War-saxaafadeed wadajir ah ee bah-wadaagta Soomaaliya ee shirka Dhuusamareeb

24 Jul 2020

War-saxaafadeed wadajir ah ee bah-wadaagta Soomaaliya ee shirka Dhuusamareeb

Muqdisho Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay rajeynayaan in kulankii muhimka ahaa ee ay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad Xubnaha ka ah Federaalka (DXF) ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb uu yahay dib u billaabashadii aadka looga dhursugayay ee wadashaqeyn wax ku ool ah oo dhexmarta madaxda DFS iyo DXF. 

Saaxiibadu waxay soo dhoweynayaan go’aanka ay madaxdu ku gaartay inay magacaabaan guddi farsamo oo ka soo shaqeeya hababka/hanaanka doorasho ee doorashooyinka qaran ee 2020. Marka uu guddigu hore u gudagalo hawshiisa, waxaa lagama maarmaan noqon doonta in la helo heshiis ballaaran oo dhexmara saamilleyda Soomaaliyeed. Saaxiibadu waxay mar kale ku celinayaan inay lagama maarmaan tahay in geeddi socodka doorashadu uu dalka ka saaro hanaanka soo xulidda, kuna hago waddo lagu gaaro doorashooin toos ah, sida uu xeerinayo Dastuurka Federaalka Ku Meelgaarka ah. Sidaa darteed, saaxiibada beesha caalamku waxay ugu baaqayaan dhammaan saamilleyda Soomaaliyeed inay si degdeg ah u sii wadaan dadaalladooda si loo gaaro ujeeddooyinkan, dalkana lagu hayo wadiiqo siyaasadeed oo xasilloon, oo ay ku jirto danta dadka Soomaaliyeed.     

Hanaanka doorashada ka sokow, saaxiibada beesha caalamku waxay sidoo kale madaxda Soomaaliyeed ku boorrinayaan inay ku heshiiyaan qorshe lagu hirgeliyo dhinacyada kale ee dib u habaynta dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Dib u eegidda Dastuurka, yagleelidda dimuqraadiyad xisbiyo badan leh iyo abuuridda Guddiga Adeegga Garsoorka oo shaqeeya, Guddiga Xuquuqul Insaanka, iyo Maxkamadda Dastuuriga. Waxay sidoo kale hoosta ka xarriiqayaan baahida loo qabo in la xaqiijyo in murashaxiinta, xisbiyada, haweenka, dhallinyarada, beelaha laga tirada badan yahay iyo warbaahinta dalkoo dhan ay u hadli karaan si xor ah, gaar ahaan inta lagu gudajiro xilliga doorashada.

 

* Belgium, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Ireland, Itoobiya, Jabuuti, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Masar, Netherlands, Norway, Qadar, Spain, Sweden, Talyaaniga, Turkiga, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay.