Warbixin uu Ku-Simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay James Swan u jeediyey Golaha Amaanka oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya

3 Oct 2024

Warbixin uu Ku-Simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay James Swan u jeediyey Golaha Amaanka oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya

(Sidii looga jeediyey, New York)

Marwo Madaxweyne, Xubnaha Sharafta leh ee Golaha Amaanka,

Waad ku mahadsan tihiin fursadda aad ii siiseen in aan idiinkaaga warramo waxyaabihii ku soo kordhey xaaladda Soomaaliya.

Waxaa farxad ii ah in aan warbixintan ka soo barbar-jeedinayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Axmed Macalin Fiqi, iyo sidoo kale Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mohamed El-Amine Souef iyo ergayga bulshada rayidka ah Ilwad Elman, oo ah Agaasimaha Hay'adda Nabadda ee Elman (Elman Peace organization).

Waxaan jeclaan lahaa, billowga hadal-jeedinteyda, in aan ugu mahadceliyo ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika u-heellanaantooda iyo sida naf-hurnimada leh ee ay ugu hawl-gelayaan  nabadda iyo amniga dalka. 

Marwo Madaxweyne, 

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay weli diiradda saareysaa arrimaha hor-tabinta qaran u leh.  Ka-dib wax-ka-beddelkii [Dastuurka ee] ay bishii Maarso Baarlamaanku ku sameeyay afarta cutub ee ugu horreeya Dastuurka Ku-meelgaarka ah, ayaa Guddiga Madax-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka wuxuu hadda ka shaqeynayaa cutubyada 5-9 ee Dastuurka.  Waxaa durba bilowday wada-tashiyo lala sameynayo dowlad-goboleedyada, bulshada rayidka ah iyo daneeyayaasha kale ee muhiimka ah iyadoo lagala tashanayo arrimaha ku saabsan wax-ka-beddelka la soo jeediyay ee cutubyadan, sida awood-qaybsiga iyo wadaagga-khayraadka ee u dhaxeysa Dowladda Dhexe iyo Dowlad-goboleedyada.

Horumar ayaa laga gaarey xaqiijinta hannaanka doorashooyinka qof-iyo-codka ah, iyadoo Golaha Wasiirada ee Dowladda Federaalka ay meel-mariyeen saddex hindise-sharciyeed oo aasaasi ah oo loogu talagalay doorashooyin leh halbeeg caalamiga ah. Hindise-sharciyeedyadaas waxay kala yihiin Hindise-sharciyeedka Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka iyo Hindise-sharciyeedka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda. Golaha Wadatashiga Qaranka, oo furmay shalay ayna isugu yimaadeen madaxda Dowladda Federaalka ah iyo afar dowlad-goboleedyo, ayaa la filayaa in ay ka doodaan hindise-sharciyeedyadan, ka-hor inta aan loo gudbin Baarlamaanka si uu go’aan uga gaaro. 

Ka guuridda nidaamkii doorashada dadban ee hore u jiray, loona guuro nidaamka cusub ee la qorsheeyay ee doorashooyinka ku suntan halbeegga caalamiga ah waxay u baahnaan doontaa wadatashiyo ballaaran oo loo dhan yahay, iyo rabitaanka in dhammaan daneeyayaasha ay wadahadal yeeshaan si loo gaaro wadar-oggol siyaasadeed.  Marka arrintan la eego, waxaan soo dhaweynayaa kulanka Golaha Wadatashiga Qaranka.

Ansixinta sharciyada khuseeya doorashada ee la hirgelin karo iyo dhismada guddiga madax-bannaan ee doorashooyinka ayaa noqonaya ififaale muhiim ah oo muujinaya horumarka ku aaddan xaqiijinta doorashooyinka hal qof iyo hal cod. Qaramada Midoobay waxaa ka go'an in ay Soomaaliya ka taageerto wax-ka-qabashada caqabadaha farsamo, saadka iyo caqabadaha kale iyo qabanqaabinta taageero maaliyadeed oo laga helayo deeq-bixiyayaasha si loo qabto doorasho waqtigeeda ku dhacda oo lagu kalsoonaan karo.

