War-saxaafadeed ku aadan qaraxi gaariga loo adeegsaday ee saakay ka dhacay Muqdisho

3 Dec 2014

War-saxaafadeed ku aadan qaraxi gaariga loo adeegsaday ee saakay ka dhacay Muqdisho

Muqdisho – Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) wuxuu xaqiijinayaa in gaari miineysan uu abaarihii 09.40 subaxnimo ku qarxay goob ay marayeen kolonyo gaadiid ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay, kolonyadaas oo maraysay meel u dhow Gegida Caalamiga ah ee Muqdisho.

Nasiib wanaag, ma jiro dhawac lasoo sheegay ee khuseeya shaqaalaha Qaramada Midoobay, dhamaan howl-wadeenada Qaramada Midoobayna wey bed qabaan. Waxaase wax laga xumaado ah warbixino nasoo gaaray oo sheegaya in khasaaro soo gaartay dad goobta ka ag dhowaa iyo howlwadeeno ka shaqeeya arrimaha amniga. Maamulka ayaan iskaashi kala sameyneynaa baaritaanka weerarkii dhacay subaxnimadan.


Dhamaad.