Madaxweyne,

Sanadka 2020ka waxaa hor-yaalla fursad uu Soomaaliya ugu noqon karo sanad is-bedel. Waxaa qorsheysan in dhowr arrimood oo muhiim u ah qaranka la soo gabagabeeyo waxayna saameyn ku yeelan doonaan hanaanka Soomaaliya ay ku socon doonto sanadaha soo socda.

Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, intii uu socday kulankii Madasha Iskaashiga Soomaaliya, ayaa Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamku waxay ku heshiiyeen arrimo muhiim ah oo hortabin leh, waxaana loo baahanyahay in Soomaaliya aanay ‘ku fashilmin’ arrimahaas 2020ka.

Arrimahaas waxaa ku jira xaqiijinta cafinta deynta, qabashada doorashooyin qof-iyo-cod ah, dhameystirka dastuurka federaalka ah, dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab, iyo xoojinta dowladda federaalka ah.

Durba waxaa horumar wanaagsan laga gaaray arrimaha dhaqaale ee hortabinta u leh Soomaaliya. Guddiyada Fulinta ee Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka ayaa caddeeyey in Soomaaliya ay u qalanto deyn cafinta loo sameeyo dalalka ku jira Qorshaha Dalalka Saboolka ah ee Deymuhu la Degeen. Guushani waxay muujineysaa, haddii la helo midnimo iyo ujeeddo mideysan, in dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ay gaari karaan xitaa yoolal iyo himilooyin kasii gudo weyn kuwaa hore.

Waxaa sidoo kale jiray horumar laga gaaray sameynta sharciyo muhiim ah oo lagu xoojinayo hab-shaqo maaliyadeedka Soomaaliya, sida Sharciga Shirkadaha iyo Sharciga Maareynta Maaliyadda Dowladda. Miisaaniyadda 2020ka ee uu ansixiyay baarlamaanka uuna saxeexay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed 'Farmajo' wuxuu ka tarjumayo kobaca joogtada ah soo saarista dakhliga.

Dhanka xuquuqul insaanka, Soomaaliya waxay soo gudbisay warbixinteedii ​​ugu horreysay ee ku saabsan Heshiiska La-dagaallanka Jirdilka, waxay saxiixday heshiiskii Kambala ee badbaadinta iyo kaalmaynta Barakacayaasha, waxayna ansaxisay Siyaasadda Qaran ee khusaysa Qoxootiga Kusoo Laabanaya Dalka iyo Barakacayaasha.

Mudane Madaxweyne,

Sidii aan ugu xog-warramay Golahan bishii Nofeembar, si Soomaaliya ay u maareyso caqabadaha taagan ayna ku gaarto himilooyinkeeda mudnaanta leh, waa in dhammaan saamileyda Soomaaliya ka wada shaqeeyaan danta qaranka. Masuuliyaddani waxay marka koowaad saarantahay madaxda Soomaaliyeed. Iyaga ayaa looga baahanyahay inay yeeshaan wadahadal ku qotoma midnimo qaran ayna dhinac iska dhigaan danaha siyaasadeed ee kooban si loo xoojiyo dowladda Soomaaliya, amnigeeda iyo barwaaqo kusoo dabaaliddeeda.

Sidii aan ku sheegay warbixintii ugu dambeysay ee aan siiyay Golahan, waxaan soo dhoweeyay shirkii bishii Nofeembar dhex maray Madaxweynaha iyo qaar ka tirsan hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadeed. Nasiib darro wadatashiyadaasi ma aysan sii socon. Dhanka kale, Madaxweynaha Faderaalka ah iyo madaxda Dowlad Goboleedyada ma yeelanin kulamo iyagoo wadajir ah koox ahaan lagasoo billaabo bishii Maajo 2019. Maqnaanshaha daba-dheeraaday ee isafgarad siyaasadeed ballaaran oo laga gaaro tubta hore-u-socodka 2020 ayaa weli khatar ku ah horumar dheeraad ah oo la gaaro.

