Warbixinta Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Michael Keating u jeediyay Golaha Ammaanka ee ku saabsan xaaladda Soomaaliya

Md. Madaxweyne,

Kulankeenu wuxuu ku soo aaday waqti farxad leh – iyadoo la soo gunaanaday geedi-socod doorasho oo ballaaran oo dhammeystiran, iyadoo doorashada madaxweynaha cusub naga xigto 12 maalmood oo kaliya.

Sidoo kale, kulankeenu wuxuu ku soo aaday waqti Al-Shabaab ay samaynayso wax kasta oo ay samayn karto si ay sumcadda uga dhiso una carqaladayso geedi-socodka, sida aan ku aragnay Muqdisho iyo weerarkii maanta ka dhacay Kulbiyow. Fadlan ii ogolow inaan tacsi tiiraanyo leh u diro qoysaska askartii iyo dadkii rayidka ahaa ee naftooda ku waayay.

Arrinta leh mudnaanta ugu horreysa waa in la xaqiijiyo in loo hogaansamo taariikhda uu Guddiga Wadajirka Heer-Federaal ee Doorashadu u qabtay codeynta doorashada madaxweynaha. Taariikhda waxaa loo asteeyay sababo farsamo awgood; waa in laga hortagaa oo la baajiyaa cadaadiska wax looga bedelayo taariikhdaas iyadoo loo cuskanayo sababo siyaasadeed.

Sidoo kale, waxaa lagama maarmaan ah in marxaladda ugu dambeeysa ee geedi-socodka ay u qabsoonto si daah-furan, sida ku xusan xeerarka lagu heshiiyay ee loogu talagalay in lagu xaqiijiyo doorasho xor ah oo xalaal ah. Dhammaan musharaxiintu waa inay dhowraan qodobada Xeerka Anshaxa ee ay saxiixeen markii ay diiwaangelinayeen musharaxnimadooda.

Tani si gaar ah ayay muhiim u tahay sababtoo ah marxaladdii geedi-socodka ee doorashooyinkii baarlamaanka waxaa hareeyay dhacdooyin dhowr ah oo wax isdabamarin ah, waxaana ka mid ah laaluush iyo cod-iibsasho, kadeed iyo cagajuglayn, ku-feegaarid iyo weliba dib u dhacyo daba dheeraaday oo soo noq-noqday. Dhacdooyinkaas qaarkood waxay ahaayeen kuwo heerkoodu sarreeyo oo fool xun, inkastoo tartamada intooda badan ay u dhaceen si sax ah. Si ballaaran ayaa loo daawaday waxaana lagala socday warbaahinta bulshadu iskula xiriirto.

Mudane Madaxweyne, geedi-socodka doorashadu wuxuu ahaa muraayad ay dadka Soomaaliyeed ku arkeen wanaagga iyo xumaanta ku aaddan sida awoodda loo adeegsado, xiriirka ka dhexeeya oday dhaqameedyada, wakiillada beelaha, siyaasiyiinta, ganacsatada, muwaadiniinta caadiga ah, haweenka iyo ragga. Mayna jecleysanin wax kasta oo ay arkeen, gaar ahaan heerka musuq-maasuqa, iyo hay’ado xaqiijin kara islaxisaabtan sharci iyo mid maaliyadeed oo meesha ka maqan.

Casharro badan oo muhiim ah ayaa laga bartay. Guddiyada gaarka ah ee doorashada waxay qabteen shaqo wanaagsan oo mudan in la xuso, laakiin waxay culaysyo kala kulmeen cadaadis siyaasadeed, hanjabaado iyo xod-xodasho. Jadwalka doorashada wuxuu la kulmay dib u dhacyo soo noq-noqday, inta badan waxaa keenay geedi-socodka ayaa loo adeegsaday in la isku dayo xallinta khilaafaad soojireen ah, oo ka dhexeeyay beelaha, maamulada iyo dhinacyo kale oo hawsha ku lug lahaa.