Marwo Madaxweyne,

Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa ah mudnaanta amniga ee muhiimka u ah Dowladda Soomaaliya. In-kastoo la sameeyay dadaallo bogaadin mudan oo lagu joogteynayo hawlgallada ciidan ee ka dhanka ah Al-Shabaab, ayaa haddana Soomaaliya waxay la tacaaleysaa caqabadaha ku saabsan qorista/soo-saarinsta ciidamo [cusub]; kala wareegidda mas'uuliyadaha amniga oo lagala wareego Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS); qorsheynta u guuridda Hawlgalka Xasillinta iyo Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM); iyo hirgelinta barnaamijyada xasillinta ee muhiimka ah ee laga hirgelinayo degaannada ay dowladdu la wareegtay. Qaramada Midoobay waxaa ay sii wadeysaa in ay Dowladda Federaalka ah ka taageerto hawlahan, iyadoo si dhow ula shaqeynaysa Midowga Afrika iyo bah-wadaagta kale. Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa sii wada suuragelinta dhimista ciidamada ATMIS isagoo isla markaanna fulinaya mas'uuliyadihiisa taageerada ee joogtada ah. Qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran dowladda qaran ayaa fududeysay in ay hesho hub iyo saanad dheeraad ah, waxaanna hay’adaha kale ee ka hawlgala Soomaaliya xasuusinayaa shuruudaha loo baahan yahay si loo ixtiraamo shuruudaha ka harsan cunaqabateynta hubka ee lagu caddeeyay qaraarka tirsigiisu yahay 2713.

Al-Shabaab ayaa sii wadda in ay muujiso sida aanay ugu aaba-yeeleynin nolosha dadka rayidka ah, iyaga oo u adeegsanaya madaafiic lagasoo tuuro goobo fog-fog ayna ku weerarayaan xarumaha ay degan yihiin dadka, isticmaalka walxaha qarxa, weerarada ismiidaaminta ah ee ka dhanka ah dadka rayidka ah, oo uu ku jiro weerarkii foosha xumaa ee 2-dii bisha Agoosto ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Waxaan hoosta ka xariiqayaa cambaareynta uu soo saaray Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay ee weerarrada noocan oo kale ah, waxaana mar kale ku celinayaa taageerada Qaramada Midoobay ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed si ay uga hortagaan argagixisada iyo xagjirnimada rabshadaha wadata. Arrintan waxaa kaloo la xiriirta, oo aan sidoo kale walaac ka muujinayaa joogitaanka iyo dhaqdhaqaaqa sii kordhaya ee kooxda ku sugan Soomaaliya ee xiriirka la leh Dawladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya ee loo yaqaanno Daacish.

Marwo Madaxweyne,

Waxaan weli ka walaacsanahay xiisadaha sii socda ee ka taagan gobolka ee ka dhashay Heshiiskii Isfahamka ahaa ee lagu dhawaaqay 1-da Jannaayo ee u dhaxeeyay Itoobiya iyo “Somaliland”. Aniga oo dib u xasuusanaya go’aankii Golaha Ammaanka ee madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo wadajirka Soomaaliya, ayaa waxaan Itoobiya iyo Soomaaliya ku boorrinayaa in ay raadiyaan xal diblumaasiyadeed oo lagu xallinayo arrintan iyadoo la raacayo qaab-dhismeedka sharciga caalamiga ah. Waxaan bogaadinayaa dadaallada dhexdhexaadinta ah ee ay sameeyeen bah-wadaagta, oo ay ku jiraan wadahadalladii uu Turkigu martigeliyay ee ka dhacey Ankara 1-da Luulyo iyo 12-kii Agoosto. Waxaan Itoobiya iyo Soomaaliya ku boorrinayaa in ay si niyad-sami leh uga qaybgalaan dadaalladan diblumaasiyadeed iyo in ay ka fogaadaan falalka horseedi kara sii hurinta xaaladda taagan. Tallaabadan waa lama huraan marka loo eego saamaynta taban ee suuragalka ah ee ay ku yeelan karto xasilloonida gobolka, oo ay ku jirto saamaynta suuragalka ah ee ay ku yeelan karto hawlgalka kala-guurka ah ee baddalaya ATMIS.

Booqasho aan dhowaan ku tagey magaalada Hargeysa, waxaan sidoo kale ku booriyay qaboojinta xiisadaha ka taagan Sool iyo Sanaag iyo sidoo kale in ay si joogto ah degaamadaasi u gaaraan hawlwadeennada bani'aadamnimada iyadoo la raacayo war-saxaafadeedkii Golaha Ammaanka ee soo baxay 7-dii Juun ee sanadkii hore, kaas oo dhinacyada oo dhan ugu baaqay in ay fududeeyaan gargaarka bani'aadamnimo ee degaankan. 

Baahiyaha bani’aadamnimo ee guud ahaan Soomaaliyaa ka jira ayaa ah kuwo mug weyn. Gilgilashooyinka cimilada ee sii xoogeysanaya, colaadda, cudurrada dillaaca iyo saboolnimada baahsan ayaa weli saameynaya malaayiin. Inkasta oo tirada dadka la qiyaasayo in ay gargaar u baahan yihiin guud ahaan dalka ay hoos uga soo dhacdey 8.3 milyan oo ay ahayd sanadkii hore ayna noqotay 6.9 milyan sanadka 2024, haddana Soomaaliya ayaa weli aad ugu baahan gargaar bani’aadamnimo. Waxaan ku baaqayaa in taageero dheeri ah lagu daro $1.6-da bilyan ee ah Qorshaha ka Jawaabista Baahiyaha Bani’aadamnimada ee sanadka 2024, kaas oo boqolkiiba 37 uun la maalgeliyay.

Culaysyada bani’aadamnimada iyo horumarka ee haysta Soomaaliya ayaa waxaa sii xoojiyey gilgilayaashooyinka cimilada. Kheyraadka oo yar iyo barakaca bulshooyinka ayaa dhinacooda iyana sababa colaad. In la dhiso adkeysi xooggan oo loo yeesho raadadka isbeddelka cimilada ayaa muhiim u ah xasiloonida Soomaaliya. Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo bahwadaagta kale ee la aqoonsan yahay ayaa taageeray inay Soomaaliya ka faa’iidaysato Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate Fund) si ay u dhisto adkeysi heer degaan ah oo ayna uga shaqeyso waxqabadyo cimilada la xiriira oo caqli ku dhisan oo laga fuliyo guud ahaan Soomaaliya.

Marwo Madaxweyne,

Qaramada Midoobay waxaa ay  waddaa in xuquuqaha aadanaha, jinsiga, dhallinyarada iyo ka-qaybgalka naafada ay udub-dhexaad uga dhigto dhammaan hawlaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Mid ka mid ah tusaalayaasha badan ee la soo qaadan karo waa taageerada aan siinno Hay’adda Naafada Qaranka, taas oo ay ka mid tahay in aan kala talinno dejinta shuruucda iyo siyaasadaha la xiriira hab ku dhisan xuquuqda ay leeyihiin naafada. Sidaa daraaddeed, waxaan soo dhoweynayaa ansaxintii uu Hindise-sharciyeedka Ilaalinta Naafada uu ansaxiyey Golaha Shacbiga kalfadhiga baarlamaanka ee hadda socda dhexdiisa.

Marwo Madaxweyne,

Soo-jeedinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la halmaasha in UNSOM ay isu beddesho kooxda Qaramada Midoobay ee dalka ayaa waxaa Golahan u soo gudbiyay Xoghayaha Guud 30-kii Agoosto. Soo-jeedintan Soomaaliyeed ayaa daba socotay wadahadal wax-dhisaya oo diirran oo dhexmaray koox farsamo oo isku dhaf ah oo matalaya Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wada-tashiyo dheeri ah oo lala yeeshey madaxda Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda. Waxaan u hanweynahay in aan Dowladda Federaalka si dhow ugala shaqeyno fulinta kala-guurkan, iyo aan sii wadno taageerada Qaramada Midoobay ay siineyso arrimaha mudnaanta u leh qaranka Soomaaliya marki aan waajibaadka hawlgalka ka helno Golahan. 

Mahadsanid, Marwo Madaxweyne.