Bishii Disember, waxaan hor-kacay wakiillo ka kala socday Midowga Afrika, Midowga Yurub, iyo Urur-goboleedka IGAD waxaana wadatashiyo taxane ah la yeenalay hoggaamiyeyaasha siyaasadeed iyo kooxaha bulshada rayidka ah ee ku sugan Dowlad Goboleedyada, waxaan sidoo kale la kulannay hay’adaha fulinta iyo sharci dejinta, iyo saamileyda kale ee muhiimka ah. Waxaan warbixin ka siinay Madaxweyne 'Farmajo' natiijooyinkii kasoo baxay kulamadeena waxaana carrabka ku adkeynay sida dhakhsaha leh ee loogu baahanyahay in dib loo billaabo wadahadallo. Annaga iyo saaxiibada caalamka waxaan diyaar u nahay in aan taageerno wadahadalladaas hadba sidii noogala baahdo.

In kasta oo horumar farsamo laga gaaray dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bani’aadamnimada, waa in aan hoosta ka xariiqaa in guulahaas ay si dhakhso leh u gaari doonaan meel kamadambays ah iyadoo aan la gaarin heshiisyada siyaasadeed ee lagama maarmaanka ah. Waxaan ugu baaqayaa madaxda Soomaaliyeed inay si dhakhso leh u kulmaan oo ay ka wada hadlaan arrimaha mudnaanta qaran u leh Soomaaliya.

Mudane Madaxweyne,

Sanadka 2020 Soomaaliya waxay wajihi doontaa tijaabo muhiim ah oo ku saabsan horumarkeeda dowlad-dhisidda ee loo marayo qabashada doorashooyin taariikhi ah oo qof-iyo-cod ah.

Sanadihii ugu dambeeyay Soomaaliya waxay sameysay diiwaan taariikheed joogto ah oo awooda la iskugu kala wareejiyo si nabad ah. Guushaan amaanta mudan waa in hadda la ilaaliyaa sanadkan 2020. Intaa waxaa dheer, u gudbidda loo gudbo doorashooyin qof-iyo-cod ah waxay ka dhigantahay in laga gudbay hanaankii soo xulista ee ku salaysnaa odayaal dhaqameedyada kaas oo lagusoo aamulay wareeg doorashooyinkii siyaasadeed ee lasoo dhaafay, loona gudbay codbixin toos ah oo ay codeeyaan dadka Soomaaliyeed. 

Sharciga doorashada federaalka Soomaaliya ayaa hadda lagu ansixiyay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare waxaana saxiixay Madaxweynaha. In kasta oo tani ay tahay tallaabo muhiim ah, haddana nasiib darro sharcigan cusub kama hadlin su’aalo badan oo taagan oo lagama maarmaan u ah hirgeinta xeerka. Su’aalahan waxay la xiriiraan goobaha deegaan doorashooyinka, sidii loo damaanad qaadi lahaa kuraasta haweenka ee 30 boloqlkiiba, iyo nidaamyada awoodda u siinaya dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dhamaan dalka inay ka qaybqaataan. Waxaan ugu baaqayaa Baarlamaanka Federaalka ah, isagoo la shaqaynaya GMDQ, wadatashina la sameynaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo dhinacyada kale ee hawshu khusayso, in uu arrimahaas si dhakhso leh xal ugu helo si ay u billowdaan hawlaha diyaargarowga farsamo. Tan waa inay ku jirto in Dowlad Goboleedyada ay xaqiijiyaan in GMDQ uu kusii shaqeeyo xafiisyada uu ku leeyahay dalka oo dhan si uu u qabanqaabiyo doorashooyinka.

Sidoo kale, waa in doorashooyin ay ka dhacaan "Somaliland" halkaas oo doorashadii baarlamaanka ee u dambeysay la qabtay 2005tii, waxaanan ku boorinayaa mas'uuliyiinta iyo dhamaan hawl-wadeenada siyaasadeed inay raadiyaan waddo looga boxo caqabadaha jira ee doorashada baarlamaanka iyo kuwa deegaanada si ay uga qabsoomaan "Somaliland" ka-hor dhamaadka 2020.