Ujeedadu waxay tahay in geedi-socodku uu sidiisaba ahaa mid siyaasadeed, loona adeegsanayay gorgortanka iyo dib u heshiisiinta beelaha iyo jufooyinka, waana in qayb ahaan sidaas loo qiimeeyaa. Tilmaamaha doorashadu muhiim ayay ahaayeen maadaama ay dhidibada u aaseen marxaladdii loogu gudbi lahaa doorashooyinka dadweynaha.

Casharradan waa in looga faa’iideystaa qorshaynta doorashooyin Qof iyo Cod ah ee la qorsheeyay inay dhacaan sannadka 2020. Guddiga Doorashada Qaran ee Madaxabanaan wuxuu u baahanyahay in la xoojiyo, lana sameeyo diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, nidaam sharci oo adag la diyaariyo si loo kala saaro/xalliyo khilaafaadka, cunaqbataynna loo saaro habdhaqanka ku-takrifalka ah. Dadaallada arrimahaas lagu gaarayo waa inay billowdaan sida ugu dhakhsiyaha badan maadama geedi-socodkii doorashada uu marayo heer gebogebo ah.

Marka laga soo tago dhibaatooyinka uu la kulmay, geedi-socodku wuxuu lahaa natiijooyin aad u dhiiri-gelin badan wuxuuna ka dhiganyahay guul muhiim ah oo laga gaaray horumarka Soomalaiya iyo isbedelka wixii ka dambeeyay colaadaha.

Waxaa la unkay Aqal Sare, 54kiisa xubnood waxaa lagusoo doortay heer dowlad goboleed federaal ah bedelkii lagusoo dooran lahaa hab qabiil. Sawirkan iyo habkan ay Soomaaliya u noqonayso federaal wuxuu dowr muhiim ah ka cayaari karaa horumarinta ajenda qaran oo dhab ah.

Tirada codbixiyeyaasha aad ayaa loo kordhiyay. Ergada doorasho waxaa laga badiyay tiradii [hore ee] sanadkii 2012 ee ahayd 135 odayaal dhaqameedyo rag ah, waxaana la gaarsiiyay in ka badan  13,000 qofood, 30% ay ahaayeen haween.

Kudhowaad afar meelood hal meel oo kamid ah Xildhibaanada hadda waa haween – run ahaantii waa guul aad u weyn, waana natiijo ka dhalatay ka-qaybgalka siyaasadda ee haweenku sida wax ku oolka ah uga qaybqaateen, ayna taageereen Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka iyo madaxda Soomaaliyeed.

Waxaa jiray tartan doorasho oo dhab ah. Codbixintu waxay ka kala dhacday lix goobood oo ku kala yaallo daafaha dalka, taas oo mar kale ka turjumaysa qaab-dhismeedka ay yeelanayaan dowlad goboleedyada federaalka ah.

Baarlamaanka cusub waa mid [xubnihiisu] da’ yarhihiin, aad u kala duwanyihiin, waxayna u badantahay inay noqon doonaan kuwo aad uga jawaaba baahida ay qabaan dadkii soo doortay, baarlamaankuna uu noqon doono mid ka duwan baarlamaankii ka horreeyay. Warkii oo kooban, baarlamaankani waa ka sharciyad sarreeya kana metelaad badan yahay wax kasta oo ka horreeyay tan iyo markii ugu dambeeysay ee la qabtay doorasho sanadkii 1969.

Ka-sokow weerarkii foosha xumaa ee Al-Shabaab ay ku qaadeen hoteel ay adeegsadaan xubnaha baarlamaanka oo ku yaalla Muqdisho muddo laga joogo laba maalmood oo kaliya ka hor, maleeshiyaadka argagixisadu wey awoodi waayeen inay carqaladeeyaan geedi-socodka doorashada. Tani waxay tusinaysaa oo ay tahayba farriin muhiim ah.

Muqdisho waxay sii ahaanaysaa goob aad loo beegsado ilaa iyo inta lagasoo afjarayo doorashada madaxweynaha, taasina waa sababta kale ee aan loo ogolaan doonin in jadwalka doorashada wax lagu daro.

Ii ogolow inaan sidoo kale halkan bogaadin uga diro AMISOM iyo ciidamada amniga ee Soomaaliyeed iyo nabadsugidda/sirdoonka oo aan ku bogaadinayo ilaalinta goobaha doorasho ee ku yaal dalka daafihiisa. Waxay mudanyihiin in si weyn loogu ammaano fulinta hawl khatar leh iyagoo ku sugan xaalado adag.

Doorasho madaxweyne oo dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkuba u aqbalaan/aqoonsadaan inay tahay mid sharci ah ayaa u horseedi doonta Soomaaliya inay xalliso caqabadaha adag ee horyaalla. Si kastaba ha ahaatee, haddii codaynta madaxweynaha ee soo socota aanay noqonin codbixin qarsoodi ah ama loo arko mid ay dhaaweceen musuqmaasuq, khasbid ama faragelin kor uga timid, markaasi dalku wuxuu wajihi karaa marxalad dabadheeraata oo hubanti la’aan ah.

Tani waa midda ugu dambeysa ee ay u baahanyihiin dadka Soomaaliyeed. Dadka Soomaaliyeed waxay filayaan oo ay mudanyihiin inay helaan maamul wax ka qabanaya dhowr waxyaabood oo leh mudnaan degdeg ah. Waxyaabahaas intooda badan waxay ku jiraan ajendayaasha musharaxiinta madaxweynaha, oo uu kamid yahay madaxweynaha hadda xilka haya.

Ii ogolow inaan magacaabo afar [kamid ah waxyaaba mudnaanta leh]: dib u habaynta waaxda amniga; dardargelinta dib u eegista dastuurka; dib u heshiisiinta iyo xallinta colaadaha badan ee ku sii faafa daafaha dalka; iyo xoojinka maamulka dowladnimo ee heer dowlad dhexe iyo heer deegaan, si ay labadooduba usoo saaraan canshuur/dakhli una bixiyaan adeegyo.

Nasiib darro, Mudane Madaxweyne, waxaa sidoo kale jira arrin shanaad, oo leh mudnaan degdeg ah: ka-jawaabidda abaaraha hadda jira. 5 milyan oo dad ah ayaa lagu qiyaasaa inay ku baahanyihiin daafaha dalka, kasoo billow Somaliland iyo Puntland oo ku yaalla woqooyiga dalka ilaa deegaanada xeebta ah ee bartamaha iyo Jubbaland oo ku yaalla koonfurta dalka. Caruur tiradooda lagu qiyaasay 320,000 da’dooduna ka hooseeyso 5 sano jir ayaa la ildaran nafaqadarro. Awoodaha la tacaalidda ayaa waxay kusii siqayaan heer burbur ah.

Qorshaha Ka-jawaabidda Abaaraha wuxuu u baahanyahay $864 milyan, oo $300 milyan oo kamid ah loo baahanyahay in la helo afarta bilood ee sanadkan ugusoo horreyso gudohooda.

Shabakadda Hanaanka Kasii-Digidda Macluusha waxay ku warbixinaysaa in macluul ay hadda soo fool leedahay, waxaana loo baahanyahay tallaabooyin degdeg ah oo lagu kordhinayo kaalmada laguna xaqiijinayo inay gaarto [meelihii loogu talagalay] si loo yareeyo halista khasaaro nafeed oo baaxad weyn.

Abaartu waxay leedahay saamayn siyaasadeed iyo mid amni. Waxaa sii kordhinaya tartanka loogu jiro ilaha kheyraadka, sida biyaha, iyo colaadaha kajira deegaanada. Tirada dadka barakacaya aad ayay usii kordheysaa. Warbixinno iyo muuqaalo kusaabsan nafaqadarrida ayaa dhex wareegaya warbaahinta bulshadu ku xiriirto.

Awood la’aanta ka muuqato dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ee ka-jawaabidda (abaaraha) ayaa daawacaysa sharciyaddooda – waxaana ka faa’iidaysanaya Al-Shabaab. Somaliland waxay sheegtay in abaaraha daratood ay dib ugu dhigtay doorashooyinkii qabsoomi lahaa bisha Maarso waxaana dib loo dhigay ilaa Oktoobar. Dakhliga/canshuurta ka soo xaroota ganacsiga xoolaha nool hoos ayuu u socdaa, dhaqaalaha maaliyadeed ee wax looga qabanayo abaaraha ayaa saamayn doona mushaaraadka hay’adaha amniga iyo kuwa dowladda.

