War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen Qaramada Midoobay, AU, EU, IGAD, iyo Safiiradda UK iyo Maraykanka ee Soomaaliya

9 Feb 2015

War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen Qaramada Midoobay, AU, EU, IGAD, iyo Safiiradda UK iyo Maraykanka ee Soomaaliya

Jaalayaasha caalamka oo soo dhoweeyay ansaxinta uu baarlamaanka ansaxiyay Dowladda cusub.


Muqdisho - Qaramada Midoobay, Ururuka Midowga Africa, Ururka Midnimada Reer Yurub, IGaad, Dowladda Ingriiska, iyo Dowladda Maraykanka ayaa soo dhoweeyay ansaxinta uu ansaxiyay Baarlamaanka liiska cusub ee Golaha Wasiiradda. Waxayna mar-labaad oogu baaqeen Madaxwaynaha, Raiisulwasaaraha, iyo Baarlamaanka Federaalak in ay si dhakhso leh oogu howlgalaan siddi lagu hirgelin-lahaa wax yaabaha ka harsan Aragtidii/ am himiladdi ku saabsaneed 2016 ayada oo la adeegsanayo Dowladda cusub ee uu baarlamaanka anxasiyay.

“ Waxaan soo dhowaynaynaa ansaxinta la ansaxiyay Dowladda cusub, waxaana oogu baaqaynaa madaxdda dadka Soomaaliyeed iyo hayadaha dowladuba in ay isla shaqeeyaan isulana howgalaan sidii lagu hirgelinlahaa guulaha kuqotoma aragtidda Dowladda ee ku wajahan 2016 . Aragtidan (2016 ah) iyo Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya , ayaa ah saansaabka hagaya wax qabadkaanaga. Waxaa hadda muhiim ah in la dhowro midnimadda iyo xasiloonidda Dowladda Federaalaka si loogu taagnaado hirgelinta aragtida ku saabsan 2016.”

“ Waxaa kale oo na dhiiri geliyay ku soo daridda Dowladda lagu soo daray wasiiradda haweenka ah. Ka qayb-galka ay haweenka, dhalinyaradda, iyo dadka laga badanyahay ay ka qaybgelayaan geedi socodka, iyo in si hufan loo shaqeeyo ayaa aad muhiim u noqonaya mar kasta oo horay loo dhaqaaqo”, ayay yiraahdeen.

Sannadda 2015 waaa sanno aad muhiim u ah si loo xaqiijiyo horay oogu socoshada wadada guusha looguna taagnaado wadadii lagu xaqiijin lahaa amaanka, iyo xasiloonidda Soomaaliya iyo in la horumariyo xaaladda nolaleed ee dadka Soomaaliyeed.

Bulshadda caalamku waxay cambaareeyeen dilka saaka lagu dilay Muqdisho Cabullahi Qayaad Barre oo ahaa xibin Baarlamaan. Waxaana la dilay asaga oo u soosocday Baarlamaaka. Waxayna oogu baaqeen Dowladda in ay si dhakhso leh u horkeento dembiilayaasha cadaaladda horteeda. Si doo kalena waxay tacsi kal iyo lab ah u direen qoyskii uu marxuum Barre iyo xaaxiibadiisi baarlamaanka ku jira.

Dhamaad.