Fursad siyaasadeed iyo doodo la yeesho ayaa Soomaaliya muhiim u noqon doona sannadka soo socda si loogu suurtageliyo musharrixiinta, suxufiyiinta, bulshada rayidka ah iyo saaxiibada caalamka inay si hufan uga qayb-galaan doodaha siyaasadeed. Waxaan si gaar ah u rajeynaynaa in aan maqalno codadka haweenka, dhalinyarada iyo dadka laga tirada badan yahay oo ka qaybqaadanaya dood furan oo ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya.

Dadaallo sii hana-qaada oo loo galo dib-u-heshiisiinta ayaa sidoo kale lagama maarmaan u noqon doona in loogu midoobo mustaqbalka Soomaaliya. Waxaan ugu baaqaynaa mas’uuliyiinta siyaasadeed ee Galmudug iyo gaar ahaan Jubaland in ay wadahadal galaan, kana fogaadaan colaado, iyo kala qeybsanaan ay ka faa’iideysan doonto al-Shabaab. Waxaan ogsoonnahay in ciidamada amniga ee dhowaan la geeyay gobolka Gedo ee Jubaland ay horseed u noqdeen xiisad sii kordheysa, bedel ahaan.

Mudane Madaxweyne,

Haddii aan ka hadlo xaaladda amni, ii ogolow marka hore in aan amaan usoo jeediyo sida geesinimada leh ee Ciidanka Soomaaliyeed ee Xoogga Dalk iyo Hawla Midowga Afrika ee Soomaalliya uga hortageen al-Shabaab. 

Waxaa jiray horumar is-daba-joog ah ah, oo amaan mudan oo dib-u-dhis loogu sameeyay hay'adaha amniga Soomaaliya oo ay ku jiraan hirgalinta diiwaangelinta casriga ah [biometric], bixinta mushaaraadka ciidamada amniga oo lagu bixinayo qaab elektronik ah, iyo diiwaannada shaqaalaha. Nasiib darro, hawlgallada ciidan ayaa waxaa ku yimid gaabis lagasoo billaabo bartamihii sannadkii 2019-ka, sidoo kale qorista ciidamada ayaa ilaa iyo hadda aan ahayn mid ku filan hawlaha loo baahanyahay sanadka 2020, oo ay ku jiraan hawlgallada mudnaanta leh ee ka dhanka ah al-Shabaab iyo dib-u-furidda Jidadka Halbowlaha ah ee Sahaydu Marto. In kasta oo ay dadaallo sameeyeen XDS, AMISOM iyo saaxiibada caalamka, haddana nasiib darro Al Shabaab waxay weli leedahay awood ay weerarro baaxad weyn uga fulin karto Muqdisho, oo ay ku jiraan weeraro ka dhan ah Qaramada Midoobay iyo bulshada caalamka, iyo weliba goobihiin dhowaan laga wareegay ee Shabeellaha Hoose. Waxay sidoo kale awood u leedahay inay dakhli ballaaran ururiso iyadoo u marayso qaab baad ah [awood sheegasho ah], waxay sidoo kale awood u leedahay inay hawlgallo ka fuliso goobo ka baxsan xuduudda Soomaaliya.

Waxaa lagama maarmaan ah in dowladda Soomaaliya ay caddeyso hawlgalladeeda mudnaanta u leh, ayna diyariso ciidammada loo baahanyahay si ay u suurto-galaan hawlgallada lagu wiiqayo al-Shabaab, lagu difaacayo goobaha dhowaan lala wareegay, dibna loogu furayo waddooyinka muhiimka ah ee sahaydu marto. Hawlahan marka la qabanayo waa in lagu jaan-gooyo xuquuqul insaanka, lana daba dhigo soo celinta maamullada deegaanka ee sharciga ah, sarreynta sharciga, iyo hawlaha xasilinta si hawshu u noqoto mid waarta.

