War-saxaafadeed uu soo saaray Af-hayeenka Xog-hayaha Guud ee QM- oo ku saabsan Soomaaliya

28 Nov 2021

War-saxaafadeed uu soo saaray Af-hayeenka Xog-hayaha Guud ee QM- oo ku saabsan Soomaaliya

New York, 26 Nofeembar 2021 - Xoghayaha Guud ee QM ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii argagixiso ee galaaftay nolosha dad badan ee shalay lagula beegsaday kolonyada ka tirsan Qaramada Midoobay ka soo horjeedka Dugsiga Mucaasir ee magaalada Muqdisho, kaas oo dhaliyey waxyeello badan.

Xog-hayaha Guud waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska dadki geeriyooday waxa uuna caafimaad degdeg ah u rajaynayaa kuwi ku dhaawacmay. Waxa uu ugu baaqayaa mas'uuliyiinta Soomaaliyeed in ay caddaalada hor keenaan kuwi ka dambeeyey weerarka.

Xog-hayaha Guud waxa uu taageerada iyo garab-istaagga Qaramada Midoobay u muujinayaa Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisonimada iyo xag-jirnimada hubeysan. 

War-saxaafadeedkan waxaa 26-ki Nofeembar 2021 soo saaray Af-hayeenka Xog-hayaha Guud ee QM António Guterres.