Si kooban markaan u sheego, haddii lagu guuldarraysto taageerada wax kaqabashada abaaraha, taasi waxay hakin kartaa oo xattaa ay wiiqi kartaa ka miradhalinta ujeedooyinka waawayn ee dowlad dhisidda iyo nabadaynta.

Mudane Madaxweyne,

Dib u habaynta waaxda amniga waa in aan dib loo dhigin ama aan la carqaladayn. Rajada laga leeyahay xasilloonida iyo nabadgelyada waxay ku xirantahay dadka Soomaaliyeed oo xil weyn oo siyaasadeed iyo mid dhaqaale iska saara amaankooda u gaarka ah. Qorshe arrinkaan lagu xaqiijiyo ayaa si deg deg ah loogu baahanyahay.

AMISOM iyo Dalalka Ku Deeqay Ciidamada, sida ay caddeeyeen, masii joogayaan dalka weligood. Joogitaankoodu wuxuu lagama maarmaan u ahaa, haddana u yahay, amni kusoo dabbaalidda Soonaaliya, fursad u samaynta mashruuca dhismaha dowlad goboleedyo federaal ah, iyo ilaalinta/badbaadinta doorashooyinka. Masii joogayaan haddii aan arrimaha dhaqaale ee degdega ah aan wax laga qaban, iyo haddii aanay hubsanin in in uu jiro qorshe lagu kalsoonaan karo oo ciidamada amniga ee Soomaaliyeed iyo boolisku ay awood ugu yeelanayaan inay sii hayaan ay kusii sugnaadaan goobaha laga xoreeyay Al-Shabaab.

Hoos u dhigidda 20% hoos loo dhigay taageeradii deeqsinimada lahayd ee Midowga Yurub uu siiyo Midowga Afrika ayaa waxay dhalisay walaac ballaaran. Dhaqaalaha lagu bixiyo AMISOM wuxuu u baahanyahay in uu yeesho qaab lagu joogteeynayo lagunasii saadaalin karo. Waxaan Golaha ku boorrinayaa inuu dib u eegis kusameeyo qaababka loo xalin karo loona samayn karo sidaas, ayna kamid tahay adeegsiga Deeq Qiimaysan (qaaraan ay ku deeqaan dalalka iyadoo dal kasta loo fiirinayo hadba inta tabartiisu la egtahay). Shaki kama qabo in Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika uu idinkaga warrami doono arrimahaan, oo ay kujirto baahida loo qabo in taageero degdeg ah loo helo dagaalka la qorsheeyay ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xattaa inta dhibaatada dhaqaale wax laga qabanayo, arrinta ka weyn ee ah siijoogtaynta amniga Soomaaliya ayaa ah mid sii jiraysa, marka la eego degdegta soo korortay ee dhowr Dowladood oo Ku Deeqay Ciidamo ay uga dhawaajiyeen ujeedkooda ah inay iskaga baxaan dalka.

Arrintan waxaa fure u ah dhismaha Ciidanka Amniga ee Qaranka Soomaaliya, haddii ay ahaan lahaayeen ciidanka xoogga, booliska, ciidanka badda ama sirdoonka, taasi oo ka turjumaysa dowlad goboleedyada federaalka ah ee dismaya, ciidankaas oo ay ku kalsoonyihiin dhamaan dadka Soomaaliyeed, oo aan loo arkeynin ciidan si gaar ah ay u maamushaan beelo gaar ah, ahna ciidan u hogaansan hogaanka siyaasadeed, tiradoodana la awoodi karo.

Mudane Madaxweyne, sannado maalgelin ah oo ay beesha caalamku bixisay ayaa waxaa ka soo baxay natiijooyin kooban. Al-Shabaab hoos ayaa loo dhigay awooddooda laakiin weli waa khatar xooggan. Hal sabab oo arrintaas loo aaneeyo ayaa ah qaabka marki hore loo wajahayay amniga ayaa u badnaa qaab military/ciidan iyo qaab hawlgal. Dabcan tani waa muhiim, laakiin ma aha mid ku filan.

Waxaa lama huraan u ah ah madaxweynaha soo socda [ee la dooran doono] inuu dadka Soomaaliyeed u horseedo heshiis ay ka gaaraan naqshadda, milkiyadda, maal-gelinta iyo ujeedada ciidamada amniga taas oo saldhig u ah wadajirka iyo isu-duwidda taageerada beesha caalamka, gaar ahaan Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo saaxiibadeeda la jaalka ah. Waxaan rajaynayaa in waxyaabaha ku xusan halkan lagasii hawlgeli doono kahor inta aan la gaarin Shirweynaha Heerka Sare ee Soomaaliya ee soo socd, kaas oo la qorsheeyay inuu ka dhaco London bisha May.

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay waxaa ka go’an in si dhow oo wadajir ah ula shaqeeyaan maal-geliyeyaasha, qaybaha ballaaran ee ay ka koobantahay beesha caalamka iyo maamulka cusub ee Soomaaliya, oo ay kala shaqeeyaan [sidi lagu xaqiijin lahaa] qaab dhamaystiran oo lagu wajahayo amniga Soomaaliya. Tani waxay u baahantahay in looga faa’iideysto awoodaha iyo tabarta kala geddisan ee ay leeyihiin hawl-wadayaasha muhiimka ah, haddii ay noqon lahayd dhaqaale siinta AMISOM, dhismaha Ciidanka Amniga ee Qaranka Soomaaliyeed, dhismaha iyo ballaarinta sarraynta sharciga iyo awoodda dowladeed ee heer deegaan, iyo ka-hortagga iyo la dagaallanka xagjirnimada gacan ka hadalka leh.

Sii joogtaynta amniga iyo gobanimada Soomaaliya ayaa qasbaya in si weyn hoos loogu dhigo ku tiirsanaanta dhaqaale ee dalku ku tiirsanyahay dunida inteeda kale iyo in guul laga gaaro in la ballaariyo dakhliga gudaha si loogu qabto adeeg dadweyne, oo uu ka mid yahay sarraynta sharciga iyo amniga. Hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah waxay dowr muhiim ah ku leeyhiin xoojinta awoodaha maaraynta iyo nidaamyada islaxisaabtanka.

Arrinta kale ee mudnaanta leh waa dib u bilaabidda geedi-socodkii dib u eegista dastuurka si wax looga qabto arrimaha siyaasadeed ee muhiimka ah ee aan weli xal laga gaarin. Arimahaan waxaa kamid ah kala qeexidda mas’uuliyadaha ay kala leeyihiin Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka; iyo waajibaadka iyo mas’uuliyadaha ay kala leeyihiin Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka, mas’uuliyadahaas oo taabanaya dhinacyo badan, oo ay kamid yihiin sida loo wadaagayo kheyraadka iyo canshuuraha, nidaamka garsoorka iyo khariidadda tubta loo marayo doorashooyin qof-iyo-cod ah oo dhaca sanadka 2020. Heshiiskii Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka ay ka gaareen hanaanka federaalaynta ciidanka booliska ayaa ahayd tusaale wanaagsan; hadda heshiiskaasi wuxuu u baahanyahay in la hirgeliyo.

Geedi-socodka dib u eegista dastuurka, Mudane Madaxweyne, ayaa ah tan ugu macnaha iyo qiimaha badan hadda iyadoo lasoo dhamaystiray maabkii/shaxdii federaal ee Soomaaliya, lagunasoo dhamaystiray samayntii HirShabeele ee bishii Nofeembar.

Geedi-socodka doorashada ayaa si weyn wax uga qabatay oo u xallisay khiaafaad badan oo aan horay loo xallin oo ka jiray dalka. Khilaafaadkaas waxaa ugu weynaa kii ka dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, khilaafkii Galkacyo, laakiin waxaa jira ugu yaraan nus darsan kale (lix kale), mid kasta oo kamid ahna wuxuu leeyahay suurtagalnimo ah inuu isku bedelo colaad ay ka dhalan karaan khasaaro nafeed iyo mid siyaasadeed. Dadkii Soomaaliyeed ee aan la sheekeystay waxay caddeeyeen inay doonayaan Qaramada Midoobay, iyadoo la shaqaynaysa saaxiibadeed la jaalka ah ee Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Urur-Goboleedka IGAD, inay diiradda saaraan dhismaha tabarta/awoodda Soomaaliya si ay uga hortagto una xalliso colaadaha iyo inay taageerto geedi-socodyada dib u heshiisiin.

Waxaa arritan udub dhexaad u ah sarraynta sharciga, iyadoo dowr adag oo wax dhisid ah uu ka qaadanayo Baarlamaanka cusub, waxayna noqon kartaa mid kamid ah damaanad-qaadyada ugu adag ee damaanadqaadaya xasillooni waarta iyo maamul dowladeed oo kasii jira Soomaaliya.

Dadka Soomaaliyeed ee caadiga ah waa inay ka faa’iideystaan dadaal wadareedyadeenna. Hawl muhiimah ayaa harsan oo ay tahay in la qabto si loo hagaajiyo xaaladda murugsan ee xuquuqul insaanka ee kajirta dalka. Waxaan si gaar ah uga walaacsanahay dhibaatada haysata caruurta ay saameeyeen colaadaha iyo dhacdooyinka aan la aqbalikarin ee qafaalashada/afduubka iyo askaraynta qasabka ah ee ay Al-Shabaab samaynayso. Maleeshiyaadkeeda badankood waxay ka koobanyihiin carruur, kuwaas oo si ku talagal ah loogu beegsaday bulshooyinka ku nool goobaha ku jira gacanta Al-Shabaab. Waxaan jeclaan lahaa inaan codkeyga ku biiriyo codka Xoghayaha-Guud Guterres, sida uu hoosta uga xarriiqay warbixintiisii ugu dambeeysay ee ku saabsanayd carruurta iyo colaadaha hubaysan, inaan ka hadlo xaaladdan naxdinta leh.

Mudane Madaxweyne,

Sida uu codsaday Golaha Amaanka, bahda Qaramada Midoobay waxay billowday dib u eegidda joogitaankeeda Soomaaliya, iyadoo ujeeddadu tahay in la taageero wareegga siyaasadeed ee soo socda gaar ahaan in wax laga qabto arrimaha mudnaanta leh ee aan hadda kasoo hadlay soona tilmaamay. Waxaan jeclaan lahaa inaan sheego iyadoo la eegayo dib u dhacyadii ku yimid geedi-socodka doorashada, in dib u eegistan, dabcan, aan la soo dhammaystiri karin dabayaaqada bishan. Si kastaba ha ahaatee, waxaan ku talo jirnaa inaan kala xaajoonno dowladda cusub sida ugu dhakhsiyaha badan, oo aan kuu la soo noqono wixii noo soo baaxa bilaha soo socda.

Fadlan ii ogolow inaan ku soo gabagabeeyo u mahad celinta xubnaha Golahan oo aan uga mahad celinayo mowqifkooda midaysan ee ku aaddan Soomaaliya iyo taageerada aniga iyo xafiiskeyguba aan idinka helno. Sida aan horey usoo sheegay, horumarku waa mid jilicsan oo caqabado iyo culaysyo badan leh. Laakiin jawiga ayaa si tartiib tartiib ah ugusoo hagaagaysa Soomaaliya si ay ugu gudubto marxaladda cusub ee joogtaynta nabadda, ka-hortagga iyo xallinta colaadaha, iyo dhisidda dowlad goboleedyo federaal ah oo shaqeeya. Ugu dambayntii, dadka Soomaaliyeed iyagaa iska leh go’aaminta masiirkooda – laakiin taageeradiina ayaa xudun u ah fursadaha ay u leeyihiin inay guulaystaan.

Mahadsanid, Mudane Madaxweyne.