AMISOM waxay ku dhaqaaqday hirgelinta dhimista 1,000 askari 28kii Febraayo, sida lagu go’aamiyay qaraarka Golaha Amaanka ee tirsigiisu yahay 2472. Ka-hor inta aan lagu dhaqaaqin dhimista, Dowladda Soomaaliya, AMISOM iyo UNSOM waxay diyaariyeen Qiimeynta Wadajirka ah ee Khataraha ku Wajahan Dalka, sida ay codsadeen Golahan iyo Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika. AMISOM waxay weli muhiim u tahay amniga inta lagu jiro duruufaha hadda jira, laakiin sidoo kale waxaa la gaaray waqtigii la bilaabi lahaa wadahadalo loo dhan yahay oo ku saabsan aragtida istiraatiijiyadeed iyo shuruudaha suurta gelinaya in AMISOM ay si qorsheysan ugu wareejiso hanashada amniga hay’adaha Soomaaliyeed, taas oo ku dhacaysa qaab ilaalinaya guulihii sida dhibka leh lagu gaaray, xaqiijinaya saamayn istiraatiijiyadeed oo ballaaran oo ka dhan ah al-Shabaab.

Mudane Madaxweyne,

Dadka nugul ee Soomaaliyeed ayaa weli wajahaya caqabado bani’aadamnimo oo ba'an. Abaaraha soo noq-noqday, fatahaadaha, colaado iyo amni darro ayaa sababay in 5.2 milyan qof oo Soomaaliyeed ay u baahdaan kaalmo. Tan ayaa tmid ka-hor ayixii ugu ba’naa ee ku habsaday Soomaaliya, kaas oo Soomaaliya aanay arkin muddo 25 sano ah. Ururka Cuntada iyo Beeraha ayaa dowladda ka taageera sidii loo yareyn lahaa musiibada ka dhalan karta saameynta uu ku yeesho damaanad-qaadka cunnada. Waxaan ugu baaqayaa deeq-bixiyeyaasha in ay si deg deg ah u bixiyaan maalgelinta una taageeraan Qorshaha Ka-falcelinta Arimaha Bani’aadamnimada ee 2020. Muddada fog, waa in aan hawlaha ku salayno Qorshaha Horumarinta Qaran ee Dowladda Soomaaliya si loo sii amba-qaado yoolalka bani’aadamnimada, horumarka iyo nabadaynta.

Iskaashi heer gobol ah ayaa lagama maarmaan u ah wax-ka-qabashada caqabado badan oo ka jira Geeska Afrika. Waxaan soo dhoweynayaa dadaallada Madaxweynaha iyo madaxda gobolka ay ku xallinayaan khilaafaadka kuna xoojinayaan xiriirka. Iyadoo taa laga amba-qaadayo, ayaa waxaan ogsoonnahay in Madaxa Itoobiya, Abiy Axmed uu horaantii bishan soo qaban-qabiyay kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha “Somaliland”, Muuse Biixi Cabdi. Waxaan rajaynaynaa inay yeelan doodaan xiriir dheeraad ah iyagoo hiigsanaya wadahadal wax -ku-ool ah.

Mudane Madaxweyne,

Hawlo badan ayaa jira oo loo baahanyahay in la qabto sanadka horteenna ah. Waxaa horumar lagu agaari karaa oo kaliya in si wadajir ah ay u shaqeeyaan dadka Soomaaliyeed, la-hawlgalayaasha, kuna wada shaqeeyaan dareen midnimo iyo isu-tanaasul. Waxaa loo baahanyahay firfircooni dheeraad ah iyo abuurista jawi wadar-oggol si loo xaqiijiyo in guulaha muhiimka ah ee sanadka 2020 laga gaaro doorashooyinka, amniga, iyo xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada aanay mar dambe dib uga dhicin jadwalka loogu talgalay. Waxaan rajeynayaa in madaxda Soomaaliyeed ay qaadaan tillaabooyinka geesinimada leh ee lagama maarmaanka u ah suurta gelinta horumarka noocaas ah ee sanadkaan xasaasiga ah. Waxaa kale oo aan ku han-weynahay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto dowrkeeda iyadoo u maraysa fulin buuxda oo la fulinayo waajibaadka hawleed ee uu ansixiyay Golahan

Mahadsanid.